Ma ogtahay in loolanka adag ee hada socda uu dhex marayo Gudoomiyaha
Baarlaman ka Soomaliya oo dhinac ah ,Dp world ,Rw Xasan Ali Kheyre ,iyo
Madaxweyne Farmaajo oo iyaguna dhinac kale?.
Kadib xeerkii golaha shacabku ay soomaliya uga mamnuuceen shirkadai Dubai
Ports World ee imaaraatka laga lahaa, waxaa xeebaha siyaasada soomaliya ka bilwaday dabeylo xambaarsan
mowjado iyo hirar siyaasadeed oo si xowli ah ugu garaaca gidaarada Aqalka
Baarlamka iyo Madaxtooyada.
Boqortooyada sucuudiga ee ah Giraanta sharta Soomaliya ku wareegato
beryahaan sheeda kala socotay is ku dhacyada imaaratka iyo somalia ayaa hada calanka
usida khilaafkan cusub ee soo kala dhexgalay Aqalka Baarlamanka iyo
Madaxtooyada Soomaliyada.
Rw kheyre oo horay loogu xamanayay in heshiiska DP world isagu sixiixay
iyo madaxweyne farmaajo oo daaha
gadaasiisa uga sacbinayay Kheyre, ayaa gorfeyn kadib isla gartay in shaabada
diidmada ay Baarlamanku ku dhifteen heshiiskii Dp world iyo Gudoomaha
Barlamanka Mudane jawaariba la isla tuuro xaajadana dib loo xeeriyo Imaaradkana
aan la xumeyn, maadaaba Jawaari yahay shaqsiga caqabada ku ah Imaaraadka iyo
heshiiski Dp world, waxaana taas marag
furha u ah Mowshinka ka dhan Gudoomiye Jawaari ee laga soo abaabulay
Madaxtooyada ee durba dhex yaal Golaha Baarlamanka soomaaliya.
Madaxweyne farmaajo khudbadii uu dhawaan barlamaanka ka hor jeediyay markaad si
mugweyn u dhuuxda waad garan kartaa in uusan cadeyn mowqifkiisa ku aadan Heshiiska
shirkaadan Dp world, waxaase asataan ka raali ahaasha Heshiiska Dp World u muuqday Digniintii madaxweynaha ee ka dambeysay
falkii uu ka digayay!,iyo in uusan marnaba soo hadal qaadin Magaca shirkadi ku
xadgudubtay madaxbanaanida dalka.
MW Farmaajo iyo RW kheyre waxa ay isticmaalayaan labo waji oo khatar
ku ah Qaranka Soomaliyeed Mid shacabka ayay khudbooyin wadaninimo leh ugu
jeedinayaa,halka wajiga labaaad ay daaha gadaashiisa ay heshiisyo shirkado
ganacsi u kala sixiixayaan.
Hada seeftu 8 Feb waxa ay qoorta ka saarantahay Gudoomiye jawaare oo
ah shaqsigii sida geesinimo da leh ugu
dhiiraday inuu dalka ka eryo shirkada Dp world, waxaaa qoorta loo galiyay
motion culus oo imaaratku maalgalinayo fulintiisana ay u xil saaranyihiin
Kheyre iyo Farmaajo.
Imaaratka oo kawalwalsan inuu lumiyo danaha uu kaleeyahay soomalia
ayaa ka hortagaya go’aanka baarlamanka, waxa uuna ka soo waregay dhanka
Madaxtooyada isaga oo kaashanaya Sucuudiga u jeedkisuna waa in Jawaari laga
saaro meesha si loo keeno Masuul meel mariya daha Imaaraadka iyo Sucuudiga.
Dhankale maanka ku haaya go’aamada Xubnaha Barlamaanku ka xeel dheer
wax la sii sadaalin karo waa sef laba afle leh oo labada dhinac wax u jari
karta, soofaheeduna waa LACAG, waase dhacdaa marar aan badneyn in kan soofeeyay
ay kala jarto, mana badna.
W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments
Post a Comment