AHLUSUNNO iima dhaamto ALSHABAAB!
Inta aadan cinwaanka ka caroon, inta aadan Wadaaddada kale igu xaglin
sida [AL ITIXAAD+ALSHABAAB] inta aadan igu dhibsan erayga qallafsan, inta aadan
kahan adoo is leh “maxaa Wadaaddada is difaacaya ku tusay”?! Inta aadan u damqan,
dareen aan jirin, bal adoon xuurtaysnayn ila dhiraandhiri inta dhacday, iyo
inta dhimman, ee dhawaan soo socota.
Jabhadaha waxaa dhalay kaligi telisnimadii MSBarre (Aabbaha burburka
dalka), jabhaduhuna waxay dhaleen qabqablayaashii dagaalka, ee diirtay, diirkii
haray iyo daarihii, qabqablayaashuna waxay sii dhaleen mooryaan dubatay intii
ay diirteen qabqablayaashu, ayna uga sii daba mareen Wahaabiyo jaadad iyo jidad
badan ku timid, Alitixaad, Alictisaam, Maxaakim iyo Alshabaab, oo iyana sabab u
noqday curashada Alhsunno.
Sidii Maskii baa loo xuub dhacsaday, oo mid walba yeeshay falliir iyo
duub ka duulay, haddana, wali waa idldaran, doodduna halki ayey taagan tahay,
marka tagtada laga soo tago, ma laha taagan qumman iyo tiigsi qaabsan.
Ahlusunna intii uu socday dagaalka sokeeye, ee u dhexeeyey beelaha,
qayb muuqata kama qaadan, micnaha, lama arag tikniko Ahlusunna ku suntan, oo
dagaalka safka hore kaga jirta. Waxay ku sii dhaganaayeen dhaqankoodii hore, ee
ahaa Tusbaxa iyo Wardiga, waxaase la dhihi karaa kama marnayn Xijaab xirka
mooryaanta beesha, ee dagaalka u gayfan, ama inay Tahliil u tufaan gawaarida
gaashaaman ee reerka, loona qoofalay inay u baqoolaan weerarka beel kale! Tani
waa mid iska caadi ah, maxaa yeelay, qabqable walbaa, wuxuu leeyahay wadaad uu
ka ducaysto, Bunkana uu u dubo!
ALSHABAAB waa dhal feker diimeed xagjir ah, siduu u billowday
dagaalka jihaadka iyo ku janno tagga diirka Soomaaliga ah, waxaa si toos ah loo
beegsaday xarumaha Ahlusunna, tacaddigaa waxaa gaystay Alshabaab, oo fal kasta
oo xun, Alla ugu dhawaada. Waxay burburiyeen dhismayaal, faageen qubuuro ay ku
aasnaayeen wadaaddo caan ka ah gayiga. Qabuuro faagiddu waxay ku badan tahay
kuna badnayd koofurta fog, gaar ahaan gobollada: Baay, Bakool, Gedo, iyo labada
Jubba, meeshaas, oo si joogta ah ay uga dhacaan tacaddiga loo gaysto mayd
gu’yaal hore lafa lafo noqday!
Falalkaasi dabcan xanuunkooda ayey leeyihiin, waxayna si toos ah u
taabanayeen Ahlusunna, Alshabaab daansi daansi kama ahayn sida muuqata, waxayse
ka ahayd qalad sixid iyo toosin diimeed. Diineey xaalkaa ba’! Waase yaabee,
diinta faraysa in dadka la dhibo waa tee? Kuma sii jirto hadduuba geeriyooday;
in loo duceeyo waxaan ka ahayn ma mudna! Alshabaab dhaqan xumada waa
caadadooda, waxayna had iyo jeer ku hawllan yihiin, sidii ay u tirtiri
lahaayeen, wixii iyaga ka soo hara, ama aan ku mabda’ ahayn, in la kala diin
duwanaado meesha kuma jirto, haddaad rabto Soomaali dhaladaba ahaaw!
Inta dhacdo la warsho, ee ku saabsan sir wadaad ma yara. Run iyo
mala’awaal miday tahayba, waxay muujinayaan, sida loogu kadsoomay sheekadii
WADAADDU wadeen. Sidoo kale, waxay ka dhigan tahay sida loogu hungoobay
XARIGGII ALLE, ee la lahaa, wuxuu unug u yahay, dalwad Soomaali, oo dhisanta.
