Zahra Qorane Omar “Hooyada Rajada Muwaadin Soomaliyeed”




                                                                        


Zahra Qorame Omar waxa ay ku dhalatay Magalada Baladweyne Caasimada Gobalka Hiiraan waxa ayna ku soo barbaartay Magaalada Muqdisho Caasimada Dalka Soomaliya oo ay Dhamaan waxbarsahdeedi ku qaadatay ilaa iyo Heer Jaamacadeed hadana ay wali ku nooshahay.

Aniga Bashir Suley ah iyo Zahra Qorane waxan is ku baranay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Schoolki Al-fatih oo aan wada Dhameynay Dugsigiisa Sarana wallow ay Zahro hal Fasal iga danbeysay.

Zahro Qorane xiligi aan Schoolka wada dhiganeynay waxa ay aheyd Ardayad sifican uga dhex muuqata Fasalkeeda iyo guud ahaan Schoolka oo dhan waxaana ku tilmaami karaa shaqsi ardaydu ay sifican u wada Xasuustaan.

Zahra Qorane Omar waxa aragti ahaan iigu dambeysa 2007 xili ay Soomaliya Dagaalo qaraari ka dhaceen oo inta badan Dadku kala qaxeen isna waayeen.

Dhabti aniga Bashira waxan Soomaliya moogahay in ka badan 7sano waxana wadana ka soo qaxay xili ay dhibaato badani ka jirtay, int aan ka maqnaa wadanka inta badan wax i farxad galiya dhagaheyga sooma gaari jirin indhaheyguna maqaban jirin taasi macnahedu mahan in wadanka wax wanaaga aysan ka jirin ee Warbaahinta ayaanba wanaaga faafin.

Aniga iyo inta ila midka ah ee wadanka mudaas dheer ka maqan cabsida iyo quustuna ay hareysay waxaa dareenkeena badalay rajadeenana qurxiyay Dadaalka Walasheen Zahra Qorane Omar oo aan ku tilmaami kato Ruuxa ugu qiimaha badan inta Warfiyeenada ah ee Soomaliya kusugan.

Zahra Qorane Omar waa Gabar wadaniyada oo jecel wadanka waliba si dhaba u jecel sidaa marka aan leyahay waxan ku qiimeyay Jaceylka wadankeeda ay u qabto Zahra wali ma anaan arag sawir ceeb ku ah Soomaliya ama muujinaya dhib ama wax laga naxo ama ku niyad jabiya iyada oo soo bandhigtay, halka Wariyaasha kale ay maalin walba soo bandhigaa Qarax iyo dhiig iyo Burbur muujinaya Amaan darada Soomaliy.

Hadaba majiraa Qof waxa uu jecelyahay Xumaantooda Soo bandhigaya? Jawaabtu waa iskacaday oo waa maya Zahra si dhaba ayey Wadanka ujeceshay.

Zahro waa dhiirigaliya Qorba joogta soomaliyeed iyad oo Muqdisha joogta ayey nabareysaa qiimaha iyo qaayaha wadankeenu leyahay waxay sawir qurxan u gudbisaa bulshada caalamka inteeda kale dadbadan oo soomaliya wax qaldan ka aaminsanaa ayey Zahra bartay Quraxda Dalka iyo Soomaliya halka ay dunida ka jirto.

Hadii aad wadanka burbur iyo dagaal iyo meel qashin quba aad ka aaminsantahay fadla booqo INTSTAGRAMKA Zahro https://instagram.com/zahraqoranne/ 

Hadii aad isleedahay wadankaada rajo malahan oo wey u dhamaatay ha quusane fadlan booqo twirtterka Hooyada rajada Muwaadinka Soomaliyeed Zahra Qorane https://twitter.com/Zahraqoranne

Zahra Qorane walaashey dhabti waxaad mudantahay in laguu abaalgu waxaa qaxiiq ah in aad waajibaadkaadi Qaran sidii lagaarabay iyo kabadanba aad ugudatay Mahadi ha kaa gaarto walaal Zahra waxan filayaa in aad Dadaalkaada sii laba-jibaaridoontid.

W/Q Bashir Ahmed Suley.







Comments