4 Jul 2015 oo aheyd maalinti Cabdi Kariim Guulleed loo doortay
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ilaa iyo maanta oo ay maalinteedi kale ka
dhimantahay muda 20 beri oo qura, ayey san muuqan wax u qabsoomay Maamaulka
Gobaleedka Galmudug.
Cadaado ah Caasimada ku meel-gaarka ah ee Maamulka ayeysan wali
dhanna u soo dhaafin dhamaan Madaxda Dowlada Maamul Gobaleedka Galmudug, hadii
ay ahaan la haayeen Baarlaman ama Wasiiro iyo Madaxweynaba.
Waxaa Gacanta Maamulka Galmudug ka maqan Dhuusa-mareeb oo ah
Caasimada Maamulka Galmudug, iyo Magaalooyin kale oo ay ka midyihiin Ceer-buur
iyo Xarardheee, iyo qar kaloo badan.
Guud ahaan Gobalada Galgaduud iyo Mudug ayaan inta badan gacanta ugu
jira Maamulka Ahlusuna iyo Maleyshidaadka Al-shabaab oo horay ugu wada
dagaalaamay, mana jirto awood muuqata oo ay Dowlada Cabdikariin Guulled ku
hanan karto.
Majirto talaabo Cabdikariin Guulleed u qaaday dhanka nabadeynta Deegamada
Maamulkisa ku abritsada, sidoo kale waxaan muuqan horumar lataan karo ee uu ka sameeyay
dhisida mamul awood leh oo baahinta Xukunkiisa.
Sidoo kale waxaa meesha ka baxday isku duubnidii quruxda badneyn oo
ay kow iyo tobanka beelood ee Daga Deegaanada Galmudug ku doorteen Cabdikariin
Guulleed, taasi oo ugu dambeyntii keentay in Maamulo kale looga dhaqaawo
Magaaloyin ka tirsan Gobalka Galgaduud.
Majiro hamaan Maamul iyo ku Dowladeed oo si toosa uga shaqeeya inta
badan Magaalooyinka Gobllada Galgaduud iyo Mudug, mana baahsana xumunka Maamul
ee Dowlada Cabdikariin Gulleed.
Waxaa labada Gobalba ka maqan dhamaan Hay’adaha UN-ka oodhan, waxa
ayna marmarsiya ka dhigteen amni daro baahsan iyo xasilooni daro ka jirta
Deeganadaas.
Daba yaaqadii Bishii sadaxaad ee sanadkaan 2016ka ayaa waxaan
magaalada Kampala ee Dalka Uganda kula kulmay Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali
Gacal Casir, waxa aana wax ka weydiyay sababta Hay’adaha UN-ka ay ugama
maqanyihiin Deegaanada Maamul Gobaladeedka Galmudug, Gudoomiyaha ayaa iishay in
UN-ka dhan ay baqdin ka qabaan Deegaanka ayna aminsanyihiin in Al-shabaab ay ku
wax yeeleynkaraan.
Mar aan weydiiyay su’aal ah “Maxay Dowladiinu wax uga qaban ladahay
amaan daradaas?” ayuu wuxuu ii shegay in Amaanku iska fiicanyahay marka gudaha
lajoogo, Balse uusan jirin qorshe saxan oo Amaanka u dagan oo la isku haleynkaro.
Dad badan oo ka soo jeeda Deegaanada Maamulka Galmudug oo aan wax ka
weydiiyay aragtidooda ku aadan wax qabadka Dowlada Galmudug ee sanad jirsatay
ayaa si isku mida waxa ay qabaan in Cabdikariin Guulled uu ahaa Boos celis
Deeganada wax dana aan uusan u heyn.
Waxaa iska cad oo muuqata in Cabdikariin Guulleed xaqiijiyay
qorshihii Damjadiid ee ahaa in Maamulka Galmudug uusan madax ka noqon nin la xisaabtama
qalqalna galin kara Doorashoonyinka 2016ka oo ay isla doonayaan in ay ku
guuleystaan.
Majiro qorsha cad iyo hanaan siyaasadeed oo u dagana Mr Guulled,
kaliya ujeedka uu u yimid Galmudug ayaa ah in uu booska u celiyo kooxda uu ka
tirsanyahay ee Dam-jadiid.
Waa ayaan daro in Bulsha dhan oo kugu aamintay masiirkooda iyo hanaanka
u sareyay Dowlad Gobaledkooda aad u adeegsataa Danta koox kale iyo u
hanqaltaagid siyaad kale, adiga oo xaqiijinaya damac Urur gaar oo aad ka
tirsantahay.
Ugu dambeyn waxaan Baarlamka Galmudug ugu baaqaaya in ay la
xisaabtamaan Madaxweyne Guulleed, waxna la iska weydiiyo sanadkan dhamaanaya
wixii u qabsoomay Maamulka iyo wixii u qabsoomi wayay iyo sababta fadhiidnimada
keentay.
W/Q Bashir Ahmed Suley


Comments
Post a Comment