Wadaad ayaa waxa la sheegay inuu qolo geeleey ah kala hadlay arimaha
Zakada hadalki ayuu ku bilaabay “Geel Zako kama baxdo” halkaa marki uu
marsiinayo ayaa mid ka mid ah ragii geeleyda ahaa iska dhaqaayay, waa loo yeeray
oo waxa lagu jiri xageed u dhaqaaqaday wacdigiiba ma dhamaane, marka suu jiri
shiikha kheyr Allaha siiyee wacdiga meel fican ayu ka bilaabay “ Geel zaka
kababaxdo ayaana iiga filan”.
Hada waxan kala jeeda hadalkan, soomaalidii oo dhan ayaa waxa ay
noqdeen dad aad u fudud oo aan waxba sugin, hadalkana aan hubsan ee kaliya inta
hore la carara, dibna ka qoomameeya marki ay xaqiiqda ogaadaan.
Madax iyo masuuliyiin ayaa lagu eedeeyay in ay Badda gateen, waa su’aale
eeda ka hor ma la isweydiiyay xagee ayuu ku yaalaa suuqa kala iibsiga Badaha,
masae jiraa?, tan kale waa kuma qofka gadanaya hanta ka dhaxeysa Malayiin qof
berrina looga daba imaan karo.
2012ki ayaa mid ka mid ah raga raga lagu gabood falay ee lagu
eedeeyay gadashada Badda, ahaana Wasiirki saxiisay heshiiskii MOU (Memorandum Of Understanding) ee ka
dhexeeyay Soomaliya iyo Kenya laguna magacaabo Cabdirah Cabdishakuur waxa uu
soo bandhigay nuqulki heshiiska waxa uuna sharaxaad ka bixiyay waxa ku qoran ee
uu saxiisay in aysan aheyn gadasho bad, ama qaadasho bad, oo kaliya ay tahay in Soomaliya iyo Kenya kawada
hadlaan sidii loo kala xadeyn lahaa Xuduud badeedka ka dhaxeysa laba dal,
waxuuna baraha bulshada iyo dhamaan Media ha ku baahiyay qoraalki la isku
afgartay, balse ayaan adro cidi ma aqrin ma dhageysan, xataa la iskuma dayin la
fahmo waxa uu ka hadlayo, taas badalkeed caay iyo aflagaado ayaa lala bada
kacay, sidoo kale waxaa isna dhankiisa ka hadlay Ra’’sulwasaare Cumar
Cabdirashiid oo sheegay in heshiishkaas u saxiixeen badbaado qaran darted,
sidoo kale cidi ma dhageysan isagana.
Waxaa u sii dheer masuuliyiintaa markasta oo arinta la soo hadal
qaado waxa ay bulshada kala kulman habaar iyo dayaacad caay iyo wax kasta oo
xun ee qof lagu tilmaamo, haba ugu sii darnaatee usbuucan oo Maxkamadi ay
dhageysaneysay Dacwada Badda Soomaliya iyo Kenya.
Shalay oo ay ka soo wareegtay 5
sano hadalki Cabdirahan Cabdishakuur iyo Cumar Abdirashiid ayaa qareenki
Soomaliya u doodayay Maxkamda HEEG horteeda ku sharaxay wixi ay labadaas masuul
horay u sharaxeen iyo macnaha heshiisha is afgaradka ahaa ee MOU, soomalida oo
dhanna qareenka waa u wada riyaaqeen waxa ayna wada fahmeen micnaha heshishkii
ragi saxiixay ay Dukaha cambaartale ka dhigeen.
Horaan u maqli jiray Soomalidu Kitaabka Quraanka ah waa iska wadataa
mooyee gudihiisa waxa ku jira ma fahansa kalama furan oo maba doonaan
ogaashihiisa ee xambaaridiisa ayey moodaan in uu ku filanyahay, waxaa ii
cadaadatay kibaata kaliya mahee xataa documents oo dhan in aysan furin oo aysan
aqrin, kaliya waxii dhagta ay ka maqlaan run iyo beenba ay iska qaataan, lana
qeyliyaan.
Ma ficna in ay bulshadu caadeysato qaadasha wax kasta oo loo sheego,
lkn waxa muhiim ah in ay iska hubiyaan qofka ay wax ka dhageysanayaan ama ay
wax ka qaadanayaan, dad badan oo dana gaar ah leh ayaa inta badan marin
habaabinta bulshada ku gaara u jeedooyinkooda.
Waxaan filayaa in qof walba oo soomali ah uu maanta fahansanyahay in
aysan jirin bad laga tay iyo bad la saxiisay, intii anan fahmina waxaan kula
talin lahaa in ay dhageystaan marlabaad doodi is difaaca qareenadii soomaliya u
doodayay halkaas ayey ka heliyaan wax walba oo ka qarsoon, inta ogeyd ee u
jeedooyin kale kala heyd buunbuuninta beer abuur dad lagu sumacad dilayana ha
ogaadaan shacabki xaqiiqada in uu fahmay.
W/q Bashir Ahmed Suley.

Comments
Post a Comment