Oo kaalay, inta dunida dawlado ka dhisan, ma XARIG ALLE ayey wada haysan? Maxaa
keenay, in maamullo u dhisan yihiin, anaguna aan eber u taagan nahay wali,
anagoo waliba isku day samaynay? Maa runta la abbaaro, oo madax geed la dhaca
nalaga daayo? Haddii kale, maalin walba NIMAN aan jirin, ayaa na sal kicin
doona.
Haddii XARIGGII ALLE xirmi waayey, ee meeshii laga sugayey in lagu
diirsado, dhib kalaba abuurmay, aan ka xusi karo AHLUSUNNADA GOBOLLADA DHEXE,
oo maalintii ay qoriga qaateen, ee ay iclaansheen inay ALSHABAAB iyo QUWADDA
SHARTA ku JIHAADAYAAN, aan la hayan, wax yool ah oo la gaaray, ha noqoto dal
xoraysan ama deegaan nabadee, oo dabcan maamul iyo kala dambayni ka jirto.
Ayaan darrada baase ahayd, in JIHAADKII noqday JIDGOOYO cusub.
Illeen talo Tigree iyo tab Xabashi ayaa
tubteeda la qaadaye. AHLUSNNA ha iska caabinayso falalka gurracan ee ALSHABAABE
saw iyaguba ma ahan DHAL AMXAARO? Micnaha, saw ma ahan dhisme Amxaaro samaysay,
ee ay walibana fangarayso ciidan ahaan iyo cudud ahaanba? Mise iyaga AWLIYO iyo
MALAA’IG ayaa ka garab dagaallanta, oo Xabashi uma baahna? Isma dhihin!
Midda aan qofna dood ka qabin yaa ah; in qofkii ku dhiba, ee dhabbaqo
iyo shidaad kaa dayn waaya, aysanna jirin qof kaa celisa, ay xaq tahay in aad u
doonatid wax kaa hor istaaga, SHAYDAANBA ha noqdee. Malaha waana midda
AHLUSUNNO xoogga saartay, hadday taa ku guulaysatay, maxaa xigay?.
Dib u milicso maalintii ay hana qaadeen ilaa iminka, lama haayo
tallaabo horumareed oo ay qaadeen ee leh; xag ammaan, xag maamul, xag dib u
hesheesiin, xag dib u dhis, xag dib u dejin IQB. Laga yaabee aqriste, inaad is
leedahay; haddi waxaad nimankan weydiinaysaa waa hawshii looga fadhiyey
dawladda dhexe? Waxaanse kuugu warcelinayaa inaan waxqabad walba looga fadhin
dawladda dhexe. Maxaa yeelay, qofkii xil qaaday ee deegaan matala waa inuu ka
soo dhalaalaa. Haddii kale, magac uun muxuu qaban?.
Siddeed sano oo hurmar la’aan ah. Siddeed sano oo nabad la’aan ah.
Siddeed sano oo colaad ah. Siddeed sano oo khilaaf ah. Siddeed sano oo magacaaw
iyo casilaad ah. Siddeed sano oo shirar ah. Siddeed sano oo ay Aadis iyo
Muqdisha u dhexeeyeen. Guusha ay gaareen waa uun inay ka mid noqdeen LIXDII
SAXAL ee isku meeray ka arriminta aayaha Soomaaliya, ee ku midaysnaa Roadmapkii
2012dii.
Siddeed sano oo qasaaro iyo macna la’aan ah ayaa na dhaaftay,
haddana, bal aan su’aal dhigee, TALA XUMADA AHLUSUNNA MA TOL LA’AAN AYAA U
WEHLISA? Dabcan, doodda ugu weyn ee ay soo jeedin doonaan, waa inaysan xoogba u
helin, si ay u dhisaan maamul, oo ay ku mashquul sanaayeen safka hore iyo sirta
dirirta.
Horta wali ma is weydiisay, waxa GOBOLLADA DHEXE ku gaar yeelay
AHLUSUNNA? Maxaa looga waayey gobollada kale, ee dalka? Maxaysan uga abuurmin,
gobollada ay dhibka ugu weyn Shabaab u gaysteen? AHLUSUNNA Maxay u dhaafi
la’dahay GOBOLLADA DHEXE kaliya, oo u gaari waysay gobollada kale? Weydiimahan,
si fiican ugu fiirso, waxaa ku jirta, sirta ugu adag, oo ay ugu egyihiin GOBOLLADA
DHEXE!
