Anigu ma diidane in la is cafiyo, waxaana u arkaa wadada keliya ee
lagu gaari karo Nabad iyo Horunar, waxaanse isweydiiyay sida haboon ee la isku
cafin karo, waxaana muhiim u arkay weydiima aan idin kula wadaagi doono
qormada.
1- Horta yaa la cafinayaa yaase wax cafinaya?.
Si aan taas u ogaano marka hore waa muhiim in la helo 2 garab oo kale
ah DHIBANE iyo DHIBE, waana xaqiiq in jiraan labaduba hada.
DHIBANE waxaan kala jeeda qofka dulman oo ay xuquuqdisu ka
maqantahay, mudnna in loo gudo dhibkiisa ama uu cafiyo, waxa ayna isugu jiraan
dadka nuucaas ahi kuwa dhintay iyo kuwa nool.
DHIBE waa gabood falaha wax dulmiyay qabana xuquuqda DHIBANAHA waana
qofka mudan in uu ogolaado in laga aar guto ama uu cafis dalbado haduu helayo.
2- Hadaba Dadka Soonaliyeed dhexdooda yaa DHIBANE ah yaase DHIBE ah?.
A- DHIBANE
Arinkaa ogaashihiisu ma sahlana waxa uuna u baahanyahay helid
xaqiiqooyin ay ku lifaaqanyihiin cadeymo iyo marqaatiyo, balse marka si guud
loo eego Bulshada Soomaliyeed waxaa Dhibana ah Shacabka, qeybahihiisa kala
duduwan oo dhan haba sii kala darnaadeene.
B- DHIBE
Sidaas si la mida ah arinkaa ogaashihiisu ma sahlana waxa uuna u
baahanyahay helid xaqiiqooyin ay ku lifaaqanyihiin cadeymo iyo marqaatiyo,
balse marka si guud loo eego DHIBAYAASHA dulmiyay shacabka soomaliya kuna
gabood falay waa ay badan yihiin waxa ayna isugu jiraan qeybaha kala duwan ee
bulshda sida:-
- Siyaasiyiin:- Siyaasiyiintu waa kawa KURSIGA dartiis dadka isku
nacsiiyay, colaada sokeeyana abuuray, dadka qaarna udilay qaarna u xiray qaarna
u qixiyay, waxa ayna isugu jiraan, KACAANKIIHORE, QABQABLAYAASI DAGAALADII
QABIILKA, HOGAAMIMAYAASHI KOOXAHA, MADAXDA XILALKA U DHAARTA EE AN GUDAN
WAAJIBKA, wax kastana waxa ay ka hormariyeen dantooda.
- Ganacsato:- waa kuwa LACAG darteed dadka isku nacsiiyay, colaada
sokeeyana abuuray, dadka qaarna udilay qaarna u xiray qaarna u qixiyay, waxa
ayna dalka keeneen raashin dhacay, daawa dhacday, hub, wax kastana waxa ay ka
hormariyeen dantooda.
- Wadaado:- Wadaadu waa kuwa SHEEGASHA DIIN darteed dadka isku
nacsiiyay, colaada sokeeyana abuuray, dadka qaarna udilay qaarna u xiray qaarna
u qaxshay, waxa ayna gabaad siiyeen Dmbiila yaal isugu jira MUWAADINIIN IYO
AJAANIB, waxa ayna dalka keeneen ISQARXIN, CABURIN, ISGAALEYSIIN, waxa ay
diinka ku xalaashadeen dhiiga dadka soomalida ah.
- Warfidiyeeno:- Kuwaani waxa ay isugu jiraan Saxfiyiin, Qoraayaal,
Abwaano, Fanaaniin, waxa qeyb weyn kayihiin DHIBAYAASHA, waxa ayna shaqada u
fududeeyeen kuna kaalmeeyen howlahooda 3daxda qolo ee kore, waxayna dalka ku
faafiyeen BEEN, CABSI GALIN, NACEYB iyo kala fogeyn.
3- Sidee la isku cafin karaa?.
Si CAFIS GUUD OO DHAB ah loo helo, waa in marka hore la helaa qiraal
dhab ah iyo geesimino, dambiilayaasho waa in ay dadka hortooda ka qirtaan
khaladaadkii iyo gabood faladii ay geleen kana qoomayen xumahii ay faleen
kadibna ayna cafis dalbadaan Eeebana u laabtaan, sidaas si la mid ahna
dadweynuhu si yada u cafiyaan Eebana u baryaan, marka xigtana waa in la helaa
garsoolayaal ka madax banaan DHIBEYAASHA laguna kalsoonaan karo si goobta
cafsiku u noqdo meel ka madaxbanaan kala sareyn iyo isku awood sheegasho, qasab
IWM una noqto goob naxariis isku tanaazul is dageysi, qirasho iyo cafis ka
suura geli karaan.
4- Hada maxaa socda?
Waxa aan aad isku weydiiyay CAFISKA hada socda ee xafladaha loo
qabanayo mayahay mid haboon oo ay u simanyihiin DHIBANE & DHIBE, mase yahay
mid suura galiyay in DHIBEYAASHII ay khaladkoodi garteen oo dib u xisaabtameen
CAFISNA ka dalbadeen DHIBANAYAASHII?.
Xaqiiqdii waa maya! majirto mana arag meel fagaaraha oo ay cafis ku
dalbadeen balse taa badalkeed DHIBANAYAASHII dhexdooda ayey DHIBAYAASHII qarash
ku bixinayaan si dulmigii ay faleen daah loo saaro, xafladaha la qabanayo waxaa
ku casuuman DAMBIILAYAASHA kaliya, jaanis uma helin doorna kuma laha Dadkii
dulmanaa ee ay xaquuquhu ka maqnaayeen, dulmanayaasha qaar iska daa in
xalfadaha ay ka qeyb galaan xataa ma heystaa cid u hadasha iyo cid dhageysta
toona?.
Waa xaqiiq in DHIBAYAASHA aan soo shegay aysan qaladkoodi qiran
walina ay sii wadaan DHIBKI waxa hada socdana ay yihiin marin habaabin iyo
indha sarcaad Mashaariic lagu kala cunayo, laguna si dulminayo dad kale.
Ugu dambeyn waxa aan ku talinayaa in aan Cafiska laga beensheegin, is
cafintana aan la marin habaabin.
وبالله التوفيق
W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments
Post a Comment