Arar:-
Umadaha adduunku waxa ey leeyihiin maalmo la qadariyo oo uga
tilmaaman maalmaha kale, sida waqtiyada Xoriyada iyo waqtiyada kale ee
Taariikha soo jireenka ah una u leh xusuus iyo taariikh u gooni ah oo ay weyneeyaan
isla markaan ay u sameeyaan dabaal degyo iyo xaflado looga sheekaynayo qiimaha
iyo qadarinta ay u leedahay ummadaasi.
Qiimaha Xuriyada
Inkastoo Gumeystuhu Soomalida kala qeybiyay hadna Soomalidi hore ee
la dirireysay Gumeystaha marna ma aysan aamin in soomaliya la kala jari karo
ama la kala celin karo, dadka soomliyed halgan dheerna waxa ay u galeen sidii
ay xurnima dhameystiran u hanan la haayeen.
Soomaliya waxa ay kala simantahay Dowladaha
caalanka lahaansha maamlo qaali ah oo la maamuuso sida 26ki Bishii June 1960-ka
oo ay xornimo Gobalda Waqooyi ee Soomaliya ka qaateen Gumeystihii ingiriiska.
Habeenkii 26-june soo galayay Beerta
Xoriyada ee Magaalada Hargeysa oo aheyd
Magaaala madaxdii Gobalada Waqooyi, waxa ka dhacay ma ahan wax laga
sheekeyn karo balse waxaa xasuus gooniya mudnaa Gabyaa C/laahi Suldaan Tima
cadde (AUN) inu Gabaygii ugu qiirada badnaa ka tiriyay halkaasi waxaana
ereyadii ugu xusuusta badnaa ka mid aha “Sarreeyow ma-nusqaamow an siduu yahay
eegno e Kaana siib Kanna saar”.
Mudo 4 Maalmood kadib 1 Luuliyo 1960 waxaa
sidii balantu aheyd lagu dhawaaqay xornimadii Gobalada Koonfureed.
Habeenimadii ay soo galaysay 1 Luliyo ayaa
Soomaali oo dhan waxay isugu soo uruurtay halkii xaruntii Dowaldii xiligaasi
jirtay aheyd oo la oranjiray FISHA
GOVERNO oo ku taal Degmada Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho ka soo horjeedka
Masaasidka Arbaca Rukun.
Abaarihii Saqdii dhexe 12:00 Habeenimo iyo haldaqiiqo waqtigii
ay saacadu kala wareegaysay ayaa calanka Buluuga ah ee qiimaha badan laga
taagay FIISHA GOVERNA dusheeda, halkaa waxaa isugu soo uruuray malaayiin dad ah
oo u dabaal dagayay xoriyadii loo soo halgamayay mudada dheer, waxaa la siibay
calankii gumeysiga Talyaaniga waxaana la saaray calankii Soomaaliya, mar kale
ayuu halgaamaga weyn ee xurnima u dirirka ahaa C/laahi Suldaan Tima cade
halkaasi ka tiriyay Gabaygiisii ahaa “Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay
eegno e Kaana siib Kanna saar”.
Wixii ka dambeyay hanashada Xoriyada iyo yagleelidii
Dal madax banana oo loogu wanqalay Soomaliya, Dunida inteeda kale waxa ay
Soomalida u ar kayeen Dad isku Dal ah isku Af ah iyo Diin iyo waliba dhaqan ah
hal qoomiyad oo wada dhalatayna ah, ilaa iyo hada sidaas ayaa loo arkaa.
Soomalidu xuriyadi ka dib waxa ay ahaayeen
dad isku kalsoon aadna isku jecel guula badna gaaray dhan kastana hurumar ka
sameyay.
Wey jirtaa dhibaato badan oo ay Dowladii
Militatiga aheyd kula kacday Gobalada badan oo soomliya kamid ah sida Gobalka
Galgaduud iyo Gobalad Waqooji ee Soomaliya taasi oo ugu dambeyntii keentay in gabi
ahaan la rido oo xukunka laga tuuro kaligi Taliskii Mohamed Siyaad Barre.
Ujeedo:-
Burburki ka dib Soomaliya waxa ay gashay
dagaalo qaraar oo aad u adag oo galaaftay nololosha dad iyo duunyaba ugu
dambeyna laga dhexlay kala go’go iyo kala qeybsanaan.
Soomalida degta Gobalada waqooji waxa ay
ku amaananyihiin aadna loogu xasuusta sidi Koofurta oo kale iskuma dilin oo
isma baabi’in, waxa ayna sameysteen Maamul ay ku kala nabad galeen ilaa xadna
wey ku guuleysteen.
In kasto oo ay jirtay gabood fal ay ka
tabanayaaan Dowladii hore ee Milatariga aheyd hadana Maamulki Soomalilanda ee
18 May 1991 la aasaasay waxa uu marin habaabiyey majarihii hanaanka
Dowladnimada Soomali-weyn, iyo waliba jiilki soo korayay ee dhashay Burburki
kadib, Owrkii ayey dhan kale u rareen, oo dadal dartii Abuurki ayey dubeen,
waxa ayna u tafa xeyteen in ay wiiqaan amaba meesha ay ka saran Haykalkii
Soomalinimada iyo hankie Soomaliweyn.
Maamulku halkii la rabay in uu u is taago
badbaadinta Soomalida inteeda kale iyo xifdinka qiimaha iyo Dowladnimadii
dhibka badan laga soo maray iyo ilaalinta Qaranimadii Soomaliyed ee Cadawgu ku
hareereysnaa, ayey taa badalkeed waxa ay moora duugeen qiimihi iyo qarannimadii
maamilihii Taarikhiga ahaana waxa ay ku doorsheen maamlo kale oo ah kalaqeybin
iyo kala goyn ku asteysan.
26 Jun 1960ki oo ay ka xoroobeen
gumeystihii isir iyo aba u necbaa ayey waxa ay ku dooriyeen 18 May 1991, oo ay
soomaliya inteeda kale shegeen in ay ka go’ayaan.
Taariikh duuga qaranka lagu haayo iyo
marin habaabinta jiilka yaryar anigu waxa aan u arkaa in ay ka dambeeyaan
Siyaasiyiin u adeegaya Gumeysiga shisheeye iyo Itoobya.
Gabogabo:-
Dhamaan dhalinyarada Soomaliyeed meel
walba oo ay ka soo jeedaan Waqooji iyo Koofurba waxa aan kula dardaarmayaa in
aysan marna u hiilin danaha fog ee uu gumeystuhu ka leeyahay Soomaliya, sidoo
kalana waxan ka codsanayaa in aysan marnaba aqbalin kala qeybinta Ummada
Soomaliyeed.
Ogaada Soomaaliya oo mid ah hal calanna
leh ayaad qiima iyo qaayo iyo waliba sharaf ku leedihiin.
Mahadsanidiin
W/Q Bashir Ahmed Suuley


Comments
Post a Comment