Itoobiya waa Dowlad facweyn muada soo jirtay dadkeeduna ay aad u
badanyihiin, dadka itoobiyaanka ah waxaa qiyaas ahaa tiradooda lagu sheegaa in
ay kor u dhaafayaa 94.1 Million.
Itoobya dhibaatada maanta ka jira xaqiiqdi waxa ay salka ku heysa Faqri
iyo Baahi ay sababeen abaaro isxigxigay oo aadna u daba dheeraaday xukuumadu ay
xal u weysay maadaba dalku uu san la heyn kheyraad ku filan.
Dadka khubarada ku ah deegan iyo wax soo saarkiisa ayaa shegay in ay
kala badanyihiin masaaxada dhulka iyo dadka ku nool taasi oo ah sababta keentay
abaaraha is xigxiga ee Itoobiya saameynta badan ku reebay.
Dowlada Itoobiya oo la tacaaleysay abaartii ugu xumeyd ee dalka soo
wajahda mudo 50 sano ah ayaa hada lugaha lagashay burbur baahsan iyo rabshado
looga soo horjeedo dowlada.
Ururada caalamiga ah ayaa
sheegay in xaalada abaartu ka sii dareyso iyada oo aan weli gacanta lagu dhigin
dhaqaale ku filan in lagu gargaaro dadka tabaaleysan.
Soomaliya waa Dal deris la ah Itoobiya waana dhul qani ah oo wabiyo
iyo badoba leh balse kheyradka ilaah siiyay aysan dadkiisu ka faaideysan, waana
dal burbursanaa muda ka badan 25 sano dadkisuna ay is wada dileen, malahan
Dowlad iyo ciidamo aad u awood badan oo sugi kara amaanka xuduudaha dalka oo
dhan, waxaana taasi u sii dheer waxa jooga gudaha soomaliya kooxa aduunka uga
diiwan gashan in ay Argagixiso yihiin.
Sida lawada ogyahayna soomaaliya iyo itoobiya shacab ahaan iyo
siyaasad ahaan iskuma wanaagsana oo dadka soomaalidu cadaw aan Itoobiyanka
aheyn malaha waana tan keentay in dad badan oo Soomaali ah ay maanta ku
faraxsanyihiin rabshada Itoobiya ka socda una rajeynayaan in ay buburto waliba
ay noqoto dowlad taag daran.
Waxaa Dadkeyga Soomaaliyeed iiga muuqda dagdag farabadan iyo ka
fiirsi la’aan ay wehliso laab la kac aan ku dhisneyn qorsha iyo fakar waxa ka
dambeyn doonta riyada u muuqata ee ah Burburka Itoobiya.
Waxaad mooda in aysan Soomaalidu ka fakarin qaxa iyo firxadka 94
milayn oo itoobiyaan ah oo aan nahay dariska kali ah ee u dhaw si fududna ay ugali karaan dalkooda, sidoo kale waxaad
moodaa in Soomalidu aysan ka fakarin in aysan laheyn Dowlad iyo Ciidan intuu
doonaba halla e kaadee difaaci kara xudoodaha Dalka ama xiri kara kana waardiyeyn
kara in ay soo galaan Itoobiyaanka ka qaxaya colaadaha.
Waxaan wada ognahay in aysan shaqeynin Hay'ada Socdaalka Qaran oo aysan xuduudaha Dalka ku laheyn Xafiisyo iyo Bara kaantarool hadaba yaan isku haleyneynaa in ay naga hubiyaan xaaladahooda caafimaad Xaqootiga iyo firxadka ka dhalan kara hadii ay Itoobiya Burburto xili aan la socono in tira kabadan 30% Itoobiyaanku ay qabaan cudurka HVI.
Inta badan Soomaalidu waxa ay isla dhex marayaan hadallo aan diplomacy-yada wax shaqa ah ku laheyn oo aad moodaba in la jiri hadalkina cid aan adinka
aheyn maba fahmeyso.
Malaha hadaan anhay Soomali waxaan hilmaamnay in aan ugu badnaan nahay 10
milayn oo qura, bal ma is weydiinay sideen ugu babac dhigi karnaa dad ugu
yaraan 8 mar nagu soo jibaarma?.
Aragtida ah in loo sacab tumo burburka Itoobiya xaqiiqdi aniga waxa
ay iila muuqataa inaan Webi karkaarkiis aan isku soo jabineyno si daadkiisu
nooqaado, horaa loo jiri “Daad iyo Dad kaa badanba wey kuqaadan”.
Ma ka fakar muwaadinka soomaliga ahoow in wadankada raga horjoogayaasha u ahi aysan Itoobiya cadawba u aqoon oo ay aduunka ugu jecelyihiin in ay
raali kanoqto.
Yaad isku haleyneysaa waa adiga u sacab tumaya buburka Itoobiya’ee,
biya inta aysan ku soo gaarin ayaa la moosa ee hankeena aan kor u qaadno
danteenu kuma jirto maanta Buburka Itoobiya.
W/Q Bashir Ahmed Suley


Comments
Post a Comment