18,May 1991 yaan lagu badalin 26,Jun 1960ki Maalinti Xornimada Qaran.




                                




Arar:-

Umadaha adduunku waxa ey leeyihiin maalmo la qadariyo oo uga tilmaaman maalmaha kale, sida waqtiyada Xoriyada iyo waqtiyada kale ee Taariikha soo jireenka ah una u leh xusuus iyo taariikh u gooni ah oo ay weyneeyaan isla markaan ay u sameeyaan dabaal degyo iyo xaflado looga sheekaynayo qiimaha iyo qadarinta ay u leedahay ummadaasi.

Qiimaha Xuriyada 

Inkastoo Gumeystuhu Soomalida kala qeybiyay hadna Soomalidi hore ee la dirireysay Gumeystaha marna ma aysan aamin in soomaliya la kala jari karo ama la kala celin karo, dadka soomliyed halgan dheerna waxa ay u galeen sidii ay xurnima dhameystiran u hanan la haayeen.

Soomaliya waxa ay kala simantahay Dowladaha caalanka lahaansha maamlo qaali ah oo la maamuuso sida 26ki Bishii June 1960-ka oo ay xornimo Gobalda Waqooyi ee Soomaliya ka qaateen Gumeystihii ingiriiska.

Habeenkii 26-june soo galayay Beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa oo aheyd  Magaaala madaxdii Gobalada Waqooyi, waxa ka dhacay ma ahan wax laga sheekeyn karo balse waxaa xasuus gooniya mudnaa Gabyaa C/laahi Suldaan Tima cadde (AUN) inu Gabaygii ugu qiirada badnaa ka tiriyay halkaasi waxaana ereyadii ugu xusuusta badnaa ka mid aha “Sarreeyow ma-nusqaamow an siduu yahay eegno e Kaana siib Kanna saar”.

Mudo 4 Maalmood kadib 1 Luuliyo 1960 waxaa sidii balantu aheyd lagu dhawaaqay xornimadii Gobalada Koonfureed.

Habeenimadii ay soo galaysay 1 Luliyo ayaa Soomaali oo dhan waxay isugu soo uruurtay halkii xaruntii Dowaldii xiligaasi jirtay aheyd oo  la oranjiray FISHA GOVERNO oo ku taal Degmada Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho ka soo horjeedka Masaasidka Arbaca Rukun.



Abaarihii Saqdii  dhexe 12:00 Habeenimo iyo haldaqiiqo waqtigii ay saacadu kala wareegaysay ayaa calanka Buluuga ah ee qiimaha badan laga taagay FIISHA GOVERNA dusheeda, halkaa waxaa isugu soo uruuray malaayiin dad ah oo u dabaal dagayay xoriyadii loo soo halgamayay mudada dheer, waxaa la siibay calankii gumeysiga Talyaaniga waxaana la saaray calankii Soomaaliya, mar kale ayuu halgaamaga weyn ee xurnima u dirirka ahaa C/laahi Suldaan Tima cade halkaasi ka tiriyay Gabaygiisii ahaa “Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e Kaana siib Kanna saar”.

Wixii ka dambeyay hanashada Xoriyada iyo yagleelidii Dal madax banana oo loogu wanqalay Soomaliya, Dunida inteeda kale waxa ay Soomalida u ar kayeen Dad isku Dal ah isku Af ah iyo Diin iyo waliba dhaqan ah hal qoomiyad oo wada dhalatayna ah, ilaa iyo hada sidaas ayaa loo arkaa.

Soomalidu xuriyadi ka dib waxa ay ahaayeen dad isku kalsoon aadna isku jecel guula badna gaaray dhan kastana hurumar ka sameyay.

Wey jirtaa dhibaato badan oo ay Dowladii Militatiga aheyd kula kacday Gobalada badan oo soomliya kamid ah sida Gobalka Galgaduud iyo Gobalad Waqooji ee Soomaliya taasi oo ugu dambeyntii keentay in gabi ahaan la rido oo xukunka laga tuuro kaligi Taliskii Mohamed Siyaad Barre.

Ujeedo:-

Burburki ka dib Soomaliya waxa ay gashay dagaalo qaraar oo aad u adag oo galaaftay nololosha dad iyo duunyaba ugu dambeyna laga dhexlay kala go’go iyo kala qeybsanaan.

Soomalida degta Gobalada waqooji waxa ay ku amaananyihiin aadna loogu xasuusta sidi Koofurta oo kale iskuma dilin oo isma baabi’in, waxa ayna sameysteen Maamul ay ku kala nabad galeen ilaa xadna wey ku guuleysteen.

In kasto oo ay jirtay gabood fal ay ka tabanayaaan Dowladii hore ee Milatariga aheyd hadana Maamulki Soomalilanda ee 18 May 1991 la aasaasay waxa uu marin habaabiyey majarihii hanaanka Dowladnimada Soomali-weyn, iyo waliba jiilki soo korayay ee dhashay Burburki kadib, Owrkii ayey dhan kale u rareen, oo dadal dartii Abuurki ayey dubeen, waxa ayna u tafa xeyteen in ay wiiqaan amaba meesha ay ka saran Haykalkii Soomalinimada iyo hankie Soomaliweyn.

Maamulku halkii la rabay in uu u is taago badbaadinta Soomalida inteeda kale iyo xifdinka qiimaha iyo Dowladnimadii dhibka badan laga soo maray iyo ilaalinta Qaranimadii Soomaliyed ee Cadawgu ku hareereysnaa, ayey taa badalkeed waxa ay moora duugeen qiimihi iyo qarannimadii maamilihii Taarikhiga ahaana waxa ay ku doorsheen maamlo kale oo ah kalaqeybin iyo kala goyn ku asteysan.

26 Jun 1960ki oo ay ka xoroobeen gumeystihii isir iyo aba u necbaa ayey waxa ay ku dooriyeen 18 May 1991, oo ay soomaliya inteeda kale shegeen in ay ka go’ayaan.

Taariikh duuga qaranka lagu haayo iyo marin habaabinta jiilka yaryar anigu waxa aan u arkaa in ay ka dambeeyaan Siyaasiyiin u adeegaya Gumeysiga shisheeye iyo Itoobya.

Gabogabo:-

Dhamaan dhalinyarada Soomaliyeed meel walba oo ay ka soo jeedaan Waqooji iyo Koofurba waxa aan kula dardaarmayaa in aysan marna u hiilin danaha fog ee uu gumeystuhu ka leeyahay Soomaliya, sidoo kalana waxan ka codsanayaa in aysan marnaba aqbalin kala qeybinta Ummada Soomaliyeed.
Ogaada Soomaaliya oo mid ah hal calanna leh ayaad qiima iyo qaayo iyo waliba sharaf ku leedihiin.

            Mahadsanidiin

W/Q Bashir Ahmed Suuley

Comments