Xafsa Dr Cali Cumar Tarabi “Guuloow garabkeyga galoo igu guuleey Inaa Somali Gacalo dhex dhigo”



                                                                           

Xafso Dr Cali Cumar Tarabi( Xafsina Qabyaalad-diiid) waxa ay ku dhalatay Magalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud sadanadu Marka ay aheyd 14/ 9/1996  waxa ayna dagantahay Dalka Mareykanka oo ay ka dhigtaa Jamacada lagu magacaabo ashford university.

Xafso Waa Gabar Soomaaliyeed oo ay ka go’antahay Cirib tirka Cudurka Dilaaga ah ee Qabyaalada ololo weyna ugu jirta Sidii ay dhalinyarada iyo jiilka soo koraya ay uga ciribtir laheyd Cudurkan dilaaga ah ee Qabyaalada.

Xafso waxa ay ku dhiirantahay si weyna ugu kalsoontahay in ay ku guuleysaneyso hadafkeeda ah tittirida cudrka Qabyaalada iyo sidii looga xoreynlahaa Maskaxda jiilka soo koraya.

Xafsa waxa ay inta badan soo tabisaa Gabyo iyo Geeraaro iyo Baraanburo wacyi galin ah oo ay dhlinyara ku dhiri galineyso si ay uga xoroobaan Cudurkan Dal iyo Dadba dabar jaray ee Qalyalada.
5 sano kahor iyada oo intaa ay jirto aad uga yar ayey Xafso ka dhaaratay Cudurkan Qabyaalada iyadoona aaminsan inuu yahay Aafada Somaali kala rebtay.

Xafsa Dr Cali Omar waxa ay mudantahay kudayasho anigu ka Bashir Suley ahaan waxa aan ku tilmaami lahaa in ay badbaado u tahay dhalinta iyo jiilka soo koraya.

Waa tan Xafsa oo ka hadleysa Hadafkeeda Allana ka rajeyneyso inuu ku guuleeyo Hadafkeeda iyo waxa ay ku taameyso.

“Guuloow garabkeyga galoo igu guuleey hadafkeyga higsigeyga qabyaalad-diidnimo
 Guulow garabkeyga galoo igu guuleey Inaa Somali gacalo dhex dhigo.

 Guuloow ololaheyga guyaal aan soo waday mid guumeystaha qabyaalada god galiyaa ka yeeel
 Guulloow allahayoow Adaa igu guuleeyay garab igu siiyay.

 anigoo saqiiro 14 Gaarin Inaa gumeysiga qabyalaada gooni ahaan go'aan ka gaaro kitabka    quraankana gacanteyda saaro gumeysiga ka xoroobay ku guuleysto xornimo.

 Guullow allahayow  ii gaarsiii guusha ugu sareeysoo la gaaro soomaaliyooo haloo gacmaha is  heeysto.

Guullow allahayooow garab igu siiyo igu guuleey Ina gooyo god galiyo gajadada colaadeyd  gumeysiga qabyaaladeyd ummadeyda galaaftay.

 Guulloow allahayow garansii Somali godobta qabyaaladu ka gashay qaranimadii xarnimadii geesiyadu u go'eynoo ineey guul ka garaan.

Guulloow allahayoow guud ahaan Somali gacalnimo waxeey tahay gaarsiii qiimaha walalnimo.
Guulloow allahayoow Gaabi ahaan gayiga soomaaliyeed mideeyo gaarsiii guulasha hodankaa xarnimo.


 Guuloow allahayoow guul iyo gobonimo nagu guuleey Somali oo midoowda.
 Guleeystayaal ilma qabyaalad-diid allahayoow Somali guusha u soo hooyaan”.


Aniguna Xafsaa Allah waxan kaaga rajeynayaa inuu kula garab galo howsha iyo hamiga dheer ee aad hiigsaneyso waxaana naaneys kaaga dhiga ( Xafsa-Soomali).



W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments