Horaantii sanadki 1943dii waxa kulan wada
sheekeysiya is kugu yimid C/qaadir Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan
Sharmarke, oo ahaa laba dhalinyaro saaxiiba ah oo aad isugu fog, kulanka oo
ahaa mid qarsoodiya ayaa waxa ay isku weydaarsadeen afkaar la xiriirta sidi Adoonsiga
looga xoreyn lahaa Dadka Gumeystahana looga saari lahaa Dalka.
C/qadir Sheekh Sakhaawadiin oo talada ku horeyay ayaa
waxa uu soo jeediyay in la aasaaso Uuru Islaami ah oo umadda mideeya inta Xisbi
siyaasi ah loo gudbin, iyadoo uu Yaasin Xaaji isna soo jeediyay in la sameeyo
Xisbi Siyaasi ah oo Bulshda dhan matala.
Kadib Wada hadalo dheer iyo dhalinyaro kale u ku
soobiirtay ayaa ugu dambenti la isku
raacay in la aasaaso Naadi ay dhalinta ku kulmaan oo ay isku bartaan isla markaana ay ku bartaan Luqadda
Engriisiga oo xiligas ku cusbeyd Dalka,inta
laga gaarayo waqti ku haboon oo xisbi siyaasi ah isu beddeli karo Naadigan, waxa
ayna Naadigiga magac uga dhigeen (S Y C) Somali Youth Club.
Kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen aasaasayaasha Naadigan
waxay isku afgarteen Qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen.
•In Naadiga loo kireeyo Guri u qalma howlaha uu
donayo in uu qabto ee lagama maarmaanka u ah soona jiidan kara dhalinyarada.
•In Gumeystaha Engriiska ee dalka heysata loo qoro warqad
looga codsanayo in ay furtaan dhalinyaradani Naadi la yiraahdo S Y C.(Somali
Youth Club) oo dhalinyarada ku kulanto.
•In la dejiyo qorshe kumeel gaar ah oo dabooli kara haabida
shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha Naadiga dhaliyarada.
Codsigaas ayey 13kii dhalinyaro waxa ay u geeyeen xaakimkii
isticmaarka ee Engriiska u fadhiyay Muqdisho.
Dhalinyarada qaar ayaa qabay in fakerkooda guuleysan
doono halka qaarna ay qabeen in ay xarig muteysan doonaan, in kastoo Xaakimki
ugu jawabay hadal Jeesjees ah kuna yiri “Anigu waxaan idiin arkaa dhurwaayo iyo
ari mooro lagu wada xareeyay, sideed naadi ugu hishiin kartaan khilaaf la’aan”,Taasi
oo macnaheedu yahay waxaad ka kobantihiin qabaail badan oo aan wax isku
ogaleyn, waana halka ay Soomalidu daciifka tahay maanta.
Dhalintii 13ka aheyd oo aan xanaaq iyo hadal kulul ku
celin Karin madaxdaa Gumeystaha ayaa ugu jawaabay , in ay Hadalkiisa ay ka
dhigandoonaan cashar kana faa’iideysandoonaan, oo ay
Dhurwaayda ku barbaarin
doonaan in aysan Ariga cunin, waxayna balan qaadeen in dhawaan aw arki doono
iyaga ku wada nool Naadiga oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin.
Maalmo kadib ayaa waxa dhalinyaradi la soo
gaarsiiyay warqad lagu xusay in Engriisku uu hadda ku jiro xaalad dagaal oo
uusan dooneyn in la fara galiyo siyaasadiisa, balse loo ogolaaday in ay furtaan
naadi dhalinta ay ku kulmaan waxna ku bartaan.
Kulankii ugu horeeyayba waxay iska dhex doorteen
madaxdii hoggamin laheyd naadiga, waxa ayna Gudoomiye u doorteen Sheekh
C/qaadir Sh. Sakhaawadiin halka Xaaji Maxamed Xuseen iyo Maxamed Xirsi
Nuur(Siidii) loo doortay ku xigeeno iyadoo Yaasiin Xaaji Cusmaana loo doortay
Xoghaye.
Xisbigan oo ay ujeedadiisa ugu weyni aheyd in
Gumeysiga Dalka laga xoreeyo lana helo Dowlad soomalidu leedahay ayaa waxa ay talabadi
ugu horeysay oo ay qaadaan ka dhigteen ladagaalanka Qabyaalada iyo kala sooca
Soomalida dhexdeeda ah taasi oo ah halka ay Soomalidu waligeed ka nugleyd
ducfiguna kaga jiray.
Dhaliyaradii aasaastay xisbiga S Y C oo markii dambe
u xuub siibtay S Y L (Somali Youth Lego)
waxay ahaayeen 13 dhalinyaro oo da’doodu aad u yaraeyd aqoontoodan aad u
xaddidneyd. Waxaan kala haayeen sidan.
|
MAGACA
OO SADAXAN
|
MESHA
UU KUDHASHAY
|
SANADKA
|
DA’DA
|
|
ABDU KADIR SAQUDIIN
|
TIYEEGLOW BAKOL
|
1919
|
24 JIR
|
|
MOHAMED XIRSI NUR ( SIIDII)
|
MAREG, G/GADUD
|
1915
|
28 JIR
|
|
Yaasiin
Xaaji Cusmaan Sharmarke
|
Hobyo Mudug
|
1917
|
27 JIR
|
|
Xaaji Maxamed Xuseen Maxaad
|
Muqdisho Banaadir
|
1917
|
27 jir
|
|
Cusmaan Geeddi Raage
|
Muqdisho Banaadir
|
1925
|
18 jir
|
|
Dheere Xaaji Dheere
|
Muqdisho Banaadir
|
1926
|
17 jir
|
|
Daahir Xaaji Cusmaan (Dhegaweyne)
|
Hobyo Mudug
|
1925
|
18 jir
|
|
Cali Xasan Maslax
|
----------------------
|
1919
|
24 jir
|
|
Maxamed Cali Nuur
|
Muqdisho Banaadir
|
1927
|
16 Jir
|
|
Maxamed Faarax Hilowle
|
Mareeg Galgaduud
|
1925
|
18 jir
|
|
Xaaji Maxamed Cabdulaahi Xayeesi
|
Muqdisho Banaadir
|
1918
|
25 Jir
|
|
Huudow Macalin Cabdulaahi Saalax
|
Mareerey Sh/Hoose
|
1926
|
17 jir
|
|
Maxamed Cusmaan Baarbe
|
Baardheere Gedo
|
1910
|
33
|
Tirada Xisbiga kuma aysan koobnaanin 13kaas Wiil oo
kaleiya ee waxaa markiiba ku soo biiray dhalinyaro aad u fara badan oo ay
Gabdho aad u qiima abdan ka mid yihiin waxaa xusid mudan oo aan la ilaawi Karin
Dowrkii muhiimka ahaa oo ay Dumarka Soomaaliyeed kasoo qaateen xisbigaas SYL.
Xisbiga ayaa gaaray Guulo lama ilaawaana waxa uuna wacdaro iyo
xausuus magurta ah ku reebay Gumeysitihii Wadanka Xooga ku heystay halgan dheer
kadib waxa uu Xisbigu ku guuleystay Dhismihii Dowladi daakhiliga aheyd, xili uu
la soo kulmay dhibaatooyin fara badan illaa uu dalka gaarsiiyay madax banaani
buuxda.
Ugu danbeyn dhalinyarada Soomaliyeed waxa tusaale
ugu filan ku dayashana ka mudan 13kan wiil oo iska dhaarsaday qabyalada
wadaagayna dhiiga wada dhalasha Soomalinimada Hadafkoodina ku guuleystay.
W/Q Bashiir Ahmed Suley

Comments
Post a Comment