Waa su’aale yaa diidan nabadeynta Gaalkacyo?

                                   

                                     

Wafdi balaaran oo heer Federal ah oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wadsaaraha Soomaaliya Cumar C/Rashiid  ayaa ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo ay ku Dagaalamayaan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Wafdiga uu Hogaaminayo Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku howlan xaslinta xiisada Gaalkacyo waxa ayna kulamo kala duwan la yeeshay Madaxda Ciidama Maamulada Galmudug iyo Puntiland eek u dagaalamaya Gaalkacyo, waxa ayna labada dhinac ka dhaashiciyeen in ay u turaan shacabka oo aysan ku dhex dagaalin nabadana ay qaataan.



Wafdiga Ra’iisulwasaaraha ee Gaalkacyo ku sugan ee u guntaday xalin colaada Gaalkacyo ayaa ku dadaal dheer ugu jira in ay fool ka fool isaga horkeenaan Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntiland si ay uga wada hadlaan dhibaatada ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Kariin Xusseen Guuleed ayaa xalay gaaray Magaalada Gaalkacyo isaga oo kawajaabay codsi uga yimid Gudiga ku howlan xalinka colaada Gaalkacyo.



C/Kariin Guulleed ayaa gudiga xalinta colaadaha u shegay inuu dhankiisa diyaar u ayahy in xal waara laga gaaro colaada ka aloosan Magaalada Gaalkacyo sidoo kalana sheegay in wax shuruuda uusan ku xireeyn is hor fadhiisiga labada dhinac.

Dhanka kale Maanta ayaa lagu waday in Magaalada Gaalkacyo ay gaaraan Madaxweynaha Puntiland Cabdi Weli Gaas iyo Madaxweynaha Jubbaland Sheekh AXmed Madoobe.



Cabdi Wali Gaas ayaa dhankiisa diidan in uu hor fadhiiso Cabdi Kariin Guuleed Madaxweynaha Maamulka Gal-mudug, alow C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe ay hada ku soo wajahanyihiin Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay Puntland inay diyaar la tahay inay qaadato wixii maslaxad ah oo wanaaga Soomaaliya ku jira, Waxaase uu tilmaamay dagaalkii ka dhacay inuu ahaa dagaal ay lug weyn ku leedahay dowladda federalka.

Maadaaba laba dhinac uu mid walba leeyahay waxa aan diyaar u ahay waan waan nabadeed hadana ay diidmo wada dhafiisi la aan ay jirto, sidee ayey nabad iyo waan waan ay ku imaan kartaa?



Hadaba waa su’aal iga yaabisaye yaa diidan Nabadeeynta Gaalkacyo?


W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments