Anigoo og in asxaabteyda iyo dhamaan Soomalida intooda badani ay wada
Farmaajeysanyihiin ayaan hadana ku dhiiranayaa in aan idin la wadaago dareenka
idiina sheego in aanan anigu wali aanan Farmaajeysneyn, hadaba adiga oo ila
yaabin kana cararin cinwaanka kore, fadlan si taxadar iyo dareen leh u aqri
qormada inteeda kale.
Soomaliya waxaa ka curatay Dowlad saldhigeedu yahay rabitaanka
shcabka, dadku gabi ahaan waxa ay ku qanceen Doorashadi uu ku soo baxay
Madaxweyne Farmajo si niyada ayaana loo soo wada dhaweyay, sacab, alalaas,
mashxarad, jiib, iyo dabrid, duco iyo amaan ayaa mar qura ka soo yeeray soomali
meel walba oo ay dunida ka joogto, waxaana loo muujiyay Madaxweynaha cusub sida
loogu wada qancay iyo rabitaanka loo qabo, durbadiiba waxa billawday in si
fudud isku dhex galaan ciidanka iyo shacabka kana wada qeyb qaataan farxada iyo
damaashadka soo dhaweynta Doorashada Farmaajo.
Ka sokow wanaaga iyo rajada fiican ee laga qabo Madaxweynaha cusub, waxaa jira ka badbadis iyo fudeyd badan, waxaana mar qura caay iyo habaar iyo dhaliilo loo jediyay madaxdi ka horeysay Madaxweynaha cusub ee aan wali talaab horay u qaadin wax qadabkiisana la arag wali.
Ka sokow wanaaga iyo rajada fiican ee laga qabo Madaxweynaha cusub, waxaa jira ka badbadis iyo fudeyd badan, waxaana mar qura caay iyo habaar iyo dhaliilo loo jediyay madaxdi ka horeysay Madaxweynaha cusub ee aan wali talaab horay u qaadin wax qadabkiisana la arag wali.
Anigaoon sahwin oo salalin walibana aan saluugin Qeybka, saadashana
iyo malahana aan xumeyn, dareenkeygana aan ku saleyneyn laab lakaca iyo seef
laboodnimada sal fudeydku hareeyay ay Soomalidu caanka ku noqotay waayadan
dambe, waxaan qabaa aragti ah in aan laga hor dhicin dabeysha siyaasaded ee
naga soo ku baareysay dhanka xeebaha Wadaninimado, ee uu horboodayo
Madaxweynaha aan wada jecelnahay ee FARMAJO.
Waa shaki l’a in aan wada qabno rajada ah in Madaxweyna Farmaajo uu
dhabbe u cusub u jeexi doono Siyada Soomalida iyo guud ahaan Dalka Soomaliya oo
dhan, balse waxaa ila wanaagsan in aan Janis u siino xulshada Xukuumadiisa iyo
xubanaha la shaqeyn donto.
Muwaadin kasta oo soomali ah ha xasuusnaado xikmada dhaheysa “ In qofka
aan aad loo wada jeclaan nici doontidaa ma ogide, sdioo kalana aan aad loo wada
nicin jeclaan doontidaa moogide”.
Madaxweyne Farmaajo afartaan sano waxa hortaal fursad dahabi ah uu ku
xaqiijin karo rajad iyo jacelka loo qabo, wallow ay culeysya badan horyaal oo
iygana lagu qiimeyn doono qabka uu wajaho xalintooda, waan hubaa in uu wax
badan ka fiicnaan doono wadanku sida uu hada yahay meel wanaagsana uu gaari
doono, lkn ogaada far kaliya fool ma dhaqdo waana muhiiim in si iskaa wax u
qabsa ah Soomali oo dhani ay xil isaga saarto dib u soo celinta Qaranimo.
Ugu dambeyntii anigu kama hor dhacayo kuma dagdagayo Madaxweynaha
cusub waxa aana ku qiimeyn doonaa wax qabadkiisa iyo qaabka uu wajaho shaqada
loo egmday, qofkastana waxan ku qiimeyaa wax qabadkiisa, waxaana u balan
qaadayaa Madaxweynaha in aanan ka hor imaan lana shaqeyo, inta uu wada saxan hayo.
F.G Fadlan aan u wada duceyno Madaxweynaheena insha Allah.
W/Q Bashir Ahmed Suley.


Comments
Post a Comment