Kenya ayaa si rasmi ah u
diiday in muranka Bada ee soolamiya kala dhaxeya la horgeeyo Maxkamadda
Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ), iyada arainta ugu yeeray "waxba kama
jiraan".
Githu Muigai Xeer
illaaliyaha guud ee Dalka Kenya ayaa sheegay in dacwadda Soomaaliya ay
horgeysay maxkamada caddaalada ay tahay mid sharci darro ah taas oo Soomaaliya
ay ku dooneyso inay ku qaadato dhulbadeedka iyadoo aan mareyn nidaam sax ah.
Xeer illaaliyuhu waxa uu
sheegay inuu jiray Heshiis ka dhaxeeya labada Dal oo ah in arrinta qilaafka
dhul badeedka lagu xaliyo wada xaajood oo aan maxkamad la horgeyn.
Wuxuu sheegay in haddii
murankani la geeyo maxkamada ay noqoneyso in Soomaaliya ay si cad u jabisay
heshiiskii ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya.
Xeer illaaliya Kenya wuxuu
sheegay iney haboontahay in labada dal ay iyagu ka wada hadlaan muranka ka dhaxeeya
oo aysan gaarin heer maxkamad iyadoo loo marayo ayuu yiri sharciga caalamiga
ah.
"Waxaa waajib ku ah
labada Dowladadood in ay sameeyaan heshiis saaxiibtinimo leh oo ay ku xaliyaan
Khilaafka, sida waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo Heshiishki ay sixiideen
2009." Ayuu hadalkiisa raciyay Xeerlilaaliyaha Dalka Kenya.
Keyna ayaa shegtay in Sanadkii 2009, ay Soomaaliya iska-afgarteen
arinta, iyadoona loo gudbiyay Qaramada Midoobay sanadkii 2011.
Heshiiska oo dhaicanya
badan taabanayay ayaa qeexayay in lakala xadeeyo bedka xuduuda Bada ee laba Dal ee Kenya iyo Soomaliya,
in kastoo ay baaqdeen wada hadalo dheeri ah oo ay aheyn in Qaramada Mdioobay ay
dhaxdhaxadiso.
Sanadkii 2012, ayaa
Soomaliya ku eedeysay Keyna in bada la isku heysto u ogalatay shirkada Total
iyo Eni, in ay Baaritaan shidaan ka sameeyaan eedeyntaas oo ay Kenya diiday.
August 28keedii 2014 ayaa
Dowlada Soomaaliya Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ugu gudbisay dacwad
Kenya ka dhan ah.
Hdalka keyna ka soo yeeray
ayaa waxa uu u muuqda in Dolwadii hore ee Soomaliya uu Madaxweynaha ka haa
Shiik Shariif Shiikh Ahmed iyo Xukuumadi Cabdirashiid Cali sharmarke ay Kenya u
loogeen Badaba Soomaliya mugdina galiyeen arinta Bada Soomaliya.
Sidoo kale Hadalka Dowlada
Kenya ka soo yeeray ayaa laga dheehan karaa in ay heystaan sixiixya ay hore uga
heleen Musuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaliya.
W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments
Post a Comment