Waan ka xumahay Xariga Xigaha waxaana leeyahay "Hadii
dhagta ruux la jaro daloolku wuu joogayaa"!!
Waxaa maalintii
labaad kuxiran Magaalada Hargeysa 4ta fanaan ee kala ah Nimcaan Hilaac, Maxamed
Axmed Bakaal Cirro, C/raxmaan Oday iyo Xamda Queen oo kawada tirsan Kooxda
Xidigaha Geeska.
Xariga fanaantiina
aya yimid kadib bandhig faneed ay maalinti ciida habeenkeedi ku qabteen Magalaada Muqdisho.
Wasaarada
Arimaha Gudaha Soomaliland ayaa sheegay in fanaaniintan loo xiray, barnaamijyo
liddi ku ah madaxbanaanida Somaliland, oo ay Muqdisho kaga soo qayb galeen
iyagoo ah shaqaale ah ka tirsan wasaaradda warfaafinta Somaliland.
Gudoomiyaha
Kooxda xidiga Geeska Mr Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa maamulka Somaliland waxa
uu ku eedeyay inay isku qaldeen Siyaasiyiinta iyo Fanaaniinta waxa uuna sheegay
in qaar ka mid ah Fanaanintaan kooxdiisa loo xiray si sharci daro.
Xassan
Dhuxul ayaa intaas ku daray in fanaantiinta Kooxda Xidigaha aysan hoos imaan
cid gooni ah oo ay u Heesaan dhamaan inta afka Soomaaliga ku hadasha .
Sidoo kale
Xassan Dhuxul waxa uu sheegay in Wasaarada Warfaafinta Soomaaliland aysan wax
Mushaar ah aysan kaqaadan.
Maamulka Somaliland
oo isku heysta inuu yahay Dal madaxbanaan kana go’ay Soomaaliya inteeda kale
ayaa horay u mamnuucay in siyaasiyiinta deegaanadooda ka soojeeda ay tagaan
Koofurta Soomaaliya ama ka mid noqday dowladda Soomaaliya, waxaana horay
arainkaa loogu xiray siyaasiyiin ka soo jeeda Gobalada Waqooyi ee lamagaca
baxay Somaliland, waxaase yaableh in shalay Fanaaniinta loo xiray qaab
siyaasadeed.
Fanku qabiil iyo Siyaasad toona shaqa kumalaha,
meeshey doonaan ha ka soo jeedaane Fanaantinta
Afka Soomaliga ku heesta ma jirto Magaalo ama Degmo kaxiran ama mamnuuc ka ah.
Qaar kamid
ah Bulshada ku dhaqan Gobalada waqooyi ee uu ka arimiyo Maamulka Soomaliland
ayaa qaba in caburinta lagu haayo Bulshada qeybaheeda kala duwan aan lagu gaari
karin Gooni iskutaag ama madaxbaani, waxa ay Maamulka Somaliland ku eedeyeen
marin habaabinta dhalaanka iyo carubinta muwadiniinta aan dooneyn in Soomaliya
lakala jaro eek u nool Deeganada Somaaliland.
“Hadii
dhagta ruux la jaro
daloolku wuu joogayaa
jaleelada geed ku yaal
midhaha laga jalamsadaa.
daloolku wuu joogayaa
jaleelada geed ku yaal
midhaha laga jalamsadaa.
Jiriyo hada jooguhuba
aadmigu way is jiidhayaan
hadana laba jacayl dhexyaal
aadmigu way is jiidhayaan
hadana laba jacayl dhexyaal
Sina uma kala jarmaan”.
Soomaaliduna sina uma ka jarmaan.
Maamulka lagacbaxay Soomaliland ayaa
wax dhiba ua rag in Fanaaniinta Xidiguhu ay ka soo heestan ama ay tagaan Wadamada
Itoobiya iyo Kenya, taas badalkeedna Fanaaniiti Muqdisha tagay xabsiga uwada
taxaabay.
Waa Su’ale fanaan laxiro
Madaxbanaani ma keeni karaa?!!
W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments
Post a Comment