Waad mahadsantahay Hooyo, Maxaa yeelay waxaad I bartay in aan Insaan ahay.



                       

Aan wax kuu qiro Hooya macaan:

Waxaad tahay Qofkii naftiisa buunda iiga dhigay si aan ugu gudbo.

Waxad tahay qofki ii ifiyay wadadi mugdiga aheyd ee Nolosha, sdioo kale waxaad ii ifisay Qalbigeyga mugdiga ahaa, dhabti waxan raacay oo aan ku hanuunay Nuurkaadi aa i shiday.

Haa waxad tahay waalidkey  waxaad tahay hooyada dhinac kasta. Jacaylka iyo allabari ayaad hooy iiga dhigtay.

Waxaad igu qaaday calooshada waxaan cunta iyo Cabitaanba ii ahaa dhiigaada oo aan u quudanjiray si xisaab la’aana waad ku faraxsaneyd adigu,iyadoo dhib kugu ah.

Wax badan ayaad dhafartay oo soojeed waagu kuu barbayay anigoo u hurda si raaxa leh xili aad iga ilaalineysay in sanka wax iga daboolaan ama neefta wax iga xigsadaan inti aan dhalaanka ahaa.

Waxaad ibartay Akhlaaqda wanaagsan ee ah inaan dadka taagta daran u asxaamo, umada inta mudana aan u naxariisto.

Barbaarintaadi qiimaha badneyd waxaa kamid ahaa oo aan hooyo kugu xasuustaa inaad igula dardaarantay in aan ixtiraamo hooyinka adiga oo kale ah, dhabti waan ka carooda dhalinyarada hooyooyinka ugafa.

Nabad-galyo korkaada ha ahaato Hooyadeyda Muqudaska ahey sida kutubta samaawiga oo kale, sidi aan dhabtaada nabada uga ladi jiray Jinayooyin Allah ee uduga leh adiguna nabad ugu hurud Insha Allah.

Majirto Hadiyad iiga qiima badan oo aan hawada kuu soo marin lahaa Mahadnaq iyo inaan kuu qiro galadaha aad igu leedahay Hooya Macaan.

Muado dheer ayaan kala baadnay waaya badan ayaan is moognahay il qabowsigeygiyeey si dhaba ayaan kugu hilobay xauustada oo kaliya ayaan ifsadaa mugdi kasta oo aan dhexjibaaxana codakaada ka dhex maqlaa waxaad tahay rajada iyo hididiilada noloshayda oo dhan la’aanta aduunkan kuma neefsadeen hawadan macaana ma aan qaateen.

Ugu danbeyntii Hooyo 
“Inta aad Hooyo nooshahay hambalyo salaan baan
Hanti kaaga dhigaayaa,Hamrashiyo xaqdhawr baan dusha kaa huwinayaa,
Hooyo Dhimashadaaduna hoogeyga waayee, waligay hogaagaan ka dul heesayaayoo hiyiga iyo laabtaan kugu haynayaayoo
Hangal baan u xirayaa inta haada duushiyo idil habar dugaageed
ifka hibo ku nooloow aakhiro halkii roon.”

W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments