Waa suura gal in aad la yaabto cinwaanka ama aaba iska dhigto wax la yabaan adiga oo og ama ay kugu dhacday, amaba sameeyay, waase soomaali iyo dhaqankeed in ay dhibaatada jirta intii ay xal u raadi lahaayeen ay duugaan ama daah saaran iyaga oo ku marmarsiyoonaya ilaalinta dhaqan ama diin aysan midkood ixtiraamin.
Hadii ay dhab tahay oo dhqan iyo diin la ixtiraamayo ama xushamad loo hayo marka hore maba aysan dhacdeen foolxumadan aan diidanahay maqalkeeda, balse mushkilad jirta in la qariyo iyada oo laga xishoonayo sheekisteeda dhaqan ahaan, waxaa ka muhiimsan in dhicisteeda laga digo si toos ahna afka loogu bayaaniyo, Alle xaqa kagama xishoodo, inaguna waa in sidaas oo kale anan xaqa ka xishoon.
Dalkan Uganda ee mudooyinkaan dambe aan ku noolaa waxaan bilihii la soo dhaafay aan warbahintooda ku arkayay warbixino laga sameeyay Professor wax ka dhiga jaamacada Makerere University oo gabar uu supervisor u ahaa ku xiray Natiijadi waxbarasheeda Galmo sharci dara ah oo saysan raali ka aheyn, waxaana Tv yada laga soo daayay cod iyo muuqaal ay si sir ah uga duubtay, mana aha arin ugub ku ah sida la sheegay qaar kamid ah Jamacadaha iyo mcaahida Dalkan!.
Sidoo kale Emmanuel a oo ah Gabar u dhalatay Dalkan ugan kana mida Asxaabteyda ayaa ii sheegtay in supervisor keedu uu ogolaasha Buugeedi qalin jabinta muda kabadan laba sano u heysto weyniinta Galmada aan sharciga ahey oo ay iyana ka diiday. Mar aan weydiiday in ay suura gal tahay in supervisor-ka laga dacwoonkaro iyo in kale waxa ay ii sheegtay in hadii arinkan ay ku dacweyso looga bahanyahay cadeyn rasmi ah. Waxaan kale oo aan weydiiyay in ay codsan karto in laga badalo iyo in kale, waxa ayna ii sheegtay in kii lagu badalhiba uu san waxba dhaameyn isaga, waxaan mar sadaxaad weydiiyay in ay arintaani iyada ku qaas tahay iyo in kale, waxa ayna ii shegtay in dhibkaan inta badani gabdhaha qabsado, balse ay yaryihiin inta ka dhaga adeygta fulintiisa, sidoo kale waxa ay ii raacisay in macalimiinta qaar ay Laaluush qaatan, waxayse inta badan ay kaqataan ARDADA AJAANIBTA AH, Ugandeys waxba badan laga heli mayo ayey si kaftana iigu sii raacisay!. Waxa aan shekeekadan idinla wadagay in aan ogaano in dhibku uusan soomaliya kaliya qaas ku aheyn.
Marka aan u soo laabto dalkeena hooyo ee Soomaliya dhibkaan mid la mid ah ayey wajahaan qaar ka mid ah gabdhaheenaha haba u badnaadeene xiliga shaqa raadinta, Ikraan oo ah Gabar soomaliyeed oo muqdisho ku nool ayaa Iiga sheekeysay dhibka gabdhuhu ay shaqada raadinta ka maraan waxa ay ila wadaagtay qisa iyada shaqsi ahaan u soo wajahday waxa ayna tiri “Wasaarad ka mid ah wasaaradaha Dowladeena ayaan shaqa ka doontay waxa aan geystay Shahaadooyinkeygi iyo CV aan watay, warqadahii waa la iga qaaday waxana la iishegay in dib la iga soo wici doono, mana jirin cid isoo wacday ilaa aan sugi wayaay oo aan ku laabtay,marki aan xarunti tagay waxa aan la kulmay Agaasima ku xgeenki wasaarada qolkisa/xafiiskiisa ayaa la iigu gudbiyay waxa uu ii soo dhaweeyay si dabacsan qosol iyo furfurnaan leh, waxa uu ka soo kacay kursigiisi waxa uuna soo fadhiistay kursi igu dhagan oo kamid ah kuraasta martida loogu tala galay ee xafiiska yaala gacantiisa ayuuna garabka iga saaray, waxaana u muujiyay in aysan sax aheyn waxa uu sameeyay aniga oo waliba ka sikaday, markii uu dareemayay in aanan raali ka aheyn waxa uu bilaabay in ila hadlo isaga oo leh “Shaqada waan kuu qadan karnaa ka Wasaarad ahaan marka la fiiriyo aqoontaada balse waa hadii aad aniga aan is fahano. Waxa aan weydiiyay is fahanku nuuca uu yahay iyo waxa aan isku fahmeyno. Waxa uu iga codsay saxbtinimo salkeedu yahay ama ay ku lifaaqntahay Galmo aan sharci aheyn, waxa an u shegay in aan xaran raadis aheyn. Inta qoslay ayuu igu yiri ma adigaaba shaqa tag ah, wax yar ayaan ka amusay waxa uu ii raaciyay hadii la doono si qoota qooata ah ayaa lagu sharciyeyn karaa kadibna sahqadu waa diyaar, waan ka so fakarayaan ayaan ku iri waxa uu isiisayay Kaar uu ku qoranyahay numberkiisa waxa uuna igu yiri go’aanka aad gaarto ii soo sheeg, muda ka dib markaan xaafada imi ayaan wacay waxa aan weydiiyay waxa aniga igu qaaska ah ee xujadaan uu ii hordhigay isaga oo qoslayaya ayuu igu jawaabay naag ma jirto shaqo nin uga xiran aqoonteeda ku heshay ee qofyahay badawnimada iska daa waa lagaa helaye. Waxa aan weydiiday mancaha hadalkiisu in uu yahay gabdhaha dhami in ay sahqada sidaas u maraan waxa uuna yiri HAA!. Ikraan sidii ayey shaqadii ku weysay.
