Aarar
“Anoo rabin dhaawacaada inaan dhinto ha u hiloobin”
Inkastoo Dadka Soomalidu
ay wada dhasheen iskuna Dhaqan iyo Diina yihiin Af qurana ay wadaagaan hadana waxa
inta badan laga dareemaa is naceyb iyo caadifad iyo xumaan qabyaaladeed
xiliyada colaadaha ama ay wax ka dahcaan Gudaha Soomaliya taasi oo saameyn weyn
ku yeelata isku xirnaantooda siina la fogaysa Bulshada-weynta Soomaliyeed.
Waa muhiim in dhulka
iyo Dadka Soomalida ahiba ay iskugu kaa mid noqdaan oo aadan ka jeclaan una
kala eexan mar hadiiba aad taahy Muwaadin Soomaliyeed.
Gunta Qormada.
Kadib Duulaanki
gardaha ahaa oo ay Maleyshiyaadka Nabad diidku ku qaadeen Deegaano ka tirsan Gobalka
Nugaal ayaa waxaa baraha Bulshada ay kuwada xiriirto ku soo kordhay qoraalo ka
fog Wadaniyada iyo Soomalinimada oo ay isla dhex marayeen dad aan dhabti anigu
u arkay in gumeysi maskaxeed ay ugu jira cudurka dilaaga ah ee Qabyaalada.
Sax uma arko iyo wax
lagu farxi karo duulaanka garada ah ay Maleysiyaadka UGUS ku qaaday Gobalka
Nugaal, qofka Soomaliga ah ee dhulka Soomalida melna xasilooni la rabo meel
dabka ka huraya ku farxayana anigu koley shaki weyn ayaan ka qabaa Muwaadinnimadiisa
iyo Soomalinimadisa.
Maleyshiyaadkan nabad
diidka ah soomalida oo dhan ayaa cadaw uwada ah, Koofur iyo Barina kalama
jeclana, qof kasta oo aan tooda aqbalina dil ayuu ugu xukumanyahay, waxa ayna
fursad u arkaan kala qeybsanaanta iyo Qabyaalada ku kala dhex jirta Bulshada
Soomaliyeed.
Waa ayaan daro weyn in
ay kuu sinaadan ama aad kala garan weyso qiima iyo farqiga u kala dhaxeya
Askariga Soomaliga ah ee qarinimada difaacaya Gobalkasta haka soo jeedee iyo
cadawga diidan jirintaan Soomalinimada.
Ma jiro farqi gooni ah
ee u dhexeeya kuwa ku faraxsan Dagaalka ka socda Gobalka Nugaal iyo kuwa
weeraray sida aan anigu qabo.
Dhankale waxaan qalad
iyo gaf wey u arkaa in Degma Soomaliyeed meel walba oo ay kaga taal Soomaliya
lala jeclaado colaad ama xasilooni daro, kuwa isku jajawaabaya oo Deeganada
Soomaliyeed kala fadilayana waxaan jeclaan lahaa in ay ka waantoobaan qiimada
darada ay Qabyaaladu leedahay.
Gabagabo
Ugu dambeyn waxaan
Guul iyo Gobanimo u rajeynayaa Ciidamada Maamulka Puntlan ee jilibka u aastay
guntana dhiisha isaga dhigay si ay u hor istaagaan Cadawga umada Soomaaliyeed
ee UGUS, Madaxdooda iyo iyagaba waxaan leeyahay Guuleysta oo Gobanimo hantiya.
F.G
Soomaliyeey waan wada
dhalanay oo marna kala dhamaanmeyno sina kuma kala maarmi meynee yaanan is u
xumeyn oo aanaan is xag xagan, kuna baraaruga oraahdan caanka ah oo idin leh “Isma
hurtooy ha is haleyn”
W/Q Bashir Ahmed Suley


Comments
Post a Comment