Farmaajuhu isma oga!!

 



     Waxaa shalay magaalada muqdisho dib ugu soolaabtay Madaxweyinhii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo muda 16 bilood ah ka maqnaa dalka sida uu sheegay.

Farmaajo waxuu sheegay in sababta uu dalka ugu soo laabtay tahay inuu xal  ka dhex raadiyo Dastuurka furan ee la doonayo in wax laga badalo ama la dhameystiro, iyo weliba in uu ka shaqeeyo sidii soomalida la isugu soo dhaweyn lahaa, (maba aha kii shalay ka diray)!.

Farmaajo  soomaliya wuxuu madaxweyne ka ahaa 4 sano oo sharci ah iyo weliba sadan sharci dara ah isku geeyn 5sano ayuu Villada maamulayay, waxaa la yaab leh mudadas wixii uu san qaban ee uu manta doonayo inuu xal ka dhex raadiyo isaga oo weliba mucaarad ah.

Ka sokow in Farmaajo yahay muwaadin soomaliyeed xaqna u leeyahay in uu dalkiisa yimaado xiliguu doona hadana imaanshiyaha farmaajo ee xiligan iyo doonistiisa waxaa ku gadaaman suaalo ay tahay in la iska weydiiyo.

1-    Xiligii Farmaajo dastuurku ma furneyn miyaa?

2-    In soomaalida la isku soo dhaweyo looma baahneyn miyaa?

3-    Waqti ku filan ma heysan miyaa?

4-    Maxaase ka hortaagnaa?.

Markii si qoto dheer su’aalahan loo darso xaqiiqdii jawaabahoodu waa “HAA”  marka mid laga reebo. Haa waa furnaa darsuurku, soomaaliduna isku soo dhaweyn waa u baahneyd inkasta uu farmaajo sii la fogaayey soomaalida dadki isaga ka aragti duwanana uu ka dhig kuwa uu dil iyo dhaawac u geytsay iyo qaar dalka isga cararay, waxaana la xasuusta xiligiisii in ay aad u kala fogaayeen maamul goboleedyada dalka, tan kale Farmaajana waa heystay waqti kufilan, waxabana kama hortaagneyn ee isagaa gudan waayay waajibkiisi.

 

Maxay tahay sabata wixii uu shalay ka gaabiyay uu maanta u leeyahay ka shaqeyntoodaan Xamar u imid?!

 

 

 

War ninku isma ogee xasuusta hadii aan dib u celino hadaladii Farmaaja ku galay ololaha doorashada waxaa ka mid ahaa welibana uu ku duri jiray siyaasiyiinta hada talada haaya (Nin Qabyeeyay ma dhameystiro), ma ku talahay in Farmajao hada badalay hal heykaas oo weliba ku badalay (Qabya ninkeda dhameystira) hadii uu na leeyahay manta waxaan dhameystiyaa wixii wixii aan shalay ka gaabiyay.

 

Dhaqan siyaasadeedka Farmaajo ee aan weli isbadalin ayaa isugu soo biya shubanaya kaliya kursi jaceyl iyo maareyn xumo, iyadoo ay u dheer in samaqal la’aan.

Ogaantey odaygu fanka wuu dhageysan jiray mase fahmi jirine waxaan xasuusinayaa hees tiraada “waxaad shalay igu dhaliishay adigu kahu dhiiran manta “.


W/Q Bashir Suley

 

 

 

Comments