Xaalku waa adkaa dadkuna waa ay walaacsanaayeen ruux
walbana waxaa walwal ku hayay goorta qolo aan la aqoon ay dili doonto ama ay
Al-shabaab si bareer ah u dilidoonaan iyaga oo diinta ka saaraya gaalnimana ku
xukumaya.
Baahi badan iyo shaqa la’aan baahansan ayaa jirtay,
qofkii leh aqoon uu ku shaqeysto kuma dhiiran Karin in uu la shaqeeyo Hay’adaha
Sama falka ah sababta oo ah waxa jirtay cabsi ah in loo dilo lashaqeynta Hey’adaha.
Isku socodka Galgaduud iyo Caasimada Muqdisho ama ka
dhexshaqeynta Gobalka Galgaduud iyo Xamar ma aheyn mid sahlan oo ay naftu ku
dhiiran kartay, colaadaha ka jira guud ahaan soomaliya ayaan samaxeyn xiligaas.
Guud ahaan soomaliya gaar ahaan Galgaduud dhalinyaradu
xor ma aheyn oo garabyada isdiidanaa ee dagaalamayay ayaa culeysyo badan ku
ahayay iyada oo qoloba ku eedeyneysay in ay tan kale ka tirsanyihiin.
Degmada Guriceel ee Gobalka Galgaduud waxa ka
talinayay Xiligaas Maleyshiyaadka A l-shabaab iyo qaar ka tirsan Haraadigii
Qolyihi lagu magacaabi jiray Midowgi Maxaakiimta oo aan badneyn, inti
Al-shabaab ay ku sugnaayeen Guriceel waxaa siyaabo kala duwan oo dilay ku
dhawaad 11 Qofood oo ilaa iyo hada aan la aqoon sabab cad oo loo dilay.
Dadku xoriyad daro iyo cabsi farabadan ayey qabeen
lagumana dhiiran Karin Al-shabaab oo dadka dhan Aashuun ku adin ayey ahaayeen.
Waxaa mar qura is badalay jawigii magalada Guriceel
waxaa soo baxday qolo cusub waa culumadii la yaqaanay ee ahlusuna wal jamaacaa
waxey ku caan ahaayeen barashada diinta islaamka muujinta calaamadaha islaamka sida Dugsiyada
Quraanka masaajidyada iyo muuqaalka diinta islaamka waxayna ahaayeen koox ka
dhawrsan dhamaan dhiilooyinkii colaadeed
ee ka dhacay wadanka soomaaliyeed.
Marki ay arkeen dhibaatada iyo murugta colaada iyo
dhibaatada shacabka lagu hayo ayey go’aansadeen in lama huraan tahay inay ka
dhiidhiyaan dhibaatada shacabka lagu
hayo waxay ka hadleen goobo badan waxayna ka dagaal galeen goobo badan iyaga oo
ciwaankoodu ahaa inay shacabka u hiilinayaan qaranimada soomaaliyana soo celiyaan Ma jirto wax ujeedo gaar ah ah
iyo cid ka danbaysaa Culimada, ee marki ay arkeen dhibaatada umada ayaa waxaa
lama huraan noqotay inay qoriga qaataan oo ay wax ka qabtaan dhibaataada soo
daashaty bulshada soomaaliyeed gaar ahaan Kuwa Galgaduud.
Xaqiiqdi Dagaalka Ahlusuna Waljamaaca ayaa ahaa
gurmad shacab iyo gargaar umada gacmaha iyo lugaha si xaqdaraha ah looga
gooynayay iyo xad gudub diinta islaamka lagu
hayay Iyo gefka laga gelayo umada muslinka ah ee gulufka inta la geliyay lagu
xukumay dilal aan dhamaad laheyn.
Culimada Ahlusuna dagaal dheer iyo juhdi badan ka
dib waxa ay si lama filaan ah u jabiyeen cadawgi umada Soomaliyeed
Maleyshiyaadki Al-shabaab waxa ayna gabi ahaan ka xoreeyeen Magaaloyinka
Dhuusa-mareeb Guri-ceel iyo Matabaan iyo dhamaan Deeganada ku xeeran oo dhan.
Al-shabaab waxa ay Ahlusuna kala Kulmeen Jab aysan
kala kulmin Dowlada Soomaliya waxa ay ladagaalanka Ahlusuna ku waayeen
Saraakiil badan oo Muhiim u ahaa.
Deegaanada Galgaduud waxa ay noqdeen kuwa kacaagan
Qarxyo iyo Dilalka Qorsheysnaa iyo Amaradi laqafsanaa ee Kooxda Al-shabaab. waxayna
noqdeen meel nabad galya uu ka heli karo ruux kasta oo ay eryanayan
Maleyshiyaadka Al-shabaab, anigu ka Bashir Ahaan waxan soo joogay muda sided bilooda
waxaana ku tilaami karaa xiligaas in ay Galgaduud aheyd Meesha ugu amaaanka iyo
Xoriyada Badan Soomaliya.
Mudo Sideed
sanaa ayaa Maamulka ahlusuna waxa uu si habsami socod wanaagsan u Maamuliyay
Deeegaanadi ay ka xoreeyeen Maleyshiyaad Al-shabaab.
Kooxda Dam-jadiid ee heysa hogaanka iyo talada Dalka
Soomaliya ayaa horaantii sanadki tagay waxa ay wakiillo u so dirsatay Gobalka
Galgaduud si ay u kala furfurto Maamulka Ahlusuna ee ka ariminayay Deegaano
katirsan Gobalka Galgaduud.
“Xassan Shiikh Madaxweynaha Soomaliya waxa uu
doonayaa waa in Damjadiid uu ku beero gobolka Galgaduud, lakin Ahlusuna waxaa
ka go’an in meelaha ay joogto oo ee ay ka taliso ay adkeyso, meelaha kamaqana
in ay si nabada ku soo ceshato” sidaa waxa igu u jiri Masuul ka tirsan Ahlusuna
oo aan la kulmay.
Kooxda Dam-jadiid ayaa doonaya in Gobalka galgaduud ka
muuqdaan oo door muhiim ah ay ku yeeshaan Maamul u sameynta labada gobal si ay
Dowladnimada Soomaliya ugu guuleystaa sanadka 2016ka xili aysan waxba u ogoleyn
Maamulka Ahlusuna oo ka mid ahaa Saxiixayaashi shirkii Maamul usameynta Gobalda
dhexe.
Kooxda Dam-jadiid ee taladda Dalka Gacanta ku heeysa
ayaa si bareera ah u inkirtay Dowrka ahlusunno ku ledahay Gobalada dhexe halka
ahlusunna ay dooneyso aaminsantahayna in ay xaq u ledahay in talada Maamul
usameynta labada gobal ay qeyb weyn kayihiin hadii aan lagu darina ay tahay
dulmi lagu galacay Maamulka ahlusuna iyo Deeganada uu ka arimiyo.
Kooxda Dam-jadiid majiraan wax muuqada oo ay u
qabteen Gobalka Galgaduud marka laga reebo in ay ku dul dagalameen dadka shacabka
ah ee xabada ka caaganaa mudadi sideeda sana aheyd ee la soo dhaafay waxa ayna
doonayaan ololona ugu jiraan in ay ku guuleystaan madaxtinimada Maamulka lagu
wado in loo dhisi Gobalada dhexe xili ay xaqooda Duudsiinayaan Dadka deegaanka
iyo Maamulkooda Ahlusuna.
Hadaba Ahlusuna iyo Kooxda Damjadiid keebee mudan abaalna
ku leh Gobalka Galgaduud?
W/Q Bashir Ahmed Suley
.

Comments
Post a Comment