Magaalada Muqdisho waxaa shir jaraa'id ku qabtay Hay'adda culimada
Soomaaliyeed Shir kaas oo ay uga hadlaysay aragtidooda ku aadan siyaasadda qaran ee jinsiga oo ay
xukuumadda Soomaaliya meel marisay bishii hore.
Culimadu waxa ay soo bandhigeen waxyaabo badan oo Diinta islaamka aan
ku banaaney kuna jira Hindisaha siyaasadda
qaran ee jinsiga golaha wasiiraduna ay ansixiyeen.
Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa waxaa difaacay Wariiska war
faafinta oo shir jaraaid qabtay waxa uuna sheegay in aysan Xukuumada meel marin
waxa ay culimadu sheegayaan.
Anigana waxaa isoo gaarat qoraalo iyo copy ka mid ah wixi ay Golaha
Wasiiradu meel mariyeen oo dhex wareegaya baraha bulshadu ku xiriirto sida
Facebook iyo Twitter.
Waxaan raadiyay oo aan helay buugi ay meel mariyeen Golaha wasiirada
waxaana ku qornaa qoraalkan aan hoos ku soo guriyay.
“Waxaa lagama maarmaan ah in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay
saxiixdo dhamaan sharuucaha caalimga ah iyo kuwa heer gobol sida kan ciribtirka
hayb sooca ka dhanka ah haweenka (CEDAW),heshiiska xuquuqul insaanka Afrika
(ACHPR) heshiiskii xuquuqda dadka iyo haweenka 2003 (the Mabuto pratocol),
heshiiskii Solemn ee sinaanta labka iyo dhedigga ee Afrika (SDGEA), heshiiskii
ka hortaga cadaadiska iyo faraxumeynta ka dhanka ah haweenka iyo caruurta ,
mabaa’didii talaabooyinka Beijing iyo qaraaradii qaramada midoobey oo
tirsigoodu ahaa 1325 iyo 1820.”
Waxaana sii racsan qeybta dembe ee Page-ka 6aad iyo bilawga Page-ka
7aad “Ula jeedada laga leeyahay siyaasadda jinsiga ee heer qaran (NGP) waa
sidii ay hay’adaha dowladdu ay si dhab ah ugu hirgelin lahaayeen dhamaan heshiisyada
caalimga ah oo la xiriira jinsiga”.
Qoraalka waa mal dahanyahay waxna kuma cada, lkn waxa uu xambaarsanyahay
macna weyn, waana waxa culimada ka xanaajiyay culimada iyo waliba qof walba oo
diin leh, aqoona u leh (CEDAW, ACHPR, SDEA).
Intaas ka dib waxaan radiyay oo baritaan ku sameyay waxa loo yaqaano (CEDAW,
ACHPR, SDEA) waxana ogaaday in dhamaantood ay yihiin Qaeaaniin lagu heshiiyay
iyo qodobo iskugu jira Caalami iyo ku Gobal, waxa ayna wada qeexayaan waxa ay
ugu yeereen Xuquuqda Haweenka.
Hadaba hdii ayba SIYAASADDA QARAN EE JINSIGA Ujeedadeedu tahay hir
galinta iyo fulinta Heshiisyadan (CEDAW, ACHPR, SDEA) iyo kuwa kale oo qarsoon,
taasi macnaheedu waa fulinta wax kasto oo heshiisyadan ku qoran in ay qadateen
Golaheena Wasiiradu oo ay meel mariyeen.
Waa maxay Maxay (CEDAW,
ACHPR, SDEA)?.
1-
CEDAW waxa laga soo
gabiyay “Convention on the Elimination of All Forms of Discrimination against
Women” Waa heshiis caalami ah la oo ay ansixiyay (December/18 /1979) Golaha Guud ee Qaramada Midoobey kuna jaan go’an qaraarka 34/180, heshiiskan waxa lagu tilmaamay xuquuqda haweenka caalamiga ah ee dhaqan galay (September 3 / September
1981).
Qaar kamid ah Qodoba
CEDAW ku qoran, ee Diinta Islaamka khilaafsan
Qeybta 4aad ee Sharciga CEDAW qodobadiisa 15aad iyo 16aad waxa ku qoran
• In ay Gabadhu guurkeeda xor
u tahay Jinsiga ay rabtana ay guursan karto
• In la daahiyo guurka
sharciga ah.
• In la baabi’iyo masuuliyada
uu qosku ku leeyahay Ninka.
• In dumarku xor yihiin marka
la furo ama laga dhinto, taas oo macnaheedu yahay in ay Cudda tirsan.
• In gadhabu is guurin karto
waxna guurin karto waxana furi karto.
- · In dumarku ay qaban karaan jagooyinka u sareeya Dowlada.
- · In Caruurto ay ku Abtirsan karaan hooyada.
- · In Gabadhu isku diidi karto ninka hadii ay doonto oo aysan raali ka aheyn.
- · In gabdhu xor utahay in ay iska xirto ilmaha ama ay iska durto.
Arinka ah is
guursiga laba Jinsi oo isku mid ah si toos ah uguma qorna Heshisyada (CEDAW,
ACHPR) balse waxa uu macna ahaan soo hoos galayaa Qeybta 1aad qodobadeeda 1,2
ee heshiiska (CEDAW) qofki si qota dheer
u aqriyana waa uu ogaan karaa macnaha dhabta ah eek u qoran.
Sidoo kale ACHPR ayaa
la qabta CEDAW dhamaan qodobada kor
ku qoran, oo ma jiro wax farqi ah oo dhexeeya.
Maadaba la meel
maiyay CEDAW IYO ACHPR, dhabti waxaa xaqiiqa ah waxa ay culimaa shegayaan oo
waxaa la meel mariyay qodobada kor ku qoran, iyo kuwa kale oo diinta Islaamka
khilaafsan.
Dadka qaar ayaa
ku doodaya in Buuga Wasaarada haweenku qortay aysan ku jrin waxa ay culimada
sheegeen, dadkaas waxa ka dadan ama aysan aqoon ula heyn ama aysan fahmin in
Heshiiska siyaasada qaran ee jisigu ay ku hoos duuganyihiin lana ansixiyay
heshiisyo kale oo calimi oo ay ka mid yihiin (CEDAW, ACHPR).
Sidoo kale
Heshiiska siyaada qaran ee jinsigu waxa uu si buuxda u ansixiyay in dhamaan la
hergaliyo heshiisyada caalamiga ah ee Jinsiga ka hadla si aan kala sooc laheyn,
heshiisyadaasna waxaa ka mid ah kuwa baneynaya (Homosexuality) ama waxa loo
yaqaano Galmada dadka isku jinsiga ah sida naag iyo naag ama nin iyo nin.
Ugu dambeynti
waxa aan Soomalida u cadeynayaa in heshiiskaan ay ku hoos qarsanyihiin wax
badan oo Diinta iyo Anshaxa Islaamka aan ku banaaneyn, cidii dooneysa cadeyn
iyo wax la xiriira Heshiisyada (CEDAW, ACHPR) wey ila soo xiri karta.
W/Q Bashir Ahmed
Suley.
Comments
Post a Comment