Waa maalin jimca ah, xili galab gaab ah kuleyl badani majiro oo qoraxda ayaa baasha godka la sii lageysa wilise ma dhicin oo wey sii muuqataa.
Waxa aan ka soo baxay guri yar oo jiingad ah ee aan dagahay oo ku yaal xaafada QELEBET oo saaran RING ROAD ee Magaalada Muqdisho, si kale hadaan u dhaho waa Ex Xaafadii Al-Barako qaas ahaa Jidka Shiirkole, ee Magalada Muqdisho.
Waan saan boobayaa oo waxa aan ku dagdagayaa biibita yar oo shaax lagu cabo kuna dhaw Masjidka (Bilaal) ee xafada si aan maqribka ka hor Koob Shaaha qac uga siiyo, dhowr talaabo oo saan boob ah marki aan qaday ayaa waxa iga hor yimid ina is taajiyay (Beheilu Gabriel) oo ah Gudoomiyaha xaafada aan daganahay.
Salaan kadib waxa uu shegay in bari xaafada uu ka jiro banaan bax weyn oo lagu taageerayo gudoomiyaha Gobalka (Bahir Daar) Ex Golabkii loo aqoon jiray (Banaandir) Mudane (Kayin MebaSelassie) waliba anigana la iga rabo in aan aroor hore ka soo kaco hurdada oo aan howshaas wax ka abaabulo, aniga oo madaxa raaricinaya ayaan ku iri aqbalay amarka Godoomiya, sidii ayana isku macsalaameynay.
Wax yar ka dib Biibitadi aan ku socday ayaan soogaaray rag aan asxaab nahay oo mesha iga soo horeeyay ayaa ii shegay in ogeysiis laga sii daayay Raadiyaha barina aysan shaqo jirin Banaanbax weyna uu xafada ka jiro, intii hadalki la waday ayaa la adimay Saladi, markiiba masaajidka ayaan u kala dareernay, salaadi markii lagabaxay ayaa shiikhii Masaajidka Makaroofanki qabsaday waxa uuna shegay in Beri Banaanbax weyn ka jiro xaafada amarkaana ay Dowladu soo dhiibtay inuu dadka gaarsiiyo, wax shaqana aysan jiridoonin beri.
Intaa kadib xaafada ayaan iska soo aday Cishaha oo aan guriga ku tukaday kadibna waan iska seexday maadaba beri howl adagi ii taal.
Waa samaad ayaa baryay, waxaan guda galnay diyaarinta hoolkii uu Gudoomiyuhu kula hadli lahaa dadka, saacad ka dib waxa soo gaaray goobti Duqa xaafada iyo Gudoomiyaha Gegmada iyo Kan gobalka oo wada socda.
Waxaa hadalki furay Duqa xaafada qudba dheer iyo ka warbixin xaalada guud ee xaafada waxa uu Makarafoonka ku soo dhaweeyay Gudoomiya Bahar Daar Ex (Banaadir).
Mr Kayin MebaSelassie waxa uu qudbadiisi ku bilaabay "Nabadaan iyo horumarkaan aad ku naalooneysaan dhiig iyo qarash badan ayaa ku baxay Halyeeyo badan ayaa ku dhintay, waqti badan ayaan gelinayay, dadka ku nool Kalinka lixaad Itoobiya (oo uu ula jeedo Soomaliya) ee aan hada ku sugunahay in ay Itoobiyaan noqdaan kumannaan Itoobiyaan ah ayaa god u galay, saasta ay tahay wali waxaa jira dad yar oo falaaga ah oo daba socda taariikhihii aan aasnay iyo dhaxalki aan sannado badan kahor moora duugnay, Itoobiya waa Qowmiyado badan oo isku tagay Soomaaliduna waa qowmiyad ka mida qowmiyadahaas, majiro Dal iyo Dad qaas ah oo Soomali la yiraado Calan aan kan Itoobiya ka heyna majiro, waa laga yaaba in Taariikh qaldan dadka qaar waayeela ah ay ka sheekeeyaan, balse falaagadi 1960ki ilaa 2030kii (wuxu kala jeeda Dowladihii Soonaliya) fadqalalada iyo fowdada ka waday gudaha Itoobiya qaas ahaan Kelinka lixaad ee Itoobiya maanta oo aynu joogno 2057 ma ahan wax la yeeli doono ama suura gal noqon kara in haraadi ka nool yahay Burcadaas".
Intaas marka uu marsiinayo ayuu aamusay, muda yar ka dib ayuu mar quro soo hinqaday isagoo leh "Ciidamada amaanka waxa ay amar u qabaan in ay meel walba oo ay ku arkaan ay ku toogtaan qofkii laga dareemo saan saan Qolyihii Falaaga ahaa ee Dalka aan ka xoreynay".
Ooyin iyo uur kutaalo aan qarsado mooyee koley anigu ma dhihi karin xiligaas Itoobiyaan maahi dhulkuna Itoobiya mahan mana lahan ee waa Dhulkeygi hooyo ee Soomaliya, lkn niyadaan ku heystay inaan Soomali ahay dhulkana aan anigu leeyahay, ciilka iyo calool xumadana ay Qabyaalad iyo Qabiileysi i badeen.
Bashir Ahmed Suley

Comments
Post a Comment