Waa su’aale Foosheedu dheeraa Hashu wali ma dhalin miyaa?! Illeen Hal Ninki lahaa seynta kaga fadhiyo ma kacdo!.
Hannaanka Fadaraalka ayaa waxa uu ku baahday dhamaan Dadka Soomalida, waxaana Gobalada qaar ka hana qaaday Maamul Goballeedyo halka kuwa kalana ay Hiigsi ugu jiraan yagleelida Maamul Gobaleedyo Cusub maadaaba ay Dowladu ay tahay Dowlad Fadaraali ah.
Mudo kabadan 9 bilood
ayaa waxa soo jiitamaya Dadaalo kala duduwan oo lagu doonayo in Maamul Gobaleed
loogu sameyo Gobalada Mudug iyo Galgauud iyagoona wali ay ka kala soconaya Dadaaladaasi Magalyooyinka kala ah Cadaado iyo
Dhuusamareeb.
Waxaa aad u dheeratay mudana soo jiitameysay in ay dadka Deegaanku isla fahmaan wax yaaba badan oo asaasi u ah unkida Maamulka labada Gobal oo ay ugu horeyso Caasimada aw yelanayo Maaamulku iyo halka lagu qabandoono Shirka lagu dhisi doono Maamulka.
Waxaa aad u dheeratay mudana soo jiitameysay in ay dadka Deegaanku isla fahmaan wax yaaba badan oo asaasi u ah unkida Maamulka labada Gobal oo ay ugu horeyso Caasimada aw yelanayo Maaamulku iyo halka lagu qabandoono Shirka lagu dhisi doono Maamulka.
Ladaba Gobal ee Galgaduud iyo Mudug ayaa ah Gobalo ay
daganyihiin Qabaa’il kala duwan oo mid waliba eeganayo Maslaxad isaga u gaara.
Dowlada Soomaliya iyo Qaramada Midobay iyo Urur kale oo daneya Danaha Soomaliya ayaa sida waxada jira waxa ay Magalada Muqdisho ugu magacaabeen Gudi ay ugu magic dareen GUDIGA FARSAMADA MAAMUL USAMEYNTA GOBALADA DHEXE, wallow aysan muuqan wax qabadka Gudigaasi lamagacabay.
Bishii February Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh Maxamud ayaa Dhuusamareeb ka furay shir Dib u heshiisin ah oo ay ka qeyb galayeen dhamaan Belaha sameysanaya Maamulka Labada Gobal waxa uuna madaxweynuhu shegay in ay Caasimadu tahay Dhuusamareeb shirkan Dib u Heshiisinta ah marki aw dhamadana la aadayo Magaaladaca Cadaado oo marti galin doonta Shirka Maamulka lagu dhisayo.
Ergooyinki ku shirsana Magalada Dhuusamareeb ee kala matalayay Beelaha dhisamaya Maamulka Gobalda dhexe ayaa waxa ay gabagabadi Shirki dib u heshiisiinta ahaa ka soo saareen qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsaneynd in xarunta marti galin doonta shirka dib u heshiisinta ay noqoto Magalada Dhuusamareeb taasi oo aan anigu u fahmay in lagala danlahaa u jeedo kale.
Hadalka ka sobaxay Ergooyinka waxaa dhibsaday aad uga xumada
y Madaxweynaha oo Muda sadax habena hadalka Darti ugu hoyday Dhuusamareeb alow uusan
gaarin ujeedki aw lahaa.
Reer cadaado iyana waa halkoodi waxa ayn istgeen waxan heysanaaa Saxiix Madaxweyne oo ah in Shir lagu qabanayo Dhuusamareeb alow sixiixaasa ay ku hoos qarsaneyd in Caasimadana Isla Cadaado laga dhigo balse la qarinayay waxase ayna soo shaac baxday kadib marku Shalay Madaxweynuhu kaga dhawaaqay Dhuusamareeb in Caasimada Labada Gobal ay noqon Doonto Dhuusamareen Shirkana Cadaado lagu qabanayo taasi oo ka danbeysay in lama dhaafaan ay ku noqotay Madaxweynaha Gogaanka Beela intooda badan oo donaya in Dhuusamareeb ay noqoto Caasimada hadi kale aysan suura gal aheyn dhismanaha Maamulka labada Gobal.
Malaha Sida Muuqata Reer Cadaado shirka Marti galintiisi Howlkaa u wehlisay oo Caasimada ayeyba doonayeen sababto ah waxa ay si toos ah uga soo harjeesteen Go,aanki shalay Madaxweynuhu kaga dhawaaqay Mgalada Dhuusa mareeb.
Is diidanaanta Cadaado iyo Dhuusamareeb waxa muqata in ay
Salka ku heyso Doonista Meesha noqoneysa Caasimada xili aysan jirin wax isu
tanaasula.
Waxaad moodaa in labada Magaalo oo is haya aysan ku xisaabtamin in ay jiraan Magaaloyin kale oo iyana katirsan Gobalka oo xaqa ay leeyihin oo kale leh, anoon hilmaamsaneyn in Dhuusamareeb ay heysataa codod badan oo ay seeyiin Magaalooyin kale
Hadaba waa Su’aali Hal ninkii laha Seynta kaga dhafiyo Makici
kartaa?! Waxa ila haboon in Dadalada ladoonayo in Lagu dhiso Maamulka Labada
Gobal la mideeyo awoodana la isku keeno la iskuna Tanazulo.


Comments
Post a Comment