Wadan kasta ee dunidan ku yaal waxaa jira xili u asteysan in lagu
kala wareego hanaanka maamul ee dalka lana qabto doorashooyin dadku ku doortaan
qofkii sii daadihin lahaa muda xileedka soo aadan laguna badalayo ama dib loogu
dooranayo madaxda maamulka markaa heysa.
Wadamada horumaray waxaa aad u fudud maarenta marxalada kala
guurka iyo jiheynta mustaqbalka dadalkooda waxaana inta badan rabitaanka iyo
duunistuba gacanta ugu jirtaa qiyaarna u leh dad weynaha, taasina waxaa suura
geliyay sareynta sharciga oo aysan qofna ka weynen kuna tagri fali Karin.
Inta badan wadama dunida sadaxaad waxaa ka dhaca doorashooyin aan
la heer iyo garaad aheyn kuwa ka dhaca Wadamada dunida horumartay balse loo
ekeysiiyay doorasha hanaan saxan loo maray, kuna salaysan awooda dalkaas iyo
heerka xasilooni ee ka jirta waxayna shucuubta iyo madaxda qarkood burburka ka
doorbidaan dowladnimada.
Wadamada ay kaligii talisyadu maamulaan waxa ay inta badan
wajahaan burbur, dagaal sokeeye, ama dib u dhac laga dhaxlo dhirirka muda
xileedka kaligii taliska oo ugu dambeyna keenta caro iyo kacdoon sababa burbur.
Madaxda dunidu soo koreysaahi waxa ay inta badan ku kala
duwanyihiin maareynta marxaladaha kala guurka iyo ka dabaalshda xaaladaha adage
e masiiriga ah, kuwa ayey u fududahay jaheynta ajandaha dalka, kuwana damaca
iyo rabitaankooda kursiga ayaa ka indha tira qatarta iyo burburka ku soo
wajahan dalka uu rabo In uu xukunkiisa sii joogo.
Ujeeda Qormada.
Marka aan u soo laabano soomaliya oo ka mid ah dunida soo koreysa
kana soo kabaneysa burburkii iyo colaadihii sokeeya ee laga dhaxlay nadaamkii
kaligii taliska ahaa, kana soo gudubtay marxaladihii dowladihii ku meel gaarka
ahaa, hiigsaneysana in dowladnimo taama gaarto lana jaanqaado asaageeda ayaa
manta u muuqta in uu ka jiro jahwareer siyaasadeed iyo in ay dibna u wajaheyso
dhibkii iyo burburkii laga soo kabanayay, ififaalahan aan qurxaneyn ee soo
ifaya ayaa ka dhashay maaren la’aanta marxalada kala guurka ee dalku galay iyo
damaca Madaxeynaha Farmaajo ee u muuqda mid aan garasha ku saleysneyn ee u
jeedkiisu yahay kaliya sii joogista kursiga.
Hadii hadamaca shaqsiga hogaanka haya ama doonayo noqdo keliya
siduu kursigaa ku joogi lahaa ama ku gaari lahaa xukun jaceylkuna ka indha tiro
dhibka iyo burburka ka dhalan kara damaciisa waxaa sifudud meesha uga baxeysa
masiirka umada uu hogaanka u haayo burbur ayaana laga dhaxlaa cawaaqib xumada
ka dhalatana isaga ayey masuuliyadi ka saarantahay.
Hadii Madaxweyne Farmaajo intaa garan waayo kuna cibra qaadan
waayo halgankii dheeraa ee Shariif Sh Ahmed u soo galay xukunka markuu
dhidibada utaagay shabaabna ka xorayay Muqdisho siduu u maareeray marxaladii
kala guurka aheyd iyo siduu u suura geliyay in markii ugu horeeysay burburkii
ka dib dalka lagu doorto Madaxweyne Soomaliyeed isaga oo weli kurisga xukunka ku
ladina hamuun badana u qaba sidii xaragada iyo xilkasnimada la heyd uu Hassan
Sheikh ugu wareejiyay xukunka, welibana fahmi waayo Farmaajo in Hassan Sheikh
maxamuud oo howla badan qabaya u ahaayeen sificana wax uga qabtay dib u dhiska
Hay’ada dowliga ah iyo dhameystirkii dhismihii maamul gobaleedyada siduu u
maareeyay xiligii kalaguurka ahaa una xaliyay tabashooyinkii Musharaxiinti u
midowbay in xukunka laga qaado loogana guuleysto doorashada, uuna Madaxweyne
Farmaajo ka midka ahaa markii la doortayna uu si dhib yar aadna u qurxan
niyadsamina ku dheehantahay ugu wareejiyay kursiga dalka, keliya waxa uu fahmi
doontaa Farmaajo marka dalka dib ugu burburo xukun jaceyl dartii.
Laba wado ayaa manta ka hor muuqata Madaxweyne Farmaajo midi waa
mida dimuquraadiyada waxa ayna tagtaa halka ugu wanaagsan ee ah is jeceyl is
ogol isku tanaasul iyo ogolaasho tartan xora xalaala oo loo simanyahay iyo
iskugu hambalyeen guusha qofkii Eebe u qoro, mida kalana waa mida kaligii
talisnimo waxayna tagtaa halka ugux ee ah colaad sokeeye burbur iyo is naceyb
ka dhasha damac kaligii talisnimada ah, hadba garaadka Madaxweynaha ayey ku
xirantahay dhabaha uu qaadi doonyo iyo sida uu u maareyn doonto Doorashada
dalka, waxaase hada muuqata in Madaxweyne Farmaajo cagta saaray wadadii xumeyd
ee kaligii talisnimada.
Ugu dambeyn waxaan qormadeyda ku soo afmeerayaa taladii
wanaagsaneyd ee an cinwaanka qormadan ku bilaabay ee aheyd “Ha murgin hadaadan
maareyn Karin”.
Dhamaad.
Mahadsanidiin.
W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments
Post a Comment