Sida loo kala guuray, ee kala geeddi loo noqday, ayaa loo kala degay,
degid deegaan iyo mid dareenba. Haddana meelaha aan wali degin waxaa ugu
horreeyaa deegaannada ay ka arrimyaan AHLUSUNNA ee GOBOLLADA DHEXE. Waa inaan
is weydiinnaa; waxa keenay arrintan? Waa inaan u helnaa jawaab. Illeen intaa
waqtigu waa socdaaye. Maalin walba oo na dhaaftaa dib u soo noqon mayso,
haddaan lagu gudan waxqabadkeedee.
Haddaba, beesha Dusmo reeb iyo Guri Ceel, laba mid ayaa looga
fadhiyaa, in ay kala doortaan, oo kala ah:
In ay URUR noqdaan, qof
walba geli karo, oo dadka dhan u furan.
In ay BEEL noqdaan, ah
DHALYO iyo DHEECAAN wadaag ah.
La ye; “Bisayl iyo ciiriin, wixii ka dhexeeyaa, waa yacyacood!: marka
labadaa wixii ka baxsan, waa jiritaan la’aan iyo jujuub ku noolaasho, oo
sooyaalku mar kale ku soo celinayo, oo Abwaan Carroole Maxamad Kali, waa kii ku
calaalay, markuu arkay in mooryaantii iyo diiratadii loo yaqaannay
“ULALLEYDA”EE qabqable iyo hoggaamiye kooxeed Cali Yuusuf Keenadiid, oo Talyaaniga
qabbaanka iyo qaadunka u ahaa, ay dhib badan iyo dhac ka gaysteen deegaannada
Gobollada Dhexe ayaa Abwaan Carroole sidan ku cataabay:
“Toloow geeri waa loo dhashaa, inan go’aa ii eg
Garkoon xiiro, guudkoon tidciyo, gabarnimaa ii eg
Geel iguma fiicnee inaan, Garo dhaqdaa ii eg
Gaashaanka iyo labada waran, inan gubaa ii eg
Guska iyo xaniinyaha, inaaban gooyaa ii eg
Goobtii rag joogaba inaan, garab maraa ii eg
Gosha webiga, geedaba ku yaal, inaan galaa ii eg!”
Alla maanta maxaa badan, inta gabar iyo wiil erayo caynkaa ah ama u
dhigma leh, ee afka ka dhawraya ama dareen celis ku ah. Abwaan Carroole Kali,
waa kii marna lahaa
“Raqda kii i dhigay iyo kii la yiri; reerka orod caymi
Iyo dhagarqabaha haatan soo rucleyn, IIMA KALA ROONA!”
AHLUSUNNA waxaysan iigu dhaamin ALSHABAAB, oo ay ka siman yihiin,
waxaa ka mid ah:
-GAALAYSIINTA, qofkii aan ku aragti ahayn. AHLUSUNNA qofkii aan iyaga
ahayn, xitaa haddii uu ASHCARI, AXMEDDIYO ama SAALIXIYO yahay, waa WAHAABI,
KHWAARIJ, BIDCI, MOORYAAN, IWM, halka ALSHABAAB dhahaan; MUSHRIK, MURTAD,
MUNAAFAQ, CALAMAANI, WIM.
– AWOOD MAROOQSIGA; qodobkan waxay kala siman yihiin musiibadii
meliteriga. Waxay ka siman yihin in ay isa soocaan, aysanna oggolayn wadaag iyo
wanaag, inaad ka mid noqoto mooyane, eed beyco la gasho ama lagu khaliiifee,
xitaa hadii aad ka mid tahay, balse, aad dhaliisho lama shaqayn kartid, waa
lagu tuurayaa, xertana lagaa saaraa: “Qofkii nagu fakir ah, ee aan noo soo
hijroon, waa gaal murtad ah!” ayaa halhays u ah.
– XOOG KU MAQOONIN, aan gorgortan aqoon, sidii ka dhacaday Dusmo
reeb, ee ay duullaan ku qabsadeen, halka SHABABNA saxiibbadood Xisbul Islaan
wada qaarijiyeen.
– TALAXUMADA; oo ay kala mid yihiin maamulladii na soo maray, kuwa
jooga iyo kuwa iman doona. Talo raac ma ahan ama talo keen. Ma lahan aragti
siyaasadeed, feker maamul iyo hannaan dawladnimo.
– SHISHEEYE KU DAABNAANTA, oo AHLUSUNNA waxay ku daaban tahay
AMXAARO, TIRGEE iyo XABASI, halka ALSHABAAB ku daaban yihiin ururro xagjir ah
iyo dawlado qas ka wada dalka.
–ISBOQRIDDA: oo ALSHABAAB waxay sheegteen AMIIR, halka AHLUSUNNA ka
sheegteen MADAXWEYNE, ayna sidaa ku tuureen KHALIIFNIMADII!
