Arar:-
Waa suura gal in aad is weydiineyso waxa aan cinwaankan u doortay
xili loo dabaaldagayo sanad guurada ka soo wareegtay doorashadii Madaxweynaha
dalka Soomaliya walibana ay socdaan xaflado lagu soo bandhigayo wax qabadkii ay
Dowladu sanadkii ay jirtay ku talaabsatay?.
Hadii aad subax hore kacdo isna diyaariso salaada subaxna aad
masaajidka safka hore ku soo tukato, waxaad tahay qof gutay waajibkii saarna,
mana filayo in ay jirto cid aad amaan iyo abaal marin iyo xafladu in ay kugu
sheeg sheegaan aad ka rabto, waajibka shaqada qaran ee la gutaahina agteyda
salaadaas oo kale ayuu ka yahay, ma jirto sabab aan ugu amaano qof gutay
waajibkiisi, balse waxaa masuuliyadi iga saarantahay ka hadalka iyo tusaleynta
wixi khalmaday si loo saxo,waana taas sabata keentay in aan soo bandhigo wixi
naga Khaldamay sanadki ay xukuumadu jirtay, maadaba aysan jirin cid Khaladka
iyo wax qabad la’aanta xaflad u sameysa ama u taagan in dib loo milicsado si
loosaxo, kun khalad qofkii galay ee toban howlood oo wanagsan qabtay kuna
guuleystay, waa ka habeenkii xalay tagay in uu kun kii khalad dib u milicsado
ee durba waxa uu xaflad iyo tamashle u dhigaa intii yareeyd ee u qabsoontay.
Nooluhu marka uu dib ugu laabto khaladaadkiisa waxay fursad u helaan
laba arimood oo muhiim ah, waa mide, In uu khaladkiisi dib u saxo iyo in uu taariikh
ahaan uga faaideysto dibna uga feejignaado khaladkii dhacay.
Ujeedo:-
Qormadaan ujeedkeedu waa in dib loo milicsado wixi naga khaldamay si
loo saxo, dibna looga feejignaado si mar kale aysan nooga khaldamaan.
Arimaha Gudaha
maxaa ka qaldamay?
8dii February,2017 kadib doorashadi Maxamed Abdulahi Farmaajo loo
doortay madaxweynaha somalia dadku waxa ay isla wada majeerten farxad laga wada
dareemay dalka iyo dunida intee kalaba, balse wax badan oo la filayay sidii loo
faliyay ma noqon wax kale oo aan la fileyn oo qaladaad ahna weydheceen, oo aan idinla
wadaagi doono idiina taariikeyn doono inta aan qormadan ku guda jirno.
3dii bilood ee ugo horeysay Xilka Madaxweyne Farmaajo waxaa dalka ka
dhacay 30 qarax oo ay ku dhinteen shacab farabadan, yeelkoode Farmaajo ka horba
qaraxyo waa dhici jireen, ee waxa aan fulin balan qaadkii Madaxweynuhu ku soo
galay Olalihii doorashada ee ahaa in dadka qaraxyada ku dhaawacma la daryeeli
doono, hantidii ku burburtana dadka leh dib loo ceymin doono, lama shegin
sababta ay u hirgeli weysay balan qaadkaas iyo waxa is badalay.
23kii agust 10 ruux oo beeraley ah ayaa ciidamo Ajanabi iyo Soomali
isugu jira ku xasuuqeen deegaanka Bariire ee gobolka shabeelaha hoose, dhacdadaas
fuusha xun ayey dowlada somaliya si hubsiina la’aan ah ku sheegtay in ay 10
Al-shabaab ay weerarkaasi ku dileen walalow gadaal ay ka qireen in dadkaasi ahaayeen
shacab si qalad ah lagu xasuuqay, kadib markii meydadkoodu usbaac yaaleen
magaalada muqdisho, nasiib darose haba qirto dowladu in ay shacab aheeyeene ma
jirto ilaa iyo hada cid loo xiray iyo wax cadaalad ah oo ay heleen muwaadiniintii
lagu gabood falay.
