Hindisa Sharciyeedka
Siyaadsada Qaranka ee Jinsiga:- 26 May 2016 ayaa Shirka Golaha
Wasiirada lagu ansixiyey Siyaasadda Qaran ee (Gender), waxaana Golaha warbixin
ka siisay Wasiirka Haweenka iyo Horrumarinta Xuquuqul Insaanka Sahro Maxamed
Cali Samatar oo sheegtay in sharcigani muhiimad gaar ah u leeyahay ilaalinta
xuquuqda Haweenka.
QODOBADA SHARCIGAN WAXA KAMID AH:-
·
In la sahlo wax kasta oo fududeynaya Zinada laguna dhiiri
galiya dhalinyarada isticmaalka wax yaabaha Uurka joojiga sida Cinjirka iyo
Kaniiniyada.
·
In la banneeyo Zidana loona arko xaq Bini’aadamku
leyahay.
·
In la banneeyo guurka laba qof oo isku jinisi ah, laba
Rag ah ama Dumar ah.
·
In la daahiyo guurka sharciga ah, zinada albaabada loo
furo iyo galmada xaaranta ah.
·
In la baabi’iyo masuuliyada uu qosku ku leeyahay Ninka.
·
In laga qaado masuuliyada ay Aabayaashu ku leyihiin
caruurtooda gaar ahaan gabdhaha.
·
In dumarku xor yihiin marka la furo ama laga dhinto, taas
oo macnaheedu yahay in ay Cudda. tirsan.
·
In gadhabu is guurin karto waxna guurin karto waxana furi
karto.
·
In schoolada lagu baro caruurta waxa la xiriira GALMADA
iyo isticmaaladida Cinjirada galmada.
·
In dumarku ay qaban karaan jagooyinka u sareeya Dowlada.
·
In dumarka la siiyo mansab Diineed oo la mid ah kan raga,
sida in ay Masajid Imaam khadiib iyo mu’adinba ay ka noqon karaan.
Nasiib wanaag shalay oo ay Tariikhdu aheyd 28 Jun 2016 Bil iyo 3
casho kadib marki ay Xukuumada jideysay Sharcigaan, ayey Hay’ada Culimada
Soomaliyeed soo saartay Bayaan ay kaga horyimaadeen Sharciga Siyaadsada Qaranka ee Jinsiga.
Culimada Soomaaliyeed ayaa aqriyay waqtina ku bixiyay Sharcigan faasidka
ah, waxa ayna ugu dambeyn soo saareer Bayaan ay ugu digayaan Xukuumada Soomaliya
meel marinta sharcigaan, waxa ayna cadeeyeen Culimadu in uusa Diinta Islaamka
uu san wax raada ku leheyn Sharcigaani.
Sharciga Guurka JINSIGA waxaa horay u diiday 77 Dowladood oo qaar
badan oo ka mid ah aysan aheyn wada Muslim ah, Sharciga Islaamkana aan looga
dhaqmin.
Dowladahaas waxa ka mid ah 33 Dowladood oo Afrikaan waxa ayna si cad
u diideen in ay meel mariyaan Hindisaha Sharciyeedka Homosexuality, ama Guurka
Jinsiga.
Waxa ayna kalayihiin Dowladahaas.
1 Algeria 2 Angola 3 Botswana 4 Burundi 5 Cameroon 6 Comoros 7 Egypt
8 Eritrea 9 Ethiopia 10 Gambia 11 Ghana 12 Guinea 13 Kenya 14 Liberia 15 Libya 16
Malawi (enforcement of law suspended) 17 Mauritania 18 Mauritius 19 Morocco 20
Namibia 21 Nigeria 22 Senegal 23 Sierra Leone 24 Somalia 25 South Sudan 26
Sudan 27 Swaziland 28 Tanzania 29 Togo 30 Tunisia 31 Uganda 32 Zambia 33
Zimbabwe.
Waa ayaan daro aad u weyn in waxii ay Gaalo diiday ay maanta
ansixiyaan Wasiira Soomaliya ah oo waliba sheegana in ay Ismaalyihiin.
Ugu dambeyntii waxa aan umada Soomaliyeed ee Musliska ah ugu baaqayaa
in ay ka horyimaad SHARCIGAAN banaanabaxya waaweyna ay ka dhigaan dhamaan
Gobalada Soomaliya oo dhan shucuurtoodana ay muujiyaan kana dhiidhiyaan dhaqan
xumada iyo Diin la’aanta ay meel mariyeen Golaha Wasiiradu, sidoo kale Golaha
Wasiirada waxaan uga digayaa in ay in ay Diinteena Islaamka oo qiimiga badan ay
faragaliyaan, mana yeeli doonto dhaqan ay Gaalo ka soo minguuriyeen in ay
Soomaliya layimaadaan.
W/Q Bashir Ahmed Suley


Comments
Post a Comment