Maanta Taariikhdu waa 3December 20015 maalin Khamiis ah waxa ay i soo
xasuusiyay maalin kale oo Khamiis ah isla 3December Sanadkii 2009 oo ahayd
maalin naxdin iyo murugo badan, maalin aan xasuusteyda iyo tan shacabka
Soomaaliyeedba ka go’in maalin hooyooyin badan ay gablameen caruur badanina ay
agoontoomeen dumar banina asaay qaadeen, waa maalin waxii dhacay lama filaan
ahaayeen, jawiga waxa uu ahaa mid farxadeed laakiin mar qura ayey goobtu isku badashay
meel dhiigu sida daadki oo kale u rogmanayo, waa maalintii la qarxiyay HOTEL
SHAAMOW .
Qaraxan murugada iyo mahadhada nagu reerbay ee ka dhcay Hotel Shaamow
oo ay fuliyeen kooxda manaxayaasha ah ee Al-shabaab ayaa waxaa ku nafwayaay dad
aad u badan oo ay ka mid ahaayeen Arday, Macalimiin, Saxafiyiin iyo Masuuliyiin
ka tirsanaa Dowlada Saaomaliya oo aad u qiima badnaa.
Xubnaha dawlada KMG aheyd ee qaraxaasi ku dhintey waxaa ka mid ahaa
1-
Qamar Aadan Cali oo aheyd wasiirkii Caafimaadka,
2-
Prof.Ibraahim Xasan Cadow wasiirkii Tacliinta sare
3-
Axmed C/laahi Waayeel wasiirkii waxbarashada
4-
Saleebaan Colaad Rooble, Wasiirki Dhalinyarada iyo
Sportiga.
Suxufiyiin ku geeriyooday qaraxa waxaa ka mid
ahaayeen:
1-
Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo u shaqeynayay idaacadda
Shabeelle
2-
Xasan Subeyn Xaaji Xasan oo isaguna ahaa sawirqaadihii
telefishinka Al-Carabiya, waxaana jireen
suxufiyiin kale oo ku dhaawacmay.
Sidoo kale magacyada dadka ka geeriyooday Jaamacadda
Banaadir oo ay soo bandhigtay labo ka mid ah ay waalidiin ahaayeen ayaa waxa ay
kala ahaayeen.
1- Prof. Maxamed Aadan Warsame (Shahiid) Gudoomiyihii
Hay’ada Benaadir ee Tacliinta Sare iyo Caafimaadka.
2- Xuseen Macalin Xasan
3- Max’ed C/qadir Max’ed
4- Axmed Xasan Xuseen
5- Muxyadin Aweys Axmed
6- Maxamed C/lahi Cali (Dayax)
7- Jamaal Luqmaan Ismaciil
8- Aadan Mukhtaar Xasan (Korneele)
9- Abubakar Xuseen Faarax (Qoorey)
10- Abubakar Ibraahim Xasan
Allaha u wada naxariistee isku geeynt tirade la xaqiiyay
ee ku geeriyootay Qaraxaas ayaa ah 16 ruux wallow ay jiraan dadka le oo shacaba iyo qaar kamid ah ardaydii oo dahwacyadi soo gaaray u geeriyooday oon tirada kore
ku jirin.
Maanta oo ay qaraxaasi ka soo wareegtay 6 sano oo
kaamil ah ayey weli kooxihii falkaasi
geystay Soomaliya qeyba kamid ah ka ariminayaan, mana jirto cid laxisaabtantay
ama awood u leh la xisaabtankooda, waxa ayna wali ku howlanyihiin intaas iyo in
kabadanba in ay laayaan.
Nasiib daro lix sano kadib Dolada soomaliya wali
awood uma helin in Al-shabaab wadanka laga saaro ma ugu yaraan laga hortago
weerarada ay dadka ku gumaadayaan, waxaana xusid mudan weerarkii ugu dambeeyay ee
November 1dii ku qaadeen Hotel Saxafi iyagoona dad qiima badan ku laayeen.
W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments
Post a Comment