Xariga Cali Yare Cali waa mid khilaafsan Xaqqa Dastuuriga ah ee Muwaadinka Soomaliga Ah




                                                                            


Waxa si xoog sheegada Xabsiga loo dhigay Cali Yare Cali kadib Khilaaf u dhexeeya Cali Yare Cali oo ah Muwaadin Soomali dhallinyaro qurbajoogga ah dhawaanahana ku sugnaa Magalada Muqdisho ah Shaqsi isha ku ahaya Siyaasada Dalka iyo hey’adda Nabad-suga NISA. 

Cali Yare Cali ayaa waxa Gurigiisa kalabaxay Ciidamo badan oo aad uhubeysnaa oo ka tirsan Hay’ada Sirdoonka NISA iyagoona Xabsiga utaxaabay waana marki Saxaad oo Cali yare Xabsiga la dhigo isagoo wax danbiya lagu soo oogin eedeymaha loo heystana aan Cadey sarsmi ahlooheyn.

Hay’da Nabad Sugida ayaa si Bareera ugu tumatay Darsuurka Soomaliya marka la eego qaabka loo xiray Cali Yaye iyo waxa ay Hay’adu ku eedeysay Cali Yare.

Hadaba Cali Yare ayaa waayay Xuquudi Shaqsiyadeed ee uu Dastuurku siyay oo ay kamid yihiin Qodobka 18aad iyo Kan 15aad oo ah sidan:-

Qodobka 18aad

Xorriyadda Ra’yiga iyo afkaarta

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho soo bandhigo rayigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo rayigiisa, xog ama afkaar si kastaba.
2. Xuriyatu qoolka waxaa kamid, xoriyadda hadalka, saxaafada iyo wax walba oo soogalaya warbaahinta elektaroonikada iyo internetka.
3. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal’abuurkiisa faneed xoriyadiisa aqooneed iyo xoriyada cilmi baaris.

Qodobka 15aad

Xorriyada iyo Nabadgelinta Qofnimada

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa shakhsiga ah iyo nabagelyada qofnimadiisa.
2. Qofkasta wuxuu xaq u leeyahay amaan shaqsiyadeed waxaa kamid ah: kareebanaan xarig aan sharciga waafaqsaneyn.

Xili Dartuurku siiyay Cali Yare Xuquuqda Kor ku qoray ayaa Hay’ada Nabad-Sugidu ku tumatay Dastuurka Dalka Calina ay Xabsiga u taxaabtay.
W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments