Qormadan waxa aan ku eegi doona mowduuca kor ku xusan iyo mowduuc kale
oo ah dhibaatda uu Fadaraalku u keeni karo Soomaliya.
Taariikh ahaan marki ugu horeysay ee la damcay in Soomaliya laga hir-geliyo
Dowlad Fadaraala waxa ay aheyd sanadkii 1952dii, xili gumeystuhu u wakiishay
howshaas siyaasiyiin soomaaliyeed oo calooshood u shaqeysta yaal ahaa.
Siyaasiyaantii la shaqeynayay Gumeystaha mucaaradkana ku ahaa Xisbigii
SYL ayaa soomaalida u soo jeediyeen in la qaato habka federaalka iyagoo isku
haleynayay khayraadka goboladoodu leeyihiin iyagoona wax dan ka galin gobolad kale
ee Dalka, hase yeeshee xisbigii SYL ayaa si xoog leh uga soo hor jeestay,
sababtoo ah Dastuurka SYL waxa uu qorayay in la helo somaali weyn .
Aragtida ah in Dalka Soomaliya Federal laga dhigo oo ay mucaaradku
qabeen waxaa asal ahaan iska lahaa Gumeystaha oo rabay inuu ku hakiyo ama ku baabi’iyo
qadiyada ah soomaali weyn oo ay qabeen Xisbiga SYL, ilaa iyo hadana Gumeystuhu
kama daalin dadaalki uu ugu jirat in meesha laga saaro waxa layiraahdo
Soomali-weyn, hase yeesee hogaamiyaashii SYL waxay shacabka soomaaliyeed ku
booriyeen in laga hortago fikradaasi ay wataan mucaaradka oo doonayey inay
marin habaabiyaan qadiyadda midnimadda soomaaliyeed, xili isticmaarku soomaaliya
u qaybiyey 5 qeybood, walow wali
isticmaarki oo wiji cusub leh doonayo in soomaalida xorta ahay sii kala
qeybiyan.
SYL iyo Soomalidii hore in kasa oo ay xiligoodii gaashaanka u
daruurun in midnimada soomalida la wiiqo wadankana Fadaraal laga dhigo, hadana
Gumeystaha ay Iroobiya iyo Kenya ugu horeeyaan kama aysan harin raadinta
marmarsiye ay ku sii heystaan dhulalka Soomaliyeed ee gacantooda ku jira.
Ururka IGAD oo ay hogaamiso Itoobiya
ayaa ka dambeeyay in Shirkii Mbigathi ee Dalka Kenya lagu soo dhiso Dowladii
Cabdullahi Yusuf ee federaalka aheyd, ujeeddada ka dambeysana waxa ay aheyd in
aan mar dambe la sheeganin qaybahii ay horey uga heysteen Soomaliya .
Dhibaatooyinka
Nidaamka Federaalliga ah
Nidaamka federaalliga ah waa
nidaam fahamkiisa iyo ku-dhaqankiisuba ay aad ugu adag yihiin Bulshada
Soomaalieed, waana nimaadan ay san wax aqoona u laheyn unana diyaarsaneyn waxa
ayna ka dahxlikaraan dhibaatooyin aad u badan oo an la soo koobi karin, balse
aan ka xusi karo kuwan soo socda.
1- Nidaamka Fadaralku
waxa uu wiiqaa awooda Dowlada dhexe waxa uuna ka hor istaagaa dowladda dhexe in
ay wax ka qabato arrimaha qaar laga yaabo in dastuurku uu xaq u siiyay dowladaha
gobollada, laakiin xaqiiqa ahaan kagudubsan awoodaha Dowlado gobollada.
2-
Nidaamkan Fadaraalku waxa uu keeni karaa is-jiid-jiid
badan iyo go’aan ka gaaris la aan marka ay dhacaan dhibaatooyinka qaar, sida
marka ay Dowlada Gobaldeedyadu is ku qabtaan Xuduudaha macnawiga ah ee ka
dhaxeeya ama ay laba dowlad gobaleed is qabtaan oo ay dagalaan.
3-
Nidaamkan Fadaraalku kuma fiicna tartiibinta dhaqaalaha sababtoo
ah ganacsiga waxa uu ku qasbaa inuu u hoggaansamo xeerar badan oo isku soo
noqnoqonda, iyada oo ay taasina kordhiso qasaaraha ganacsiga, waxayna hoos u
dhigeysaa faa’iidooyinka ay ganacsatadu ka helaan ganacsigooda, waxaa dhici
karta in gobalada uu dhexmaro tartan dhaqaale iyo kala jiidasho shirkadaha
dalka taasi oo keeni karta in Maamulada gobaladu ay fududeeyaan canshuuraha
taasini Dalka waxa ay u keeni akrta hoos u dhac dhaqaale, sidoo kale waxaa badanaya
qarashaadka ku baxa dowlada maadaaba nidaamkani ku salaysan yahay gobollo iyo
dowlad dhexe oo wax isku darsanaya, Tusaale, dowladda dhexe iyo dowladaha
gobolladuba waa inay yeeshaan xukuumadahooda, shaqaalahooda, booliskooda iyo
garsoorkooda, taasi waxay keenaysaa in hanti farabadan lagu bixiyo adeeg isku
mid ah.
4-
Nidaamkan Fadaraalku waxa uu ku tuntaa Xuquuqda daka laga
tirade badan yahay haddii aysan ku wada nooleey hal gobol, waxaa dhaci karta in
dowladaha gobolladu ay halis galiyaan jiritaanka dadka tirada yar, maadaaba nidaamka
federaalka ahi uusan ahan nidaam xasilloon oo ay mar walba kala jiitaan
dowladaha iyo dowladda dhexe.
Ugud danbeyntii Soomaliyed waxa aan idinkaga digayaa in aanan ku
kadsoomin qaadasha iyo u durbaan tumida Nidaanka Fadraalka ah ee gumeystu
gadaal ka riixayo xaqiiqdiina ujeedadiisu waa in la wiiqo awooda Soomalida oo
aan lehen Soomaliweyn walaala ah oo is watada.
W/Q Bashir Ahmed
Suley

Comments
Post a Comment