Xaq uma lihid in aad Soomali matasho mar kale adigoo Madaxweyne ah



                                   



Wax badan ayaan lahaa Dadka Soomaaliyeed ma dhama wax Madaxweyne loo noqdo oo aan u lajeeday in jaanis lagu siiyo Adiga oo aan wax qabadkaada iyo kartidaada laga hor dhicin, wax badan ayaan qareen ku ahaa adiga oo aan iga warqabin, wax badan ayaan in kirayay ceebahaada oo dadka dhan u af jigi jiray in aysan hanaan Dowladnimo wax badan kala socon, wax badan ayaan lahaa samaan iyo xumaanba hala adeeco odayga oo waqti hala siiyo, in badan ayaan ku cudurdaaray oo aan islahaa wuu laqabsan doonaa hanaanka iyo sida wax u socdaan, niyada waxan ku ahay in aad tahay wadani sumcad raadis ah una damqanaya dadkiisa, qaladksta oo aad leedahay marki la soo bandhigo waxan dadka iyo nafteydaba ku qancin jiray nin aan wax qaldin wax masaxo ee bal yaan la fududaan, balse nasiib daro sidaan kugu lisay iiguma adaan hambeyn.

Kol sii horeysaan ku iri “QOSOL MOOYEE QIIRA MALIHID”anoo ka xanaaqsana sida Kenya ula dahqantay xaqootiga sugan Nairobi iyo raaf qaab daran oo ay shacabkeyga kula kacday, waxa aan aad u saloogay booqashadaadi aad ku tagtay halkaas, waxaan kaa faliyay mise in aad Diyaarday cusub oo kenyaan leyihiin xariga aad ka jartay, xili Garoonka Kasaraani ay shacabkaadi ku xirxirnaayeen baahina ugu dhimanayeen.

Waa yaabe maxaad kala jeeday in dhul soomali leedahay waliba Caasimada Dalka ku yaal aad siiso Ajnabi shiyeeye ah walibana aad u saxiixdo in qof soomali ah jinsiyad walba ha watee uusan cagta dhigi Karin shaqana ka raadsan Karin.

Hadaba Xassan Shiikhoow hadaad ka xishoon weysay in aad cawadga umada saxiib dhaw ka dhigato si aad kursiga Dalka mar labaad ugu soolaabto, hadii aad ka xishoon weysay in aad xaqirto dhulka Soomaliyeed e Itoobiya ku maqan, hadii aad ka xishoon weysay in shacabkaadi ay Dekada Muqdisho wax kala soo dagi waayeen Carshuurta xad dhaafka awgeed, hadii aad ka xishoo weysay lunsiga hantida qaranka, hadii aad ka xishoon weysay in Dowladaadu kalinta koobaad ee aduunka ka gashay dhanka Musuqmaasuqa, hadii aad ka xishoon weysan dhaqanki iyo Odayaashi dalkan intii uu Dolwad la’aanta ahaa ka soo arimin jiray, hadii aad ka xishoon weysay beenta oo aad caadeysatay balan qaad aandan waxba ka fulin, hadii aad fulin weysay lixdii tiir ee aad horay u balan qaaday, hadii aad dhaqan ka dhigaty qosol aan munasab aheyn, hadii aad u damqan weysay oo u diiri weysay maxasta dad kuu xigta ee ah xaqootiga Villa-Soomaliya dareska la ah, hadii aad ka faaideysan weysay waqtigii 4ta sana ahaa ee aad heystay wax qabadna soo ban dhigi weysay, hadii aad juhdigaadi oo dhan is kugu geysay sidii aad kursiga ugu soo laaban laheyd, aniguna ka xihoon mayo in aan ku caasiyo oo aan kugu iraah naga hor wareeg xaq uma lihid in aad 4 sanoo kale namatashe’e.

Ma ogi mana qiyaasi karo kan ku balaya in uu wax ku dheeryahay ama kaa liito ama kula mid yahay, balse waxaan ogahay Madaxweyne kaa daran inuusan na soo marin!. 

Koley aniga iyo inta ila midka ah ee muda kuu qiil dayeysay waxaanu ku wada leenahay qiil dambe ma harin iyo kursi lacag lagu doonee kheyr allaha ku siiyee hanagu soo laaban.

W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments