Guulleed waa 21 jir agoon ah ku nool toola yar oo ku taal soomaliya, waxa uu la noolyahay hooyadii uu nin kale qabo, qoyskoodu waxa ay ka koobanyihiin isaga iyo wiil iyo gabar ku hooya ah, adeerka hooya qaba iyo hooyadiis. Nolosha reerku waxa ay ku tiirsantahay xoola dhaqasho, Guuleed waa curadka reerka adeerka hooyadii qaba ayuu aabe ugu yeeraa maadaba isagu soo koriyay una buuxiyay booski aabihi, inkasta uu agoonyahay hadana ma dareemo in uu aaba la'aan yahay oo waa xooga kaliya oo ay reerku heystaan waana sababta adeerku u dhaqaaleeyo Guuleed.
Guulleed ma helin fursad wax barasho sababto ah tuuladu
malaha Iskuul iyo nolol wax barasho dadku ku nool dhamaan waa xoolo dhaqato
waxa ayna la harjadayaan nolol maalmeedkooda, shaqada barbaarta tuuladu qabato
waa xoola ilaalin, ceel geyn, iyo waraabin, dhalinta qaar ayaa iyaguna qabta
howla ganacsi sida safrinta caanaha oo loo iibgeeyo magaalo ku dhaw kadibna
raashin reeraha ugu soo badala.
Nolosha tuuladu waa mid iska basiid ah kamana duwana
toolooyinka kale ee soomaaliya ma jiraan wax ka baxsan wax soosaarka dadka,
mustaqbalka ay dhalanyaradu wada higsadaana waa kaliya in ay guursadaan oo ay
reera dhistaan kadib awlaad eebe ku irzaaqo, Guulleedna kama fakar duwana
barbaarta tuulada ku nool oo wax kaloo ka duwan arinkaas oo lagu fakaraaba kama
jiraan tuulada uu kusoo hana qaaday.
Baydan waa gabar Eebe joog iyo jamaalba u dhameystiray aadna
u edeb iyo anshax wanaagsan kaligeed ayaa eebe ku irzaaqay hooyo Caynabo iyo
Aabe Warfaa, oo caruur oo dhan iyada kaliya ka haysta, waa madi hadana gabar ah
waalidkeeduna ay aad u jecelyihiin intaasna ay i sha ku hayaan kuna kortay
nolol koolkoolin iyo ka dhowrid wax walba oo dhib ah, waana 16 jir soo hana
qaaday gayaankeeda oo dhamina wada baadi goobayaan balse aabe warfaa ayaa intaa
gaarka ilaalaa ka haya oo aan marnaba ogoleyn in inantiiso ay ku dhacado dabinada
kurayada qaar.
Ka sokoow ilaalada Aaba Warfaa, Beydan ayaaba ah gabar aad u
dhiifoon aadna u taxadar badan isna og, marka ay joogta goobaha caweyska ee barbaartu u soo ciyaar gudaan uma muuqato qof dhacdhac badan oo si fudud lagu
haweysan karo inta badan waxay sheeka wadaag latahay oo ay saaxibo isku dhaw
yihiin Cawo oo ah gabar iyaduna caan ku ah tumis cayaaraha waxayna inta badan
goobta soo galaan marka Guulleed iyo saaxiibki Guhaad dalaq soo dhanaa, waa
afar cayaartooy oo tuulada caan ka ah cidina aysan u babac dhigi karin inta ay
goobta ku jiraana, orka sacabka iyo jiibtu marna hoos uma dhacaan balse ma jiro
xiriir kale oo ka dhexeeya hablahan labada ah iyo labada wiil oo ciyaartu
markay dhamaanto laba kastaaba aayar ayey dhanka hoygooda u qabtaan.
Guulleed waa nin bashaah ah aadna u furfuran qadarin iyo ixtiraam badan dhalinyarada tuuladuna ey wada jecelyihiin dhan kale guulleed waa ciyaartooy ku caan baxay tumista ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka habeenkuu goobaha caweyska ka maqanyahay wiilal iyo gabdhaba si wada jir ah ayaa caajis looga dareemaa cayaarta, mana lagu daaha goobta caweyska ee fiidkiiba waa lagu kala dareeraa balse habeenka uu joogo guulleed waaga ayaa loogu bariyaa sida hadba ciyaaro kala jaad ah loo dheelayo, inta badan ciyaarta dhaantada ee uu aad ugu dheereeyo waxaa la jiibisa aadna u jecelyahay dadanka codkeeda Beydan oo ah gabar ay jaaryihiin aadna ay isugu baxdo dhanka cayaarta iyo is xifaaleynta......
Lasoco qeybta xigta.
W/Q Bashir Suley

Comments
Post a Comment