Diinta
Ismaalku waa diin nabad galyo iyo naxariis, waa diin cafis iyo saamaxaad, waa
diin towbad iyo Alla bari, waa diin ilaalisa sharafka iyo cirdiga Bini’aadamka,
waxa ay reebtay xad-gudubka iyo been abuurka, lkn nasiib daro maanta dad badan
ayaan laga dhaadhcin karin arintaa, Diinta islaamkana u heysta Diin cadawtooyo
iyo dil iyo is gaaleysiin ku dhisay waxaana u sabab ah Culimada qaar oo halkaa
gaarsiiyay, kana been sheegay ku dahqankeeda.
Diinta
Islaamku waxyaaba ay sida weyn u ilaasiay waxaa ka mid ah Nafta Muslimiinta,
iyo sharafkooda sidoo kale diintu waxa ay reebtay in muslimiinta dhexdoodu ay
dhiigooda daadiyaan ama is gaaleysiinعن ابن عمر رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُما قال، قال رَسُول اللَّهِ : (إذا قال الرجل لأخيه يا كافر، فقد باء بها أحدهما، فإن كان كما قال وإلا رجعت عليه) مُتَّفَقٌ عَلَيْهِ.
Qofki
walaalkis Gaal ku tilmaama hadusan aheyn isaga ayaa gaal ah, arinkaasu ma
sahlana waana adagtahay, balse Culimada Soomalidu waa ay iska sahashadeen oo
inta badan wey is gaaleysiiyeen.
Marka aad si
hoose u eegto xaqiiqda iyo halka ay salka ku heyso mas’aladan is gaaleysiinta
Culimada dhexdeeda ah, waxa aad ogaaneysaa in ay hal xeyndaab ku wareegeyso,
kaasi oo ah fulinta AFKAAR hal qolo leedahay oo aan dhanna looga gudbi akrin,
lalana ogaleyn qof maskaxdiisu si xor ah u fakarto, fahan dhab ahna ka qaata
Diinta Islaamka.
Inta badan
qolyaha dadka raacraaca oo raadraadiya afkaaradooha, marka aad u fiirsato
waxaad ogaaneysaa in ay ku raad joogaan oo ay baadi goob ugu jiraan Wadaad ama
shaqsi wax qora oo soo kordhiyay fahan ka waasacsan kan iyagu ay dadka u
sheegaan, waxaadna moodaa in ay doonayaan dadka in ay afduub ku heystaa, oo
kaliya ay afkaar lacag lagu soo siiyay faafiyaan.
Marka aan
leeyahay Afkaar lacag lagu soo siiyay, waxa aan kala jeeda sida aad wada ogtihiin
Culimada Soomaliyeed in badan oo kamid ah ayaa Mushaar ka qaata Hay’ado Carbeed
oo lagu sheego in ay Dacmiyaan ama maalgaliyaan Faafinta Diinta Islaamka,
Hay’adahaas wadaad kasta oo ay lacag siyaan waxa uu ku qasbanyahay in uu
faafiyo Afkaartooda, mana jirto awood uu kaga hor imaan karo ileen horaa loo
yidhi “Af wax cunay xishoo”.
Hay’adahaasi
inta badan waxa ay Maal galiyaan oo ka qeyb qaatan faafinta Xagjirnimada iyo
adadeyga sidoo kale waxa ay abuuraan qolya jihad doona, waxa ayna kacdoomiyaan
dhalinyarada Muslimiinta meel walba oo ay Dunida ka joogaan iyaga oo u soo
maraya Wadaado ay lacag siiyeen, kii ka horyimadana gaaleysiiya, ana oo og in
Diinta islaamku tahay Diin naxariis iyo nabad galyo, walibana ah Diin
dhaxdhaxaada.
Tira yar oo
Wadada ah ama dad wax bartay ah oo fahmay dabinka loo qoolayo Soomaalida iyo
dhamaan Muslimiinta, dadaal dheeri ahna ku bixiyay fahanka Diinta, ayaa lagu
dhaganyahay hada oo la gaaleysiinayaa si loo hor istaago oo aysan dadka u tusin
XAQA iyo haka uu ka xigo.
Wax badan oo
Soomalida Diin looga dhigay iyo xukuno badan oo ay qolyaha Carabta ku xirani ay
fuliyaan ayaa la ogaaday in aysan Diinteena sal ku laheyn, taas ayaa iyagana
dhibtay oo ay dadka u gaaleysiinayaan.
Waxa ay inta
badan dadka ku Af gobaadsanadaan qolayha wax gaaleysiiya hebel waa mulxid iyo
murtad Sunada NABIGANA SCWS ma ogala, kuwa sidaas la leyahay ayaad arkeysa
iyaga oo had iyo jeer aqrinaya oo sharaxayada AXAADIITHTA Nabigeena SCWS .
Anigu ka
Bashir ahaan ma diidane in ay jir karaan dad Mulxidin ah oo diinta ka lexday
balse su’asha aan qabo ayaa ah qof kasta o aad mas’alo isaga hor imaataan ama
fahanka iyo macnaha aad ka qadatay nusuusta mid ka duwan ka qaatay ma
Mulxidbaa?.
Waa muhiim
in la kala saaro Diinta Islaamka iyo Afkaarta culimada Muslimiinta, hadii aan
wadaad ka Afkaar duwanaaday macnadeedu ma ahan in aanan Muslim aheyn, Asalku
waa Diinka ee mahan Afkaarta Culimada.
Xagee laga
keenay gaaleysiinta degdegta ah soo Cali Inbu Abii Dhaalib ma aheyn Saxaabigi
Khawaarijta wax laga weydiyay, ee dhahay Gaala mahan oo kufri ayey ka soo
careen, Munaafaqiin ma ahan oo in badan ayey Allah Xusaan, marki lagu celiyay
oo la yiri oo hadaba maxay yihiin sowtuu ku jawaabay waa qolo nagu xadgudbay. عن طارق بن شهاب أنه قال: كنت عند علي فسئل عن أهل النهر أمشركون هم؟. قال: من الشرك فروا. قيل: فمنافقون هم؟. قال: إن المنافقين لا يذكرون الله إلا قليلا. قيل له: فما هم؟. قال: قوم بغوا علينا.
Hadiiba Cali
Bin Abii Dhaalib Allaha Karaameye ku dhiiran wayay Gaaleysiita Khararijti uu
ladirirayay, xageey Culimadaan ka keeneen dadkan ay safmarka u gaaleysiinayaa
waliba dadkii oo leh war yaan nala gaaleysiin ee aan Kitaabka Alle u wada
laabano?.
Isku soo
wada duube Gaaleysiintu waa Mashruuc mushaar lagu rabo, kuwa wax galeysa waa
qandaraasle yaal mushaar ku qaata howshan, kuwa la gaaleysiyayna ha ajar
xisaabsadeen hana dulqaateen Mushaarki ayaa galay gaaleysiintoodee.
W/Q Bashir
Ahmed Suley

Comments
Post a Comment