Hab dhaqanka wanaagsan ee aad ku kasban karto bulshada kugu Xeeran





Waxaan halkaan idin kugu soo gudbindoonaa Talooyin aad u qiima bdan oo aan filayo in ay qeyb weyn kaqaataan dhismaha mustaqbal iyo habladhaqanka wanaagsan ee Bulshada, hadii eeba idmana waxa ay noqon donataan Carasho tixana ah oo aan waxbadan ka faa’iidi doono.

Waxaana maanta ku soo qaadan doonaa Casharkeena koobaad qodobka ah:-
1.       Hormarinta Nafta ee dhanka Akhlaaqda wanaagsan.

Si aad u hormariso Naftaada una hagaagto Akhlaaqdaadu yeelo sifooyinkan iyo Tilmaamahan.


  •   Noqo ruux  Sabra xiliga loobahanyahay, sabarka ayaa ah in aad ku sabarto wax walba uu Allah kuu qadaro, sidoo kale sabarka ayaa ah in aad u dulqaadato ruuxa xuman kuu geysta adoo awooda in aad ka arsato.

        Sabarka ayaa xijaab kaga noqondoona dhibaata badan oo ku soo gaari laheyd waxana kugu                      
        jeclaandoona bulshada oo dhan waxa uuna qeyb weyn ka qaadan doonaa Horumarka
        Naftaada.


  •   Noqo ruux Cafis badan, cafiska ayaa ah in qofki aad u sabirtay oo aadan ka aarsan in aad niyad ahaan u cafiso aduun iyo Akhiraba si aysan xuja iyo nabsi ugu noqon danbigi uu kaagalay adiga, Cafiska ayaa lagu garaa Hormar iyo daganaasho nafsadeed iyo walal la’aan sababtoo ah hadii ruuxa danbiga kagalay uu qabligaada ku soo laabanayo waxa kugu dhacaya walwal nafsaani ah.



  •  Noqo ruux Raali galiya Dadka, Bani Aadam ayad tahay qalad iyo Gafna waa kaa dhici karaa, hadaba si bulshada dhexdeeda lagaaga ixtiraamo oo adan u noqon mid dadka dulmiya, raali gali qofki u arka in aad ka qaldantahay hana dafirin qalad kaa dhacay adiga qiro oo I ictiraaf ruuxa wax ka tabta tabashadiisa, tix gali kuna dalaal qancinta ruuxa wax kaatabta.Taasi waxa ay ka qeyb qaadankartaa horumarka naftaada iyo in dadku ku aamino.


  •   Noqo ruux Run badan, runta waxa kugu jeclaada kuguna aamina Dadka kugu xeran oo ay noloshu kala dhaxeyso, runtu waa badbaadinta sharafkaada iyo sumcadaada waana waddada horumarka noloshaada waxadna kaga badbaadi kartaa ceebta iyo foolxumada laga dhaxlo beenta dadkana isma qabqabsan doontaan, runto waa raxada hadalka iyo dhowrista akhlaaqda wanagsan, qofna ha ku qancin been si adan u shalaayin.

  •  Noqo ruux Ixtiraam badan, Dadka oo aad ixtiraamtaa ayaa kaalin weyn ka ah Horumarka naftaada, inta aad dadka ixtiraamto ayaa lagu ixtiraamayaa ruux kasta oo aad si ixtiraamleh ula macaamishana waxa aad ka kasban doontaa ixtiraan iyo qadarin, dadka  uwada ixtiraam si isku mida hana kala dooran, si aad Bulshad dhan u hanato qiima weyna u kasbato.

  •   Noqo ruux dareema Masauliyad ,masuuliyada ayaa ah in ruuxu dareemo waajibka saran taasi oo hagi doonta ka fogaanta dacaya iyo ka warqabla’aanta nolosha ku xeeran ruuxa, marka aad dareento masuuliyad waxa aad noqon doontaa ruux feejigan darenkiisu xaadir yahay lana jaanqaadi kara xaaladha markaas jira, arintan ayaa qeyb weyn ka ah Horumarka Naftaada.

  •   Noqo ruux kafaa’iideysta Waqtigiisa waqtiga ayaa ah Hantida ugu qaalisan ee aadmigu heysto, si aad waqtigaada ugu faaideysato ka fogow wax walba oo waqti lumiya waqtigaaga u isticmaal wax mustaqbalkada iyo Naftaada aad ku hormarin karto.

                                                                                           Laso casharada kale

W/q Bashir Ahmed Suley

Comments