27Aguast dowlada somalia ayaa muwaadin somaliyeed oo ka mid ahaa sida
la sheegay ciidankii qalabka siday ee somalia laguna magacaabo Abdikariim qalbi
dhagax u gacangalisay dowlada Itobia waxaana dhacdadaas ka dhashay caro iyo shaki
laga qaaday in ay been aheyd Madaxweynuhu wixi uu sheegi jiray ee ahaa in
dowladaha dariska uu marna kala shaqeyn doonin kana ogolaan doonin farinta
dalka ay ku haayaan , waxa ayna dowladu lumiso taageeradii shacabka somaaliyeed
u muujiyeen.
6dii September kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Soomalia ayey
bayaan ay ka soo saareen ku sheegeen in qalbi dhagax uu ahaaa Itoobiyaan
argagixiye weyn ah oo dhibaato ku ah amniga somalia iyo geeska afrika, waxayna
sidoo kale argagixiso ku tilmaaneen Jabhada (ONLF) oo jabhada xorenta dulka
soomalida Itoobiya, taasi la macna ah in dhulka Itoobiya ay naga heysto uusan
dhul soomaliyeed aheyn, dadkuna aysan soomali aheyn, waxaana wada ognahay in ay
khiyaana qaran tahay in taaka dhulka soomaliya ah laga tanuzlo iyada oo aan
ogolasha ama afti dadweyne aan lagu fulin. Maalintaas 6da September anigu waxa
aan u aqoonsaday maaliti ay burtay dhaarti loo dhartay ee (Dalka Dadka Diinta
iyo Dastuurka).
12kii october wasiirkii gaashaandhiga somalia mudane abdirashiid
abdulahi abdi iyo taliyihii ciidanka xooga somalia Gen cerfiid ayaa iska
casilay xilalkoodii sababo la xiriira is qabshi ka dhashay xasuuqi Bariire iyo
in aan loo madaxbaneyn shaqadooda oo farin qaawan ay kala kulmeen madaxda sare,
muda ayeyna qaatay in badalkooda la buuxiyo.
14kii october waxaa dahcay qaraxi weynaa ee Zope waxa ayna soomalidu
u asteeyeen in ay tahay maalin muraga badan, inta badan qaran waxa la
aaminsanyahy in uu ahaa qarax siyaasadeysan oo ka dhashay qaabka ay dowladu
ulala macamishay qaar kamid wada danaha ka leh soomaliya oo ay ugu horeyaan
Imaaradk, adar iyo Turkiga.
Bilawga bishii November dowlada dhexe waxa ay u kaba gashatay sidi ay
Madaxweynaha Galmudug xaaf xilka uga qaadi la haayeen Baarlamaankiisu ka dib
xiliaaf ka dhashay safar uu xaaf ku tagay Dalka isu taga Imaaradka Carabta,
waxa ayna xumuukadu abuurtay khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Xaaf ,iyo
ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey iyo gudoomiyaha barlamanka galmudug Cali Gacal
,khilaafkaas oo ugu dambeyn sababay in xeyn ka mid ah Baarlamanka Galmudug ka
tirsan ay dheheen Xaf ayaan xilka ka qaanay, dowlada oo aan ixtiraamin kala
aragti duwanaata iyo xoriyada shaqsiga ayaa wasaaradeeda arimaha guduhu waxa ay
soo saartay warqad ku aqbaleen xil ka qaadista xaaf.
Madaxweyne Xaaf ayaa 3jeer ee uu shir jaraaid qabtay madaxda dowlada ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan
khilaafka galmudug ayna ka shaqeynayaan in ay Galmudug burburto.
15kii novermber Wasiirkii Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Drs Maryam
Qaasim ayaa iska casishay xilkii wasiirnimo sababo ay ku sheegtay isbarbaryaac
ka dhax jira dowlada, taasi u dhigan in aan loo madax baneyn shaqadii ay ku
magacaawneyd.
