Ciidanka Liyuu Booliska Kililka 5-aad ee Ethiopia
ayaa Laba Baar,Garajir iyo Sariiro, Godod iyo Saaxo iyo degaano kale oo ku
xeeran ku laayay xoolo dhaqato iyo reer Miyi ka soo jeeda Gobalka Galgaduud.
Weerarka ay ku sooqaadeen Liyuu Boolisku deeganadas ayeey
ku dilaan 62 ruux oo 11 ay haween ahaayeen inta kalena rag, waxaa dhaawacyo
soogaareen in kabadan 80 ruux, 18 tuulo wey gubeen,
dad badan oo xoolo dhaqato ah wey barakaciyeen.
Dadka qaar ayaa waxa la soo sheegayaa in ay u
dhinteen daryeel la’aan iyo dhiig bax maadaaba meelaha lagu dilay aynan laheyn
Isbitaalo.
Dadka dhintay oo ay Liyuu Boolisku xasuuqeen waxa ka
mid ahaa dadka Birimageydada ah sida waayeelka iyo haween iyo caruur intaba.
Waxyaabaha la
yaabka badan ee la soo sheegayo in ay Ciidanka Liyuu Booliska sameeyeen waxaa
ka mida iney haween badan kufsadeen .
Waxaa kale oo deegaanka laga soo shegay in Ciidama
Liyuu Boolisku ay boob ugeysteen Tuulinyka 18ka ah inta aysan Gubin ka hor iyagoo
rartay xoola nool.
Inta aan ka war qabo ilaa iyo hada ma jiro Mauul
Sare katirsan Dowlada Soomaliya oo ka hadlay dhibka loo geystay Dadka xoola
dhaqata ah ee Galgaduud, marka laga reebo Gudoomiyaha Gobalka Galgaduud Mudane Cirfo.
Sidoo kale ma jirto Hay’ad Dowli ah oo iska
xilsaartay sidoo loo gargaari lahaa daryeel caafimaadna loogu heli lahaa dadk
badan oo la ildaran Dhaawacyadi ay ugeysteen Ciidamada Itoobiyanka ee Liyuu
Boolis.
Hadii Dowlada Soomaliya shacabkeeda dhiigooda iyo
Xanunkooda aysan wax xila iska saareyn waa Su’aale Dadka Soomaliyeed yaa u
maqan?.

Comments
Post a Comment