Hab ladhaqanka wanaagsan ee bulshada


                                                                           

La dahqanka iyo la macaamilak dadku, waa arrin xeelado garasho iyo waayo aragnimo u baahan.
Waayho dadku waa kuwo dabcigoodu kala duwan yahay oo si fudud aan loogu guulaysan Karin sidii lagu wada kasban lahaa dabcigooda.

Waxaa la isku raacay burburinta in ay sahlan tahay wax dhiskuna adag yahay.Haddi aad kartid in aad dhistid xidhiidh aad dadka kale kula dhaqantid, waxaan shaki ku jirin xidhiidhkaasi in uu kaa farxinayo waayo waxaad dareemaysaa jacaylka dadku kuu qabo iyo in aay kaa soo ag dhawaadaan. Sida aad u jeceshahay ikn aad noqotid  sheekeeye ama qof hadal wanaagsan. Dhinaca kale waxa wanaagsan in aad dhagayste noqotidoo si wanagsan aad u dhagaysatid. Maxa yeelay qofka kuu sheekeeynaya oo aad hadalka ka kala jartid. Waxaad ka luiminaysa fikradiisa in uu ku qadarin waao isaga oo sabab ka dhigta in aanad ahmiyad u yeelin.

Ha isku dayin in aad iska hadasho balsam iusku day in aad ka hadashid wax dadku u arkaan in uu wax u kordhiyay ama wax ay jecel yihiin. Isku day in aad saaxiib la noqotid dhola cadaynta oo si ufudu u gaadho qullubta dadka kale. Shaki la’aan dhoola cadayntu waxaa ay kaa dhigtaa mid  dadka xagooda aqbal ka ah, kuwa ku yaqaaniyo kuwa aan ku aqaoon.

Isku day dadka aad la macamilootid dhinacooda wanaagsan in aad shiishka saartid soona bandhigtid, mid kasta oo innaga mid ah waxaa u leehyahay ceebo, ama wax lagu ceebayn karo.Haddii aad doontid inaad u sheegtid ceebaha uu leeyahay, waxa wanaagsan in aad si degan oo uu ku diirsado aad ugu shegto. Waxaa ka sii haboon adiga oo ka sheekeeya ceebihiisa oo qof kale aan jirin ku sheega. Taasi oo dhalisa in uu garto isna ceebaha kuwo la mid ah in uu leeyahay oo dhici karta in uu wax ka bedelo ceebahaasi.

Isku dayh in aad adaka kale inta awoodaadu tahay aad ku taageertid, laakin marka lagaa codsado ha noqaon mid jeclaysta dadka in uu amro oo nacayb dhalisa.
Ku dedaal in aad aad u yaraysid kaftanka waayo waaa wax dadka oo idil aanu wada jeclayn sidoo kale kaftankaagu waxaa uu kuu horseedi karaa in laguu arko mid culays I yo dheeraad dadka kale ku ah, laakiin isku day in aad noqotid qof la mid ah bug furan oo la akhrisan karo kana fogoow laba wajiile in aad noqaotid ama mid istus ah.

Isku day in aadan iska hadlin kana fikirtid, hadalka inta aanu afkaaga ka soo bixin ha isku dayin in aad sheegtid waxaadan ahayn hana ka xishoon xaaladda aad ku sugan tahay ama ha u arkin mid hoosaysa. Waayo taasi maaha mid ceeb ah waxaase ceeb ah in aad xidhatid shaadh aadan lahayn ama aan kugu haboonayn.

Noqo mid doorta wakhtiyada ku haboon dadka in la hooqdo. Sidoo kale ku deedaal in aanay booqashadaadu noqonin mid dalab ama codsi ka dambaysay.
Ha noaqon mid aad uga adkaada danta dadka kale kaga xidha, una ban dhig haddii ay u suurtoobi waydo in ay fuliyaan aanay u qaadan danayste in aad tahay.

Dhawr ballanta aad la gashid dadka kale, kuna dedaal in aad fulisid. Iyaguna sidaa iyo si la mid ah ayay kuugu abaal gudi doonaan. Ka fogoow hadal badnida waa dhaqan ad dadku u neceb yihiin, wuxuuna hoos u dhigaa shakhsiyadaada. Xanta iyo isku dirka ka fogoow waxaay kuu arkayaan kuwa aad dadka ku ag xamaataan nin aad u xun oo aan cidna wax u goolayn. Ku dedaal in aad dhulka is dhigtid waxaa aad ka helayusaa sarayn iyo dadka oo ku jeclaada kaana soo ag dhawaada.
Qiimaha la tashiga.

La tashigu waa arrin aad u weyn laakiin u baahan in qiimaheeda la garto. La tashiga waxaa la yidhaahdaa qofku wuxuu ugu baahi badan yahay wax kasta marka laga reebo hawada iyo biyaha la tashigu waa dadka oo aad caqligooda daalisid adiguna faa’iido.


Sidoo kale waxa la yidhaahdaa afar indhood waxay arkaan iyo laba indhood isku aragti maaha. La tashiga waxaa kugu jeclaada kuwa kaa ag dhow waxaadna ku gaadhaa go’aan talo dhala. Sidoo kale la tashigu wuxuu kuu noqadaa hiil iyo taageero oo marka aad ku dhaqantid tgallo wadaaga.taladaasi haddii ay noqoto marka dambe mid lagu guul daraysto ama noqonayso mid kugu kooban.


W/Q  Bashir Ahmed Suley

Comments