17kii December habeen saqdhaxa ah ciidamo katirsan dowlada somalia
ayaa weeraray Xarunta Xisbiga Wada jir ee muqdisho hoyna u aheyd siyaasi
Abdirahman Abdishakuur waxaana weerarkaas ku dhintay ilaaladii siyaasiga oo
garay 5askari iyo haweeney, ciidankii weerarka soo qaaday ayaa afduubay
Abdirahman Abdishakuur oo dhaawac ah isla habeenkaas, weerarkaan ayaa
qorshihiisu ahaa caburin cabsi galin iyo go’aan kaligi talisnima ah, waxa looga
soo horjeeday mucaaradnimada iyo xoriyatul qolka, waxaase nasiib dara ah
siyaasiyiintu waa is qaban jireen abide, in dowladu ay 6 ruux hal goda kuwada
aastay walina aysan xuquuq iyo cadalad toona helin, ubadkaada meydkiisaba waad
ku sabartaaye hadaan jirkisiba heyn wax walba kaga xanuun badan.
21kii December siyaasi Abdiraaabdirahman Abdishakuur ayaa ka soo
muuqday maxkamda gobolka banaadir lakiin markii wax danbi ah lagu waayay
maxkamda ayaa dib xoriyadiisii usoo celisay, waxaase wali meel lagu sheegin
daki xaqdara lagu xasuusaq.
30kii december ciidamo katirsan dowlada soomalia ayaa weeraray guriga
senatar Cabdi Xasan Cawaale waxaana halkaas ay ka qaateen ciidankii weeraray
telphono iyagoo burbur u ugeystay guriga senatrka waxana kadib weerarkaasi amar
bixiyay madaxweyne farmaajo kaas oo ah
in labaaro sidii wax u dhaceen, ilaa iyo hadana waad aragtaa in Cabdi
uusan xaqiisi helin.
Dalku maanta malaha Taliya boolis iyo taliya Nabad sugid, in ka badan sadax
bilood ayey boosaskaasi banaanyihiin, dal hay’adihiisu amnigu aysan madax sare
la heyn way iska cadahay in aysan jirin qaab muuqda oo lagu sugi karo
amaankiisa, sababta sdax bil loo magcaabi la yahayna waa in ay madaxda sare ee
dalka layihiin qof ay aaminaan!.
Sidoo kale waxa jira xilal badan oo banana iyo kuwa mudooyin hore
banaanaa buuxintooduna ay waqti qaatay.
12 milyan oo soomali ah ma filayo in laga wayay qof la aamino ee
xaqiiqa ayaa ah in la raadinayo qof aan caqligiisa iyo garashadiisa aan ku
shaqeyn, balse ku shaqeynkara tan madaxda sare!.
Arrimaha Dibadda
maxa ka qaldamay?
Dowlada Soomaaliya 30 safaarad oo dibadda ah ayaa guud ahaan u
shaqeysa, maantana 30kii safaaradood, 11 ka mid ah wax safiir ahi ma joogaan,
oo 8 safiir waxaa u yeertay wasaaradda arrimaha dibadda halka 3-da kale mid is
casilay (kii UK) labada kalana wasiira Noqdeen kii Kenya) iyo (kii USA).
Sideedda Dal ee safiiradooda looga yeeray Muqdisho waxa ay kala
yihiin:-Kuwait,Imaaraadka, Qatar iyo Shiinaha oo Asia ah, Djabuuti,Uganda,Sudan
iyo Zambiya oo intuba Afrika ah!.
Wadamadaas dhamaantood waxaa ka jirta baahi qaran oo loo qabo
shaqadii safarahadu u haayeen dadka soomaliyeed ku sugan hadi ay ahaan la
haayeen Ganacsato arday ama xaqootiba, ma jirta wali ififaalo ay dowladu wax
uga qabaneyso.
Ma ogi si ay xalaal ku noqon karto xala qabashada Xafladu lagu
maamuusayo Sanad guurada Dowlada intaas oo khalad iyo dhaliilo laga tabanayo
ana xusin ka xeertamin kana xisaabtamin, sixin una heelaneyn in ay diba u
milicsato.
Ma ogi masuulka dayacay wixi loo dhaaraiyay ee ahaa Dal Dad Diin iyo
Dastuur wax qabadka uu ku faani doono fagaarana la imaan doonto.
F.G Hadaad jileysaan maadey shacabka loo matalayo, il muggeed
ka buuxsanay qorshihii magoognaa!.
W/Q Bashiir Ahmed Suley.

Comments
Post a Comment