Maamulkii SUFO ee Gobalada dhexe muda ku dhaw 11ka sano ka ariminayay,
ee dhawaan u xuub siibtay waxay ugu jeereen Dowlada Gobaleedka Gobalada Dhexe
ayaa u muuqda mid lugta la sii galaya Burbur iyo kala qeyb sanaan baahsan.
Dabayaqadi sanadki 2008 ayaa Dadka Degmada Guriceel waxa ay guluf
xoogan kala hor yimaadeen Maleyshiyaadki Al-shaab ee Xooga ku heystay guud ahaa
Gobalka Gal-gaduud, ugu dambeyntii dagaalo qaraar kadib ayaa ALLAH suura
galiyay in Sadaxda Degmo ee kala ah Matabaan, Guriceel iyo Dhuusamareeb, laga
xoreeyay Maleyshiyaadki Al-shaab, balse taas badalkeed waxaa dadkii dagalamayay
ku soo dhex dhuuntay Koox Diimeed lagu magcaabo SUFO oo si fududuga hoos baxay
Culamadii iyo dadki u dagaalayay in ay Dulmiga Al-shabab iska qaadaan.
Kooxdan SUFO laguma baraarugsaneyn waxa ay mar quro ka so dhex baxeen
Dagaalamayaashi iyo Culamadii Ahlusuna ee Deegaanka ka soo jeeday, sidii ay
Al-shababku kal hore mar qura uga soo dhex dhasheen Midowgi Maxakiimta Islaamiga.
Culamadi iyo dadki u istagay iska celinta Al-shabaab, ma aysan aheyn
dad xukun doona, kaliya waxa ay ahaayeen dadka ka dhiidhiyay Xumaha
Xag-jiriinta Al-shabaab, balse nasiib daro Xag-jiriintan kale ee SUFO oo aysan
iska jirin aya mar qura si hoose taladi kula wareegay, walow ay sanadihi hore oo
dhan ay caad isku qaris ku jireen.
Kooxdan la magaca baxday Maamulul Gobaleedka Gobalada Dhexe ee SUFA,
waxa ay ka kooban yihiin Sadax danleey oo kala ah.
1-
Danleey Xagjiriin ah, oo qof kasta oo aan ku fakar aheyna
gaaleysiiya dhiigisana xalashada doonayana in ay waligood sidooda ahaadaan
Gobalkana heystaan, waana kuwa hada ugu badan Ciidanka.
2-
Danleey qaab qabil u abaabulay oo damacoodu yahay in ay u
haraan hubka hadii fashil yimaado.
3-
Danleey dhaqaala doon ah, oo laba Af ee laamiga mooda durdur
lacageed oo ka burqanaya laba Dakood oo kale kuna nool, marna aan dooneyn in maamul
Dowladeed Deegana ha kana qaado.
Kooxadan Mayalka adage e SUFO sanadba kan kasii dambeyay wey soo
xumaanayeen dadka deegaankuna wey soo nacayeen, waxaana la ogaaday in ay
caqabad yihiin oo aysan dooneyn in Degaanku horay u socdo Gobalda Dalka intiisa
kalana wax la qeysado, wada hadalo iyo dadaalo fara badan oo la isku dayay,
ayey fashiliyiin iyaga oo danahooda Guracan eeganaya.
Waxa ay ku duuleen Deegaano dad masaakina daganyihiin waxa ay daadiyeen
dhiig dad badan oo maati ah, waxa ay xireen iskuladi iyo dhamaan ilihi wax
barashada Deeganada ay gacanta ku hayaan, waxa ay sabab u noqdeen in dhaman Hey’adihii
UN ku isaga guuraan Gobalka Galgauud, waxa ay musaafuriyeen inta badan wax
garadkii iyo cuqaashi deegada, waxa ay guryahooda u qoonsadeen in ka badan 5,000
oo qof oo isugu jira Ganacsato, Macalimiin, Wariyayaal, Dhalinyaro fakar ahaan
ka soo horjeeday, waxa ay kala geeyeen Wiil iyo Waalidki, waxa ayna sabab u
noqden in caruur badan ay Aabayaashood mudo aysan dhaaya ka qaadin, waxa ayna
rag la’aan dhigeen xaasas badan oo ay Ragoodi musaafuriyeen, intaas iyo in ka
badan oo dhibata ah ayeyna wali ku howlayihiin.
Duulaanki ay maalmihii la soo dhaafay ku qaadeen Deeganka Xerale ayaa
keenay isku dhac dhinacyo badan oo dhexdoda ah oo ay hada wajahday Kooxdu,
waxaa sidoo kale kale ka hor yimid dadka deegaanka xeraale oo qaab qabiil u
ababulan, oo ay kala kulmeen iska cabin xoogan, sidoo kale waxa jira dhaq
dhaqaaqyo ay wadaan Culima u Diinka ku sugan Degmada guriceel, dhaqdhaqaaqyadaas
oo looga soo hor jeedo Duulanka dulmiga ah ay SUFO ku qaaday Walaalaha reer
Xeraale.
Waxaa muuqata ifilaao ah in Dadka reer Galgaduud ay ku baraarugeen,
Xumaha Xagjriinta SUFA, ogaadeena in
aysan waxba maanta dhaamin Xagjiriinti Al-shabaab ee horay looga xoreyay
Deegaanka.
Dadka degaanka aya qaba in Xag-jiriintaan SUFO ay ka awood iyo itaal
xunyihiin kuwi ay horay isga xoreeyn, walina dadka deegaanko ay heystaan awoodi
ay shalay Al-shabaab isaga xoreeyeen.
Sidoo kale waxaa jira hididiilo ah in hadii Dadka Deegaanku ay maanta
u sitaagan iska dhicinta Xagjiriinta SUFA ay garab ka heli karaan Dowlada
Soomaliya iyo Maamulka Gal-mudugba, waxaana si xooli ah ah hada uga Socda
Guriceel iyo Matabaan dhaqdhaqaaqyo iyo diyaar garow la doonayo in Xag-jiriinta
SUFO looga xoreeyo Deegaanada ay ka joogaan Gobalka Galgaduud.
Ugu dambeyn Reer Galgaduud waxa aan kula dardaarmaya in talaabada ay
qadi doonan ay si weyn uga feejignaadan kana ilaaliyaan wax walba oo dadka
deegaanka cabaq ku ah, sidoo kale waxa aan uga digayaa in mar kale ay Xagjiriin sadaxaad
aysan u soo dhuuman, kana shaqeyanaan sidii loo hanan lahaa Hanaan Dowladnimo,
maadaba gobalka wax dana aysan u heyn Urur iyo rag dana gaara lehba.
F.G Galgaduud waa Guri Gobeed, Gunnimada laga diid.
W/Q Bashir Ahmed Suley.



Comments
Post a Comment