Xaashi
Bulxan
Xaashi Furre ayaa sheegay in ay Guriga ku heystaan laba Gabdhood oo u sheegay in ay ka soo gateen guriga nin caraba.
Xaashi waxa uu sheegay in dacwadiisa u gudbiyay Maxkamada Sare ee Dalka loona ansixiyay lahaansha guriga, balse ay ciidama uu ku shegay in ay ka amarqaataan Duqa Magaalada Muqdisho iyo Gudoomiya Degmada C/Caziiz ay xoog uga saareen guriisa doonayaana in ay dhacaan.
Korneynl Xaashi waa waayeel ka tirsan Ciidanka Xoooga Dalka Soomaaliyeed isaga oo ooynaya ayuu ku hor Cataabay Kaamiradaha qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida isagoo leh “Gurigaan mudo aad u dheer ku dhawaad 20 iyo Dhowrsano ayaan Daganaa maanta ayaa xoog la iiga saarayaa waxa aan ubaahanahay Cadaadalad.
Duniya Maxamed Faarax & Haweeyo
Xirsi Faarax
Duniya Maxamed Faarax,
waxay sheegtay in Gurigaan ay ka’iibsadeen nin la yiraahdo C/risaaq Xaaji Cali Faarax ayna
haystaan dhamaan Dukumiintiyadii Guriga ay ku iibsadeen Xaashi Furana uu doonayo
inuu xoog ku haysto Gurigooda asigoo adeegsanaya awooda Xafiiska R/wasaaraha.
Haweeyo Xersi (waa
milkiilaha labaad) waxa ayaa tiri “meel walbo oo aan u dacwoonay iyo Maxkamad
kasta oo kiiskeena aragtay ayaa noo xukmisay Gurigooda,Dugmintiyada Xaashi
watana waa kuwa Been abuur ah, markii ay ciidamada Booliska damceen ineey
guriga ka saaraan, Xaashi dagaal ayuu kala horymid, isagoo garab ka helaya xafiiska R/wasaare Cumar Cabdi Rashiid.
Haweeyo
ayaa intaas ku dartay in Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ilka Xafan u shaagay in
uusan dooneynin in Dacwada hoos u eego arintana wax ka ogaado balse ay
muhiimadiisu tahay inuu Jabiyo Amarka Mungaab ee ah in Xaashi Guriga laga
saaro.
Hadaba
marki aan dhageystay Doodaha laba dhinac ee Guriga isku haaya waxa ii soo
baxday in khilaafkooda uu salka ku haayo arin siyaasadeed oo ka dhaxeyso
Masuuliyiinta qaar, arintaas ayaana dhibka ugu weyn gaarsiisay dhibanayaasha oo
xaq ulahaa in Cadaalada ku kala baxaan.
Dhank kale
waxaa dooda dhibanayaasha iiga dhex Muuqata wada shaqeyn la’aan baahsan ee ka
dhaxeysa Hay’adaha Garasoorka dhalka oo dhan .
Waxaa iska
cad in Musuqmaasuqu iyo Cadaalad daradu ay ku baahday Maxkamadaha iyo Garsoorka
dhexdooda oo aysan jirin Garsoor umada u dhexeeya.
W/Q Bashir
Ahmed Suley


Comments
Post a Comment