-FULINTA DANO BEELO GAAR AH iyo in dadka loo xoogsheegto, afduubna
lagu haysto deegaanno beeleed. Had iyo jeer, waxay 2duba ka faa’iidaystaan
isdiidka qabiillada iyo jilibyada wada dhashay, oo waxay abuuraan colaadaha
beelaha, iyagoo u kala xagliya, si ay u sii jiraan! Maxaa yeelay, jawi cakiran
kaliya, ayaa jiritaankoodu ku xiran, sida in beelaha qaar heshiisyo lala gaaro,
kuwo kalena la fogeeyo.
– MUSLIN GUMAADKA iyo QIXINTA MARRASTA. Ha isdhihin, SUNNO yey gumaadday!
Oo waa aragtidii EVOLUTION ee Darwin, oo waa la xuubdhacsanayaa, shaarkana waa
la badalayanayaa. SUNNO, hadday heli leheed awoodda SHABAAB oo kale, hubaal
inay gaysan leheed gumaadkooda oo kale.
Waxay ka siman yihiin habka ay wax u gumaadaan iyo agabka ay wax ku
gumaadaan, haddii ay ahaan lahayd dilka iyo qarxinta, masaafurinta iyo
raacdaynta intaan ku fakir ahayn. Dad badan ayaa rumaysan, in qarixii 2009kii
ka dhacay Caasimadda Dusmo reeb, oo ay hadda xoogga ku haystaan SUNNO, ee lagu
duugay maamulkii loo dhisi lahaa, ayna ku geeriyoodeen Xilshibaanno uu ka mid
ahaa Seeraar, uuna dhaawac culus ka soo gaaray Danjire Axmad Cabsidalaan inay
ku lug lahaayeen ALSUNNO, haba jireen gacmo shishe, oo adeegsatay, oo ajnabi
iyo Soomaali lehe ama filin SHABAABE!
– AQOON DARRIDA DUNIDA; 2duba waa macallimiin dugsi, oo ugu badni ah
arday cilmiga sharciga ah soo bawsaday, oon heer ka gaarin, oo iska fogeeya
dadka cilmiga maaddiga ku caawin lahaa.
– SHEEEKHNIMO SHEEGASHADA: doqon kasta, oo ka mid ah 2daa koox, waxaa
loogu yaree Sheekh, xitaa haddii uusan 3 Juz Quraanka ka aqoon!
– XAGJIRMADA FAKIRKA: iyo mayal adaygga indha la’aanta ah, waxayna
moodaan in JAGO ama XUKUN uusan mudnayn qofaan jamacadooda ama fakirkooda
haysan!
– DA’YARTA oo ay isticmalan hurinta dabka iyo dirirrada. Inta badan
waxay ku awrkacsadaan juhulada, sidaa darteed, way adagtahay in xitaa lala
hadlo, oo xaldhaxaad ah lala gaaro.
– HORMARKA NACAYBKA: 2duba waxay necebyihiin isbadalka iyo hormarka
nolosha qaybaheeda kala duwan.
Siddeed sano ka dib, DEEGAANKA GOBOLLADA DHEXE yaa taladiisa gacanta
ku haya? Haddii qorshe daba dheeraado, wuxuu keenaa daldaloollo badan, sidaa
awgeed, kan AHLUSUNNA isagaaba markii hore iska daldaloolaye, maxaa yeelay,
haddaad AL uga gabbanayso AL kale inaadan meel dheer gaarayn way muuqataa.
Waxaan uga jeedaa, caqli ahaan WADAAD waa WADAAD, ee waxay ahayd in WADAADDADA
SUBAGLAYDA ah, aan loo dayn kaaligood maamulka deegaanka. Ma ahan inaysan wax
ku lahayn ama loo diidayo, ee waa iyaguba inaysan ka aragti gaddisnayn kuwa ay
iska caabbinayeen dhanka maamulka iyo awood qaybsiga.
Waxaan uga jeedaa, maamulku waa inuusan salka ku hayn wadaad iyo
warkii. Illeen wadaadku inuu Aadane yahay ka sokow, waxaaba nooga filan inta
aan indhaheenna ku aragnaye, oo dib dambe aannaan ugu dagmin. Waa haddii la
doonayo nolol iyo naruuro. Haddiise ay tahay inta ka sacabba jafatid seerada ha
loo daayo waa gaar, waana midda aan ka baqayo inay iminka hirgali rabto, haddii
aysan hirgalinba.
W/Q Bashiir M. Xersi

Comments
Post a Comment