Warbaahinta Horseedmedia oo u tafa xeydatay hurinta Dagaal Sokeeye



                                                                                 


Warbaahinta ayaa ah Hub laba afla ah ( سلاح ذو حدينالاعلام وسائل) oo loo isticmaali karo dhan walba wanaag iyo xumaanba, allow ay haboontahay in loo isticmaalo sida wanaagsan.
Soomaliya malahan Dowlad si dhameystiran u kaantaroosha dhaqdhaqaaqa warbaahinta iyo waxa ay daabacayaan.

Warbaahinta qaar ayaa caadeystay inay qoraan ama baahiyaan qoraalo Bulshada u keeni karo dhibaato hurina kara Colaado sukeeye.

Waxaan aad uga xumaad wabixin lagu daabacay Websit laga leeyahay Puntalan eelagu magacaabo Horseedmedia.

28-06-02015 maalinti shalay aheyd ayaa warbixin lagu daabacay Warbaahinta Horseedmedia waxaa cinwaan looga dhigay Dagaalkii Gaalkacyo 1991 iyo Shirka Cadaado maxay iska -shabbahaan?



Warbixinta ayaa lagu sheegay “in ay in USC ay Gaalkacyo muddo 12 saacadood gudahood ku dishey dad ka badan 500 oo qof, waxaa ka mid ahaa dad birimageydo ah, caruur iyo haween, waxaa magalada banaanka looga saarey muddo 12 saac gudsheed ah dadkii deganaa oo dhan!, waxaa la dhacay hanti maal iyo moodba leh, waxaa la gubey guryihii, waxaa lagu xadgudbey sharaftii gabdhaha Soomaaliyeed”.Qoraalkan ayaa u muuqda guubaabo iyo kicin bulshadeed.

 Horseedmedia.net ayaa is barbardhigtay shirka ka socda cadaado oo ay Dadka deegaankaasi ku sameysanayaan Maamul iyo Dagaalki 1991 ka dhacay Gaalkacyo, qorsha Warbaahintaasi ayaan iila muuqda in ay Dadka Deeganka ka dhaadhiceynso hadii Maamulkaasi dhismo in Dagaal markale lagu soo qaadi doono Gaalkacyo.

Warbaahinta Horseedmeida oo u durbaan tumeysa Colaad iyo Dagaal dhexmara Dadka Soomaliyeed ee wadadagan Gobalka Mudug ayaa qormada ku tiri “Rubuc qarni kadib, Dagaalkii Gaalkacyo, iyo dhamaan shidadii Soomaali ay gelisey jamhaddii USC oo aan laga heshiin wixii dhacay, markii qoriga iyo gumaca rasaasta lagu kala adkaan wayey ee la yiri qof walbow iimaanso meesha rabbi kugu beeray, in maanta qalin lagu doono iyo “ERGOOYINAA Ansixiyey Dhulkeenu waa ilaa Nugaal” la yiraahdo, ka bayridda iyo ku tumashada Dastuurka Federaalku miraha ka dhashaa muxuu noqon maxaa giraanta dib u ceshey?”

Kadib marki ay burburtay Xukuumadii Soomaliya Dalka waxaa ka dahcay Dagaalo sokeeyo oo aad u qaraar oo gabi ahaan saameyay Soomalida oo dhan, allow dadaal dheeer iyo dhib badan kadib ay Soomaliya yeelatay Dowlad rajaduna ay aad u fiicantahay dadaal loogu jiro sidii loo soo celin lahaa Qarinimadina Warbaahintu looga baahanyahay in ay qeyb ka qaadato soo celinta rajada umada iyo sidii wixii dhcay looga gudbi lahaa Taarikhna looga dhigan lahaa, ayey Warbaahinta Horseedmeida utafaxeydatay hurinta Colaadahi laga soo gudbay iyo iska horkeedin Bulsha wada dagan Gobal Mudug. 

Milkiilayaasha Qalabka warbaahinta ama Mareegyada Warbaahineed ayaa Masuuliyadi kasaarantahay in ay ka warqabaan oo ay kaantaroolaan waxa laga baahinayo ama lagu daabacayo Barahooda maadaaba ay iga qaadayan Masuuliyada hhibka ay abuuraan.
Qoraalka ay baahisay Horsedmaida.net ayaa iila muuqda mid qabyaaladeysan oo xambaarsan  gocasha foolxun, waxa uuna abuuri karaa isku dhac Beelo wadagan Deegaan qura.

Waxaa haboonaan laheyda in dadka leh Warbintaas ay arintaan ka fiirsadaan kana digtoodaan in ay Durbaan coladeed bulsha ku dhex tumaan waana nasiib daro  maanta oo ay dhawdahay Dowladnimadi Soomaliya in dib loolaabto.

W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments