Ubax Cabdiraxmaan Ibraahim waa Muwaadinad isku xilqaantay dhibanayaasha Soomaliyeed ee la noool xanuunda halista ah.



                          





                              
                           
Dunidu waa imtixaan waana ay dhib iyo duruufa badantahay Allah Umadiisuu ku eegayaa, dadkana waa la isku baahiyay la iskuna imtixaanay Allana waxa uu amray in ay isku asxaamaan iskuna naxariistaan, kan taagta roona uu saacido una jiirnaxo kuwa taagta darana, hayeeshee amarka Allah inta qaadataaba yar.

Ubax waa gabar Soomaliyeed oo ka mid ah inta yare e amarka Allah qaatay una asxaama una naxariista dadka taagta daran, waa qof ay Biniaadamnimadu kuweyntahay waa qof ka damqada dhibka dadka masaakiinta ah, Ubax waxa ay si is keeda iskugu xilsaartay u adeegida iyo caawinta dadka qaba xanuunada halista ah waxa ay dhibkooda garsiisaa Bulshada Soomaliyeed ee wax heysa wixi Alle ka sooqaadana waxa ay si niyad sami ah ugu geysaa dhibanayaasha.

Ubaxa waxa ay ku dhalatay Magalaa kismaayo sanadki 1978, waxa ayna wax ku baratay kuna soo barbaartay Magaalaa Muqdisho waxa ayna hada ku nooshahay Dalka Sucuudiga Magalada Jidah.

Ubax oo aan wareysi kula yeeshay maata Qadka Internet iyadoo ku sugan Dalka Sucuudiga ayaa ii shegtay in ay shaqan caawinaada iyo u qeyla dhaaminta dadka qaba xanuunda halista ahay bilawday sanadki 2014ka.

Mar aan Ubax weydiyay sababta ku dhalisay arintay ayey ii shegtay in ay ku dhiiri galisay howshaan Mamo lagu magacaabo Nuura Abdale Ali (Aljaxaafi) oo aad u kheyr jecel una dhalatay Yemen, Ubax ayaa aad ugu mahadcelisay Maamadan allahana uga barisay inuu ku abaal mariyo Ajar iyo Xasanaad aan la soo koobi karin.

Ubaxay ayaa caawimaad u raadisay in kabadan 10 ruux oo ay dhamaantood ugu qeyla dirtay Bulsha weynta Soomaliyeed kuna guuleysaty in lacagihii lagu aaminay ay si nadiifa u gaarsiiso dadki dhibanaa, waana tan keentay in Soomali badan oo aan Ubax aqoon badan ulaheyn ay ku aaminaan kumanaan doolar.

Dadka ay Ubax caawisay waxa kamid ah:-
1-   Cismaan xaaji cabdow Allaha u naxariistee waa geeriyooday
2-   Ruqiya Abdullahi Hirsi
3-   Fawsiya Yusuf Botan
4-   Maxamed Yusuf
5-   Maryan …………….
6-   Sagal Maxamed Yusuf
7-   Qadiija Maxamed Nuur
Dadkaan iyo qaar kaloo badan ooxanuuna kala duwan qabey iyo waliba sidi loo caawiyay waxaad iyada oo Video faahfaahsan ah aad kaheli kartaan Boga Facebooga ay ku leedahay Ubax Cabdirahman Ibraahin https://www.facebook.com/ubax.ibrahim.965.

Sidoo kale Ubax ayaa ii shegtay in ay jiraan dhowr ruux oo kale oo ku nool Dalka India oo soomali ah in caawiso ugana war qabto meesha ay ku noolyihiin.

Ubax cabdi Raxmaan dhab ahaanti waa qof  ku qaaliya dhamaan Bulsha weynta soomaliyeed meel walba oo ay joogan, runtii Ubax waa qof aad u kheyr jecel una asxaanta dadka mudan oo dhibanayaasha ah.

Anigu ka Bashir ahaan Ubaxa horay uma anan aqoon lkn xaqiiqdi ayaa ah in aan ku bartay wanaaga iyo xil kasnima Allah uu siiyay Gabadhaan dhabtina waa ruux qaaliya oo ku dayasha mudan.

Farxad ayey ii tahay inaan Ubax Cabdirahman Ibrahin aan kaga mahadceliyo shaqada Kheyriga ah oo ay u heyso dadka Soomaliyeed ee Masaakiinta ah, waxan dhihi karaa shaqa laga rabay Dowlada iyo dhamaan shacabka Soomaliyey ayey kaligeed heysaa oo ay dhabarka uridatay Allaha ka Abaal mariyee.

Hadii anan dadkeena qiimaha sida Ubax oo kale aanan u mahadcelin oo anan xusin waxa yaranaaya dadka kheyrka ku dhiirada, sidaa darted waxaan markale sharaf ii ah inaan qoraalkan gaaban aan hawada u maraxiyo wlashey Ubax Cabdirahman Ibraahim.

Ugu danbeyntii Ubax Allah ayaan kaga rajeynayaa inuu kaa abaal mariyo sahqada adag iyo dadaalka abdan ee aad ku bixisay in aad caawiso Bulshada taagta daran waxana kuu rajeynayaa Guul iyo Horumar, sidoo kale dhalinyarada Soomaliyeedna waxan u rajeynayaa in ay kugu daysandoonaan wanaagada oo kalana ay la imaandoonaan.

W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments