Wahaabiyiinta oo ku milma siyaasada Dalka, waxa ay mugdi gelin doontaa jirtaanka Soomaliya!.



                                                                             



Waagii gumeysigu dalkeena heystay ayaa Shiikh Muxudiin Macalin oo ah caalim weyn oo Soomaaliya laga wada yaqaanay wuxuu meel fagaare ah ku gubay kutub uu ka soo aruuriyay maktabado Muqdisho ku yaalay, Kitaabada uu wadaadku gubay waxa ay soomaliya ka soo gaareen dhanka Sucuudiga,  dadweynihi oo la yaabay sababta Wadaad kitaabo u gubay, ayaa weydiiyay waxa ku dhaliyay inuu kutubo diin xambaarsan uu meel fagaara ah ku gubo.

Shiikh Muxudiin Macalin (AUN)  wuxuu ku jawaabay ‘Hadii Soomaaliya ay ku faafaan waxa ku qoran oo ay xambaarsanyihiin Kutubadaan, Soomalidu dhiig badan ayay iska daadindoontaa, laba isa salaantana waala waayi doonaa”. Bal fiiriya soo halki wadaadku shegay maanta ma taagnin?
Marki ay dowladnimadi naga burburtay ka dib Sucuudiga ayaa noqday wadankii koobaad ee u guntaday in aan dib dambe saaxada aduunka aysan Soomalidu ugu soolaban, Boqortooyadu waxay maal iyo maskaxba ku bixisay rag ay u abaabushay qaab culmimanimo kuna soo barbaarisay manhajka Wahaabiga ee ku saleysan Kaligii Muslimnida, waliba xambaar afkaarta “Taageeridda iyo Colaadinta” (الولاء والبراء), oo ah mabda’a dadka iyo dunidaba u qaybiya labo kooxood oon shaqo isku lahayn, oo kala ah muslim iyo gaalo, hade ogoow waxa saa loo kala saraya muslimiintu waa kamid.
Wahaabiyiintu waxa ay soomaliya ka dhex buuxiyeen xagjirnimo naceyb iyo kala shaki waxayna aad u faafiyeen iyaga oo adeegsanaya dugsiyada Quranka iyo Masajida fikirkooda ku saleysan kala sooca.
Maanta Culimadi ugu waaweynd Wabaiyada waxa ay shirar kula jiraan siyaasiyiin iyo madax ka tirsan dowlada dhexe iyo dowlad gobleedyada, waxa ayna safari ku marayaan dhulal badan oo Soomaliya ka mid ah waxa ayna u tafaxeyteen in ay ku milmaan siyaada soomaliya waxayna xunbo kuleeyihiin kuna yeelan rabaan Baarlamka Dowlad Goballeedyada, iyo kan Dowlada dhexeba, waxa uuna qorshohoodu yahay in ay qabtan hogaanka u sareya Dalka, oo hadi ay dhacdo musiba ku ah Jiritaanka Soomaliya.


Si aad u ogaato khatarta wahaabiyada ee aan ka digayo, wax ka ogoow xiriirka ka dhexeeya Wahaabiyada iyo Ururda Argagixisada ah ee maanta ka jira dunida iyo Soomaliyaba.


      1- Manhajka Al-Qaacido, Daacish iyo Al-Shabaab ay ka duulaan waa kutubadi ay qoreen Ibnu Taymiyah iyo Maxamed bin Cabdiwahaab waana isla Manhajka ay ku dhaqmaan Kooxda Wahaabiyadu ama Salafigu.

      2- Al-Shabaab iyo Daacish ma oggola Dimoqoraadiyad, xisbiyo siyaasadeed iyo baarlamaan sharci dejiya, Manhajka Wahaabiguna isla afkaartaas ayuu qabaa, si ay meesha uga saraana waxa ay rabaan in ay marka hore ku dhex milmaan hadi ay tada helaan ay dhamaan baa’iyaan.


     3- Al-Shabaab iyo Daacish ururada kale ee muslimiinta ah kana fakarka duwan sida Suufiyada, Ashaacirada iyo Shiicada waxay u arkaan gaalo islaamka iyo muslimiinta uga khatar badan cadawga Gaalada ah, sidoo kale Wahaabiyiintu waxa ay qabaan isla aragtidaas, iyo in lagu jihaadi karo Suufiyada.

     4- Al-Shabaab iyo Daacish ma oggola in haweenku saameyn muuqta ku yeeshaan arrimaha bulshada, iyo siyaasadaba, mana oggola in haweenku qabtaa xilalka sare ee qaranka sida madaxweyne, ra’iisuwasaare, xildhibaan, qaalli, wasiir, Gudoomiye Gobal IWM isla fikraddaasna ayeynta Wahaabiyiintu qabaan.



Xaqiiqdi ma jiro farqiga u dhexeeya Alshabaab iyo Wahabiyinta/Salafiyiinta, xaga aaminaada iyo caqiidada ee kaliya waxa ay ku kala duwanyihiin Geesinimada, oo Al-shabaab iyo Daachis waxa ay ku dhiiradeen fulinta wixi ay aaminsanaayeen, halka Wahaabayiyadu iyo Salafiyiintu ay caad isku qaris iyo dhuumasho ku jiraan, balse waxaa hubaal ah in ay la dhaqan noqonayaa maalitii ay awoodu gacantooda soo gasho.

Hadaba hadii aan maanta lagu baraarugin oo aan laga hortagin in siyaasada dalka ay kaalin ku yeeshaan, iyaga oo aan fagaaro uga tanaazulin afkaarta guracan oo ay xambaarsanyihiin Dalku wuxuu wajihi doonaa khatar amni mid dhaqaalo iyo mid siyaasadba, waxaana dunida inteeda kale noo arki doonaan dad iyo dal khatar ku ah iyaga, hadaba si taas looga badbaado waa in la lagu baraarugaa khatarta Wahaabiyada, meelna looga soo wada jeestaa.

W/Q Bashir Ahmed Suley.

Comments