Marki aan daraaseyay wax badana u kuur galay danaha Kooxda ku doodayaya
in Baarlamanka Soomaliya lagu soo xulo qaab Deegaan, waxa aan xaqiisaday in ay dano
gaar ah leeyihiin oo aysan maslaxada umada ka fakarin.
Xaqiiqdii haddii uu Hogaamiye kasta u fekero anigu maxaan helayaa,
ama reerkeygu maxay helayaa waa mid aan isku dan la ahaan Karin oo aan marna la
isku soo dhawaan Karin.
Kooxda ku doodeysa in kuraasta Baarlamanka lagu qeybiyo Deegaan lagana
gudbo 4.5, xaqiiqdii doododu waa ay qurxantahy marka loo eego dulmiga iyo
xaqiraada 0.5ka, balse u jeedkooda iyo fakarkooda ayaa ah Deegaameysi
Qabyaaladeysan iyo in qabiil si degaan ah wax loogu qeybsado iyo in ay
qabiiladoodu ku bataan kuraasta Baarlamaanka.
Haddii aad u fiirsato Madaxda dooneysa Degaan in lagu soo xulo waa
kuwo u haysta in degaan ahaan ay qabiilladooda ugu badanayaan kuraasta ay hadda
Baarlamaanka ay ku leeyihiin oo ay u arkaan in ay ku dulman yihiin.
Marka la dhaho degmo halgu soo xulu Baarlamaanka waliba iyadoo laga
amba qaadayo Degmooyinka 91ka degma ahaa oo ay ka tagtay Xukuumadii Siyaad Bare
waxaa meesha ka baxaya xuquuqda ay leeyihiin dadka loo yaqaano 0.5ka, sababtoo
ah ma jirto Dowlad Goboleed ay Madax ka yihiin ama xataa ay ku Xigeen ka yihiin,
Iskaba daa Dowlad Goboleed ma jirto xaqiiqdii Gobol ka tirsan Dowlada oo ay
Madax ka yihiin.
Hadaba waa Su’aale is weydiin mudane Dadkaan 0.5 aad Soomaliyeey u
bixiseen Gobalkee ayay ka soo galayaan Degmadee ayey ka imaanayaa hadii
Deegankii qabiileysanyahay oo beeli awood sheganaya ay wada heystaan?
Soo ma muuqata in hadii 4.5 loga gudbo Degmooyin qabyaaladeysan oo an
waliba la tirokoobin, in uun 4.5 isu beddeli doono 4 kaliya oo ay waliba dhici
doonto in dadkii awalba dulmanaa ay gabi ahaan waayaan Nuski ay heysteen.
Dulmigii hore iyo gabood faladii beelahan horay loogu geystay oo
nuska looga dhigay hadi mar labaan looga sii gudbo dulmi kale oo ah in iyaga
dhanba la xaqiro maxaad isledahay Soomaliya wey u dambeyn karaan mustaqbalka
dhaw iyo kan fogba?.
Makula tahay in hadalka qurxan ee ka soo yeeraya siyaasiyiinta u
ololeynaya in Deegaan loo gudbo ay dhab katahay oo ay dulmi diid yihiin?. Ma ka
fakartay muwaadinka soomaliga ah ee xaqiiqa la doonayo in gabi ahaan la
duudsiiyo?.
Maqiyaasi kartaa dhibaatada ka dhalan karta in gebi ahaan laxaqiro
xaquuqda Beelo awalba dulmanaa oo xubnaha beelaha kale ay qaataan nuskood xataa
aan heli jirin?.
Koley anigu ayaan daro weyn ayey ila tahay in maanta xiligan la joogo
soomaliya ay madax ka yihiin dad aan cadaalada sal iyo raad toona ku laheyn,
maslaxad umadeedna aan dan iyo heela toona ka laheyn, oo dan shaqsiyadeed oo
kaliya eeganaya.
Ugu dambeyntii Muwaadidiinta Soomaliyeed waxa aan ugu baaqayaa in ay
sicad uga horyimaadaan in Dulmigii horay u jiray Dulmi kale oo ka weyn lagu
dooriyo.
W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments
Post a Comment