Ikraan waxa ay intaa ii raacisay in ay aragtay dhowr habla ah oo sideeda oo kale shaqa uga tagay iyo qaar ku waayay. Ikraan maanta waa nooshahay waana hubaa in ay warbixintaan aqrineyso.
Waxaan kale oo aan arkay Gabar weriyaha ah oo in Agaasima Tv ah shaqa ka doontay kuna xujeeyay Galmo sharci dara ah, waxa ay Ninkii weydiisay in isaga shaqada uu sidaas oo kale ku yimid iyo in kale mancaha in isaga lagu sameeyay xujadaan oo kale, waxa uu ugu jawaabay anigu nin ayaan ahay oo taas waan ka badbaaday balse waxa aan soo maray mid aan ka dhib yareen oo la yiraahdo “MAGAC SHAQA KU BADALASHO”.
Magac shaqa ku badalasho waa hanaan ka mid ah qaababka ay wariyaashu shaqada ku helaan waxaana dhibkaas iyo imtixaankaas maraiya MILKIILAYAASHA Warbaahinta, oo mushaar siinin weriyaasha oo waxa badal uga ah mushaarka in magaciisa la barto uuna helo meel ay bulshadu ka maqasho codkiisa si uu weriye Caan ah u noqdo.
Waa xaqiiq aan la inkiri karin in ay jiraan gabdha badan oo Wariyaal ah ama Shaqaale kale ah oo dhibkaan oo kale la kulmay waxa ayna ku xirantahay qofka sida uu naftiisa u karaameeyo, Ridwaan oo ah Gabar katirsan Ururada Bulshada rayadka ah ayaa igu tiri “Ma jirto Gabar la qasbi karo, waase dhacdaa in gabdhaha qaar duruufaha ku xeeran awgood looga faaideysto, si kasta oo aad ugu qasbantahay damaca ninka ay shaqadu kaaga xirantahay mar hadaad ogolaato oo aad aqbasho GALMO SHARCI DARA AH, waxa aad tahay Dambiile naftiisa dulmiyay, marka habluhu waa in ay naftooda xushmeeyaan”.
Gunta Qormadeyda.
Waxaan arkay dad badan uu bulshada ka mid oo ay ka midyihiin gabdha weriyaal ah oo qaarkood arkeen dhibkan ama maqleen qof uu ku dhacay oo hadana dhaqan xuma ku tilmaamaya Buug ay Gabari ka qortay Daraasad ay ku sameyay xaalka gabdhaha Saxafiyiinta ah iyo dhibka ka heysta shaqa helista, dhibkaas oo ay qeyb ka aheyd GALMO SHAQA KU BADALASHO, inta badan dhaliilihii gabadha loo soojeediyay waxa ay u badnaayeen in gabadha buuga qortay ay dhaqankii ku geftay iyo in ay sharafti gabdha meel uga dhacay, Bal qiyaas dadka saas u hadlaya waa dadkii bulshada indhaha u ahaa oo larabay in ay ka qeeb qaataan xal u helista qeylada soo yeertay oo xili loo bahanyahay ay gabari soo bandhigtay!.
Hadii maanta weli bulshadeenu ay dulmiga duugduugayaan daalimkana daah hoostiis lagu qarinayo dulmanaha la caburinayo dhibkii ku dhacayna lagu ceebinayo,waxaa cad in cadaaladi dhuntay aan dib loo hanan karin dhulmiguna uu sii hana qaadayo.
Waa su’aale ma gabadha qormada ku soo bandhigtay dhibka heysta hablaha ayaa dhaqanki ku geftay, mise midka xumantaa hablaha kula kacay ayaa dhaqanki ku gefay, mise tan duruufta heysa foolxumaadaas ugu dhacday ayaa dhaqanki ku geftay?.
Ugu dambeyn Bulshada hal ayaan leeyahay Dhaqanka iyo Diinta waxa ku ciyaaray waa Ninka gabar walaashiis oo miskiin ah oo shaqa ka soo raadisay Xafiis uu Maamula ku xujeeyay GALMA SHARCI DARO AH ee aan kaas meel uga soo wada jeesano.
Gabdhaha hal ayaan leeyahay iyagana waa baahanahay baqriga looma cuno ee naftiina xushmeeya oo ixtiraama hana u quurina waxaan u qalmin, mushaarki aad ku raadisaa wadadaas ogaada waa xaaran, marka noloshiina ha ku dabarina xaaraan duruuf kasta oo idinku xeeran.
Raga falalkaas ku kaca waxaan leeyahay, bulshada dhaqankeeda iyo diinteeda ha fasaadinana, gabdhaha sharafkooda iyo qiimahoodana ha ku ciyaarinina, kuna sixaabtama in ninkii inan mageyda ah qolqaniin ku maala ee gurrac ka daneystaa gashiga uu cunayo waxa uu ka oganyahay gabadhiisa weeye sida uu yiri Abwaan xadraawi “Godob aabbe falaybaa
Ubadkiisa gocondhiyo
Gumarshiga ku noqotee
Gabi dheer ku dumisee
Ninka inan ma geyda
Golqaniin ku maalee
Guraac kaga danaystow
Waxaad gaaxsaneysiyo
Gashigaad cuneysiyo
Xumahaad galeysaa
Ruuxay ka go’an tahay
Gabadhaada weeyee
Gafka aad falaysiyo
Waxaad geysanasaa
Galab kale ka sheekayn”.
W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments
Post a Comment