Waa yaabe Ma Heshiis Qaranbaa mise Boob Qaran?!!





                            


Ma xuma in ay heshiiyaan labada dhinac ee Dowladda Somalia iyo Maamulka Puntland, la iskuna soo dhawaado si masiirka ummada xal looga gaaro, lkn waxa aan ayaan daro u arkaa sida loo heshiiyay iyo waxi lagu heshiyay shalay.

Maamulka Puntland dhor iyo tobanki sano ee la soo dhaafay waxa uu caqab ku ahaa Dowlada Soomaliya iyo Madaxdeeda, Madaxdiisuna waxa ay u dhaqmayeen sidi Dolwad daris la ah Soomaliya oo kale, in badan ayaa lo samray oo wax aaney xaq u la heyn looga tanaasulay si loo xeeriyo midnimada iyo masxalada Soomalida.

Is weydiido muhiim ah:-

  •      Waa su’aale Puntlan miyey ka duwantahay Maamul Gobaledyada kale e Dalka ka jira?

  •          Qodobada shalay loo sixiixay oo dhan ma wada cusub oo ay wada marayaan dhamaan Maamulada ka jira Dalka mise waa wax ku kooban Puntland oo kaliya?


  •                Hadaba heshiishkan shalay la gaaray hadii uu dhab noqodo soo ma keeni karto in Maamulada kale ay Dowlada ka hor yimaadaan si iyaguna loogu sad buriyo?.

  •           Soo Dowlada Faderalka Somali xaq iyo wajib lagu leyahay mahan in ay u cadaalad sameyso Maamulaa Dalka ka jira oo dhan?.


  •          Hadii Maamul walba ay u saxiixdo Dowladu waxa uu isago rabo iyo danihiisa shaqsiyadeed soo dhac iyo boob qaran mahan?

  •         Ma kulatahay in Dowladnimada iyo qarannimada lagu ilaalin karo in la fuliyo dano shaqsiyadeed oo gaar ah?

Intaas iyo in kabadan oo su’aalaha maka aad is weydiiso waxa kuu soo baxaya in dhamaan Masuuliyiinta maanta Soomalida matala aysan ka fakareyn masiirka umada iyo hanaanka Dowladnimo ee Dalka balse kaliya ey eeganayan dano shaqsiyadeed iyo kursiga in ay dib ugu soolaabtan.

Waxaa sidoo kale isweydiin mudax maxay Dowlada Itoobiya u cadaadineysaa Maamulka Puntland si hesheesh loo gaaro?.
Xaqiiqda ayaa ah in in heshiishka shalay lagaray aysan wax dan ah soomalida oo dhan ugu jrin balse uu ahaa dano Dowlada shiyeeye.

Muhiimada Heshiishka ayaa ah in la sii kala fogeeyo Soomalida oo dhan la iskana horkeeno Maamulada Gobala iyo Dowlada Fadaraalka.

Heshiiska ayaa u badnaa xaqiraad lagu sameynayay Dowladanimada Soomaliya laguna buunbuniyay Maamul Gobaleedka Puntland, taasi oo uga dhigan Dowladaha Cadawga ku ah Soomliya in aysan Soomalidu kala sareyn iyo kala dambeyn toona laheyn.

Cadawga Itoobiya ayaa ku guuleystay in ay simaan oo ay loolan galiyaan Gudoomiye Gobal iyo Madaxweyne  wadan, taasi guul u ah iyaga jabna ku ah midnimada iyo qaranimada Soomaliya.

Hadaba Muwaadin Su’aasha is weyndiinta mudan ayaa ah shalay wixi Garoowe ka dahcay ma Heshiish Qaran ayuu ahaa mise Boob Qaran?!!

W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments