“Aniga umbaa wax og”




Hagaga magaga muranka iyo hilima ku koorka iyo Kitaaba isku jiidka, dhaarta aan loo meel dayin ee beenta lagu qurxiyo, amaan ama caay hadba mid aan la hubsan oo qofka dusha lagala koro, waa u astaan Soomalida samaankaan maantaa.
Caruur iyo Haween, Nacas iyo Nin garaadlaba, Culima iyo Caamo, intuba maanta waa wada Xog’ogaal si simana fagaaraha uga wada dooda oo aan is dhageysan.
Shacab wada xaakimiin iyo iskugu jira kuwa fuliya Xukunka, saqiiro wada Siyaasi, waayeelo Qabyaaladi dilootay naceybkuna quluubtooda saldhigay, wadaada is radiya, jaahiliin dhaqaatiira, fuudniyo wada injineera, umad wada mansab miiran ah, waa u astaan dalkeena maanta.
Ararta hadla anigoon ku sii fogaan aan u soo dago duclucda u jeedada sheekada aan u gol leeyahay oo ah, “Anigaa wax og”.
Sal fudeydu xaawuu Janadi ka saaree, shalay marku Madaxweynihii la dooratay uu ku dhawaaqay Ra’iisul-wasaarahi la shaqeyn lahaa, ayaa nin kamida qolyaha Siyada indha indheya isoo wacay qabashadi koobaad ee Talefanka ayuu igu bilaabay “ War Farmajo maxa ka siye?”. Saan iri maxa dahcay?, inta hadalki la booday ayuu ii shegay ku dhawaad toban dhaliilood ee uu leyahay Ninkan cusub ee loo Magcaabay Raiisul-wasaraha,  marku hadalki dhameyay ayaan weydiiyay hadey jirto wax cadeyn uu u hayo dhalilahan, balse nasiib daro muran iyo qeylo dhaar waaweyn lagu kabay iyo waa la yiri, ayuu ku soo idladay wadahalkeeni.
Sidoo kale shalay xiligii dambe oo aan qolya isku aragnay qadka Internet-ka ayaa iyagu si hufan oo amaan u badan waxa ay u difaacayeen wadadkan Cusub ee la doortay iyaga oo dusha ka sarayay amaan iyo wax qabad aanan wali lagaarin, adooduna waxa ay ku saleynsneyda “Anigoo og wlhi waan hubaa waa ninki dalku ku badbaadi lahaa”, hada waxaan rajeynayaa in uu Allah ka dhigo mid loo aayo ee Dalka badbadiya maahan hadalku!, maraan weydiyay su’al sideed u hubta ma qeybkaad daalcataa mise shaqadan midaan lamida ayuu hada ka hor ku soo guuleystay oo uu Dalka ka soo qabtay soona badbadiyay, nasiib daro shekadi waxay isla sidiyoo kale ku soo idlaatay waa la jiri iyo dhaar waaweyn oo lagu kabay buuq iyo is xanaajis.
Labdaan arimood midkoodna yaab iguma noqon, sababto ah waxaan sifican u aqaana adinkun aad wada ogtihiin dhaqanka soomalida oo ah in qof walba Ruuxa uu rabo ama ku Heybta ah uu kaaga dhigo MALAK YAR, kii uusan rabina uu kaga dhigo SHEYDAAN WEYN, Soomaliduna waxba kuma qiyaasan qiyaasah rasmiga ah ee Adanha kale ay wax ku qiyaasa ama wax ku saleyaan oo ah in qofka lagu dhaliilo wax qabad la’aantisa ama lagu amaano wax qabadkiisa, sidoo kale Soomalidu maba oga qisaasta ah in hal qof uu wanaag iyo xumaan wada lahaan karo ama meel uu ku wanag sanan karo meelna ku liidan karo, taas badalkeed Soomalidu waxa ay leedahay Miqyaas u gaar oo ah waana Sheybaar magaciisa la yiraaho QABIIL.
Waxaa jirta Su’aalo aan mar walba is weydiiyo anigu, aana jeclahay in aan adinkana idin weydiiyo maanta oo ah, ilaa goorma ayey Soomalidu u bislaantoontaa nolsha rasmiga ah oo ay khiyaaliga iyo kutirikuteenta ay ka gudbi doontaa, goorma ayey Soomalidu gaari doonta biseylka ah in aan la is xaqirin in aan been laga shegin nolsha in hadalka iyo aragtida aan la qabyaaldeyn, in siyaasiga aan beelnimo loo difaacin loona caayin?.
Inta QABYAALADU ka miisaan badantahay WADANIYADA, halheyska Soomaliduna yahay Runloowga Reer hebel Beenlowga Reerkeena nooga roon, koley anigu uma fadhiyo qofkastoo yimada in uu wax qaban karo.
W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments