Waxa laga yaaba in aad cinwaanka layaabto ama aad ka naxdo walibana
aad is tiaraado muxuu Bashir kala jeedaan anigu waan fiyoobahay, waxba yeysan
fajac kula noqon oo ha layaabin oraahda waa dhab anigu ma xanuunsani oo waan
fiyoobahay.
Waxaa jira xanuun aad u daran soona daashaday Bulshada iyo bahda aan
ka dhashay ee Soomali-weyn, waa xanuun dilaa ah oo in kabdan Malaayiin Soomali
ah noloshoodi galaaftay Malaayiin kale ay wali la il daranyihiin lana daala
dahcayaan, waa xanuun aan daawa la heyn si fududna la isku qaad siin karo halistiisuna
ay darantahay, waa xuuna burburiyay Qaranimadii Soomaliyeed iyo gabi ahaan
qiimihii dadnimo ee aan aduunka ku laheyn, waa xanuunka naga takooray
bulshooyin caalamkan ku dhaqan, waa xanuuka diifta iyo Tahriibka iyo qaxa iyo
dalanbaabiga iyo waliba beylahda ka dhigay Dhalaankeenkii iyo gabi ahaan
ciroolaheeniiba, waa xanuun aan la dhayalsankrin mana jiro wali dhaqaatiir ku
guuleysatay dawadiisa, si halis badan ayuu ku faafaa dawo iyo dabar gooyna
maleh ka hortag mooyee.
Soomalida maanta jirtaa 99% xanuunkan ayey la il-daranyihiin waa wada
bukaan aad uwada taag daran, dhiiga iyo la faha ayuu ka jaqay talaabo fiyow oo
caafimaad qabta horay uma qaadi akraan, waxaa daashaday walwal iyo is faquuq
xanuunkani uu ku reebay.
Hadaba waa su’aale mataqaanaan xanuunkan halista ah oo dhibka intaa
la eg nagu haya?, haka fakarin hana ka walwalin xanuun kalana ha moodin ee
cudurka Dilaaga ah (QABYAALADA).
Soomalidu Qabyaalad ayaa dilootay iyada ayey caabudaan kana
jecelyihiin kitaabkii Samaawiga ahaa ee Allah u soo dajiyay, dhabti kuma xukun
tamaan iskuna dhaqaan, waxa ay ku xeer jajabsadaan Qabyaaladeysi, iyada ayey isku
dilaan iskuna soo dahweysan dan walbana ku cabiraan aragtidoodana ah.
Dhabti mar labaad ayaan rabaa in aan Bulshada xanuunsan ee aan ka
dhashay aan u sheego lana wadaago in xanuunkan laga dawoobi karo hadii si
niyada loo go’aasado, anigu maxanuunsanani marka aan idin leyahay waxa aan ula
jeeda ogoow waligeey qof Qabyaalad kuma garabsiin qofna Qabyaalad kuma soo
dhaweysan mana jiro qof aan Qabyaalad darted ku fogeeyay ama aan ugu coloobay,
agteyda Soomalidu waa ka hal mid, waxa ay iiga wada dhiganyihiin shan wiil oo
walaalaha iskuna Aaabe iyo Hooya ah, Diin iyo dhaqan iyo dheef wadaag ah, islana
wada dhashay oo hal Cadawna leh.
Cadawga ayaa ku guuleysay in u kala qeybiyo kalana fogeeyo is kuna
diro Cudurkan dilaaga ahna ku dhex faayiyay.
Ugu dambeytii Anigu waan fiyoobahay oo maxa xanuunsani ee imasa
walaal oo fiyoow ayaan heli karaa si inta xanuunsan aan u daaweyno haraaga
Bulshadeenana aan u samatabixino.
Fadlan farta tag hadii aad fiyowday cod dherna ku dheh “Anigu waan ka
fiyoobahay Cudurkaan dilaaga ah”.
W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments
Post a Comment