Xag-jirnimadu ma ahan Argagixisanimo



                                                                               

Waxaa jira faqri weyn oo dhexeeya labooda waxaana aadna qoraalkan uga boqon kartaa macnaha mid walba uu leyahay, kadibna waxa aad si dhaba u ogaan kartaa farqiga u dhexeya Xag-jirnimada iyo Argagixisanimada.

Waa maxay Argagixisanimo?

Argagixisanimadu waa fal kasta oo xadgudub ah ama hanjabaad, kaa soo ujeeddo ama ujeedooyin laga leeyahay, waana mashruuc kasta oo cabsi galin ah ama cunfinimo ah oo si wada jira ama kali kali ah loo fuliyo ujeedadiisu tahay in uu ku faafo dadka uu ka dhex jiro, ama iyaga lagu cabsi geliyo ama naftooda halis lagu galiyo ama ay ammaankooda halisi ugu jirto, ama sidoo kale waxyeelo ku ah deegaanka ama xarumaha Dowladeed ama hantida dadweynaha iyo kuwa sida gaarka loo leeyahay, ama iskudhacyo amaanka qatar ku ah oo halisgalin kara khayraadka qaranka khatarna ku ah jiritaanka Aadnaha.

Waxaa kale oo lagu soo gaabin karaa Macanaha erayga ARGAGIXISO shantaan qodob eek ala ah:-

1. Argagixisanimadu waa shuqul cabsigalin dareenka qof ama ka badan.

2. Argagixisanimadu waa in la cabsiiyo dadka iyadoo la kaashanayo rabshado.

3. Argagixisanimadu waa wax kasta ee qalqal iyo xasilooni la’aan ku beer busho nabad heysatay sida Duqeymo aan la fileyn oo kale ama daryan hub culus oo lagu garaaco deegaan bulsha ku nooshay.

4. Argagixisanimadu waa falkasta oo wuxuushnimo saameyna leh.

5. Argagaxisanimadu waa tallaabo lid ku ah anshaxa bulshada waxa ayna ka dhigantahay kufsi sharafta aadanaha lagula kacay.

Argagixisanimadu ma ahan Diin gooniya ama koox gooni ah, ee waxaa argagixisa ah qof kasta oo ku kaca falalka aan kor ku soo sheegnay Diintuu doonana ha heystee.

Falalka Argagixisanimo ma ahan wax ku qaas ah kooxaha hada looyaqaano Argagixada, ee sidoo kale Dowladaha qaar ayaa mar-mar falal argagixisanimo kula kaca Dowlada kale oo ka taag daran ama ay dano gaar ah ka leyihiin, waxaana dhacda xiliyada qaar in Dolwadi qod ama koox si Argagixisanima ah u la dhaqanto.

Waa maxay Xag-jirnimo

Macnaha Xag-jirnimo waa ka duwanyahay dhabtii macnaha Argagixisanimo, mana ahan wax isku mid ah ama la isku qaldi karo. 

Xag-jirnimadu waa in qofku dhinac u badanyahay oo uu jecelyahay qaab nololeedkiisa in uu hal dhinac ka abaaro, waana qof aan jeclayn in uu ku dhex qasmo qaababka kale ee nolosha Aadanaha, sidaa darteed qof walba oo lagu tilmaamo in uu ku ad adag yahay waxa uu aaminsan yahay doonayana in lagu dhaqmo ayaa lagu tilmaamaa qof xag-jir ah, bal qiyaas xag-jirnimadu ma waxa ay la mid tahay Argagixisanimada mise waa wax u xun, sida maanta Caalamka qaarkii ay u yaqaanaan?

Qofku waxa uu yeelan karaa caqiido ama fakar Diini ah oo u gooniya, asluub ama dhqan nololeed u qaas ah, xaq ayuuna taa u leeyahay marka laga hadlayo xuquuqda shaqsiga, maadaama dadka duni ku nool ay kala duwanyihiin qolaba ay ceyn gooniya tahay, af ahaan iyo dhaqan ahaan iyo deegaanba, inkasta oo ay wax wadaagi karaan bulshooyinka aduunkan ku nool iyada oo loo eegayn Diintooda, Dhaqankooda, Midabkooda, iyo halka ay deegaan ahaan kasoo jeedaan.

Xag-jirnimadu ma aha wax xun oo qofki la yimaado uu mudanyahay in lagu colaadiyo, sax ilama ahan macnaha Reer Galbedku siiyeen Xag-jirnimada ee ah in ay la mid tahay Argagagixisanimada.

Qofka Masiixiga ah ee ku adag aadna ugu dhagan Masiixiyada kuna toosan dhanna aan kaga leexan wax walba oo noloshiisa ahna ku dabaqa, dhab ahaanti waa ruux xag-jir ah, sidaas si lamidana qofka Islaamnimadiisa ku dhagan asna waa ruux xag-jir ah, xag-jirnimaduna ma ahan Argagagixisanimo.

Diinta Islaamku waa Diin nabad galyo iyo raxmadeed waa diin dunida dhan xal u ah waa diinta kaliya ee Aadmiga si isku mida u wada karaameysay, ma ahan Diinta Islaamku diin Argagixiso ma ahan Diin amartay in dadka si sharci dara ah loo dilo ama loo laalyo.

Ugudambeyntii dhan walba oo aad ka eegto xaqiiqada Xag-jirnimadu ma ahan Argagixisanimo.

W/Q Bashir Amed Suley

Comments