Waagii gumeysigu dalkeena heystay
ayaa Shiikh Muxudiin Macalin oo ah caalim weyn oo Soomaaliya laga wada yaqaanay
wuxuu meel fagaare ah ku gubay kutub uu ka soo aruuriyay maktabado Muqdisho ku
yaalay, Kitaabada uu wadaadku gubay waxa ay soomaliya ka soo gaareen dhanka Sucuudiga, dadweynihi oo la yaabay sababta Wadaad
kitaabo u gubay, ayaa weydiiyay waxa ku dhaliyay inuu kutubo diin xambaarsan uu
meel fagaara ah ku gubo.
Shiikh Muxudiin Macalin (AUN) wuxuu ku jawaabay ‘Hadii Soomaaliya ay ku
faafaan waxa ku qoran oo ay xambaarsanyihiin Kutubadaan, Soomalidu dhiig badan
ayay iska daadindoontaa, laba isa salaantana waala waayi doonaa”. Bal fiiriya
soo halki wadaadku shegay maanta ma taagnin?
Marki ay dowladnimadi naga burburtay
ka dib Sucuudiga ayaa noqday wadankii koobaad ee u guntaday in aan dib dambe
saaxada aduunka aysan Soomalidu ugu soolaban, Boqortooyadu waxay maal iyo
maskaxba ku bixisay rag ay u abaabushay qaab culmimanimo kuna soo barbaarisay
manhajka Wahaabiga ee ku saleysan Kaligii Muslimnida, waliba xambaar afkaarta
“Taageeridda iyo Colaadinta” (الولاء والبراء), oo ah
mabda’a dadka iyo dunidaba u qaybiya labo kooxood oon shaqo isku lahayn, oo
kala ah muslim iyo gaalo, hade ogoow waxa saa loo kala saraya muslimiintu waa
kamid.
Wahaabiyiintu waxa ay soomaliya ka
dhex buuxiyeen xagjirnimo naceyb iyo kala shaki waxayna aad u faafiyeen iyaga
oo adeegsanaya dugsiyada Quranka iyo Masajida fikirkooda ku saleysan kala
sooca.
Maanta Culimadi ugu waaweynd
Wabaiyada waxa ay shirar kula jiraan siyaasiyiin iyo madax ka tirsan dowlada
dhexe iyo dowlad gobleedyada, waxa ayna safari ku marayaan dhulal badan oo
Soomaliya ka mid ah waxa ayna u tafaxeyteen in ay ku milmaan siyaada soomaliya
waxayna xunbo kuleeyihiin kuna yeelan rabaan Baarlamka Dowlad Goballeedyada,
iyo kan Dowlada dhexeba, waxa uuna qorshohoodu yahay in ay qabtan hogaanka u
sareya Dalka, oo hadi ay dhacdo musiba ku ah Jiritaanka Soomaliya.
Si aad u ogaato khatarta wahaabiyada
ee aan ka digayo, wax ka ogoow xiriirka ka dhexeeya Wahaabiyada iyo Ururda
Argagixisada ah ee maanta ka jira dunida iyo Soomaliyaba.
1- Manhajka Al-Qaacido, Daacish iyo Al-Shabaab ay ka duulaan waa kutubadi ay
qoreen Ibnu Taymiyah iyo Maxamed bin Cabdiwahaab waana isla Manhajka ay ku
dhaqmaan Kooxda Wahaabiyadu ama Salafigu.
2- Al-Shabaab iyo Daacish ma oggola Dimoqoraadiyad, xisbiyo siyaasadeed iyo
baarlamaan sharci dejiya, Manhajka Wahaabiguna isla afkaartaas ayuu qabaa, si
ay meesha uga saraana waxa ay rabaan in ay marka hore ku dhex milmaan hadi ay
tada helaan ay dhamaan baa’iyaan.
3- Al-Shabaab iyo Daacish ururada kale ee muslimiinta ah kana fakarka duwan
sida Suufiyada, Ashaacirada iyo Shiicada waxay u arkaan gaalo islaamka iyo
muslimiinta uga khatar badan cadawga Gaalada ah, sidoo kale Wahaabiyiintu waxa
ay qabaan isla aragtidaas, iyo in lagu jihaadi karo Suufiyada.
4- Al-Shabaab iyo Daacish ma oggola in haweenku saameyn muuqta ku yeeshaan
arrimaha bulshada, iyo siyaasadaba, mana oggola in haweenku qabtaa xilalka sare
ee qaranka sida madaxweyne, ra’iisuwasaare, xildhibaan, qaalli, wasiir,
Gudoomiye Gobal IWM isla fikraddaasna ayeynta Wahaabiyiintu qabaan.
Xaqiiqdi ma jiro farqiga u dhexeeya
Alshabaab iyo Wahabiyinta/Salafiyiinta, xaga aaminaada iyo caqiidada ee kaliya
waxa ay ku kala duwanyihiin Geesinimada, oo Al-shabaab iyo Daachis waxa ay ku
dhiiradeen fulinta wixi ay aaminsanaayeen, halka Wahaabayiyadu iyo Salafiyiintu
ay caad isku qaris iyo dhuumasho ku jiraan, balse waxaa hubaal ah in ay la
dhaqan noqonayaa maalitii ay awoodu gacantooda soo gasho.
Hadaba hadii aan maanta lagu
baraarugin oo aan laga hortagin in siyaasada dalka ay kaalin ku yeeshaan, iyaga
oo aan fagaaro uga tanaazulin afkaarta guracan oo ay xambaarsanyihiin Dalku
wuxuu wajihi doonaa khatar amni mid dhaqaalo iyo mid siyaasadba, waxaana dunida
inteeda kale noo arki doonaan dad iyo dal khatar ku ah iyaga, hadaba si taas
looga badbaado waa in la lagu baraarugaa khatarta Wahaabiyada, meelna looga soo
wada jeestaa.
W/Q Bashir Ahmed Suley.


Comments
Post a Comment