Soomalida iyo Dhaqanka




                                



Waa maxay dhaqan?

Dhaqanku kuma koobna oo keliya dhar la xirto, ciyaaraha iyo cuntada la cuno oo kaliya ee waa nolosha bulshada iyo jirtaankeeda. 

Dhaqanku waa Asal, waa hiddo iyo taariikh bulsho, waana calaamad iyo astaan gaar ah oo ummadi leedahay laguna heeb sooco, waana iskaashi iyo istaageerid waana isku mid ahaansho iyo wax ka dhaxeeya bulshadu si wada jir ahna u leedahay una wada difaacdaan, kana mideysanyihiin in lawada ilaalsho.

Dhaqanku waa u kala duwaha Bini-aadanka iyo Xayawaanka, dhaqanku waa dhammaan astaamaha afkaareed, kuwa muuqda ee la taaban karo, kuwa aqooneed iyo kuwa la xiriira dareenka ee u gaar ah bulsho ama qowmiyad.

Soomaalidu taariikh ahaan waa qowmiyada ugu dhaqanka wanaagsan qowmiyadaha Afrika, inkasta uu ku yimid hoos u dhac aad u weyn 20-kii sano ee ugu dambeysay, dhaqanka Soomaaliduna waxa uu aad uga duwanyahay dhaqamada Afrika, sababto ah waxa uu ku xiranyahay Diinta Islaamka.

Dhaqamada wanagsan ee Soomalidu leedahay waxa kamid ah;-
1- Marti soorka:- Soomalidu qofka martida ah si wanaagsn ayey u sooraan una dhaqaaleyaan umana fiiriyaan qabiil iyo wax sinji faquuq ah.

2- Biri-mageydada:-  xiliga dagaalka dhaqanka wanaagsan ee Dagaalka Soomalida waxa ka mid ah in aan la dilain xeyn dah ah oo la isku yiraado birimageydo, sida Haweebka, waayeelka, caruurta, iyo dhaawca oo aan la dhameystirin, iyo qofka is dhiiba oo aan la dilin IWM.
3- Suugaanta iyo Cayaaraha:- suugaanta waa dhaqanka wanagsan ee soomalida waana warbaahinta iyo wadada ay soomalidu isugu tabiso wixi ay rabaan in laga mira dhaliyo, sida Nabada, guurka, iyo jaceylka.
4- Xurmada AWGA:- wadaadka diinta ama macalinka quraanka, ama baraha iskuulkaba intuba xurma gooni ah ayey ku leyihiin dhaqanka Soomalida.
5- Horeynta Raga:- dhaqanka wanaagsan ee soomalida raga iyo dumarka waxa horeeya Masuuliyada reerkana leh RAGA waana dhaqan si toos uga yimid Diinta islaamka.
6- Guurka: guurk oo dhaqama badan oo kala gadisan soomalida dhexdeeda ku leh ayaa ka mid ah dhaqamada wanaagsan ee soomalida.

Dhaqamada wanagsan ee Soomalidu ledahay ma ahan wax hal qormo lagu soo koobi karo lkn lixdaan dhaqan ayaa ugu waaweyn, balse waxaad moodaa in ay soomalida dhexdeeda ku sii ba’bayaan oo ay sii tabar dareynayaan.

Guurtida iyo xeerbeegtida waa asalka iyo gundhiga dhaqanka wanagsan ee soomalida, iyagana waxa astaan u ah is dhageysi iyo is ixtiraam waa xukuumada kaliya ee soomalida dhexdeeda ka shaqeya ilaa iyo hada.

W/Q  Bashir Ahmed Suley

Comments