Maba Doonayaan in aynu Dowlad ahaano!



17 Sano kadib Xorayadii Soomaliya sandi 1977 ayaa Dowlada Soomaliya waxa ay Doontay in si xoog ah ku soo Cesho Dhulal Gumaystihii ka sii yay Dowladaha jaarka la ah oo ka mid tahay Dowlada Itoobiya.

Xukummada Soomaliya ee uu Xiligas Hogaaminayay Madaxweynihii Milatariga ahaa ee Xooga ku qabsaday Soomaliya Mohamed Siyaad Barre ayaa Subax qura weerar ku ekeysay aagaga hore ee Xuduuda beenaadki gumeystuhu kala dhex dhigay Soomaliya iyo Itoobiya.
Dhanka Dowlada Soomaliya Dagaalku waxa uu lahaa Ahmiyad Gooni ah waxa uuna haldhigiisu ahaa Dagaal loogu magac daray Xoreynta Soomali Galbeed alow ay Dowladaha badan oo Saaxib lahaa Soomaliya ay ka biyadiideen Dagaalka.

Dowlada Soomaliya Dheg jalaq uma siin Baaqyada iyo diidmooyinka kala duwan ee looga soo horjeeday in ay dagaal ku qaado Dowlada Itoobiya, waxa ayna Soomalidu Go’aansatay in ay dhulka ay Itoobiya kaheysto ay si xooga ku soo cehsato.

Dowlada Soomaliya oo aad uga fac yareed Dowlada Itoobiya aya waxa ay Dagaalka ka soo hoysat Guula lama filaan ah oo Dunida Caalamka oo dhan facaj ku beertay cabsi aad u badana ku beertay Dowlada Kenya oo iyana Heysata Dhul ay Soomalidu leedahay.
Bishii Sibtembar isla sanadkii 1977 ciidamada Soomaaliya waxa ay gacanta ku dhigeen dhamaan gobolka Galbeed waxa kale oo ay qabsadeen goobo iyo magaalooyin muhima oo kabaxsan gobolka iyagoona Go’doomiyay Magalada Harar.

Intaa waxi ka danbeyay Dolwadaha Reer galbeedka waxa soo food saartay cabsi weyn oo laga qabay Ciidamada Soomaliya iyo in gabi ahaan ay gacanta ku dhigaan Caasimada Itoobiya, sidoo kale waxa soo muuqatay awood qarsooneyd iyo Dowlad African ah oo la garan Karin hadii ay dagalkan ku guuleysato waxa xiga oo ay ku dhaqaaqi doonto.
Awooda saa’idka ah oo ay Dowlada Soomaliya la soobaxday iyo Gulufka xoogan oo ay ku buuratay Dowlada Itoobiya ayaa waxa Durbadiida ka dhiidhiyay oo kusoo biiray Dagaalka wadankii la odhan jiray Midowga Sufiyet
Sidoo kale waxa Dagaalka ka soo qeybnoqday oo Dolwada Itoobiya u soo hiliyay Dowlada Badan oo ay ka mid ahaayeen KUUBA iyo YAMANTA KOOFUREED taasi oo keentay in Dowlada Soomaliya ugu danbeynti lagu soo Jabshay Dagaalki.
Wixii ka danbeyay Dagalki dhacay 1977-1978 Reegalbeedku ma ogaleyn in ay soo muuqato Quwad xoogan oo African ah sababtoo ah wali waxa jiray wadama badan oo si dadban ama si toos ahba ugu sii jiray gacanta Gumeystaha.

Dagaalkaas Kadib Soomaliya waxa ay yeelatay Cadaw aad u badan oo ay ugu horeeyaan Dowladaha dariska la ah Soomaliya iyo Reer galbeedka oo cawaadan qarsoon u qaaday Dowlada Miltariga ah ee awooda badan maadana aysan Reer galbedku ogoleyn in waxa loogu yeero Dunida Sadaxaad aysan ka soo muuqato wax Awooda intey doontaba hala ekaatee.
Dhanka kale Dowladi xiligas tala heysay waxa ay dhumisay saaxibo babadan oo ay ku laheyd Dowladaha Caalamka gaar ahaan Reer Galbeedka oo intabadan u qaaday Cadaawan aan toos umuuqan.

Cadawgaas dhan kasta kaga soo heerarsamay Dowladi Soomaliya aya waxa ay iska kaa shadadeen in la kala furfro Soomalida jabhadana la gu beero dalka si loo wiiqo ama meesha looga saaro Dowlada Quwada isbaday ee Soomalida, taasi oo aakhirkii keentay in dalka ay Jabhado kala wareegan Dowladi Soomaliya.
Cadawgu marki aw gaaray Guushi aw rabay ee aheyd in Dowlada Soomaliya la rido wadankana ay Jabhado qabsadaan kuma aysan qancin intaas oo kaliya ee waxa ay isku dharsadeen in aysan Caga danbe aysan ku istagin Dowladay Quwad leh oo Soomalidu leedahay.

Cadawga ayaa gunta dhiisha isaga dhigay dhexdana u xirtay sidi Jabhadaha Hubeysan ee wadanka lawareegay la iskaga horki keeni lahaa iyadoo sirdoonka cadawguna aw helay mesha ay Soomalidu aadka uga liidato in ay tahay Qabyaalda si fududna qaab qabiiled la iskaga horkeeni karo taasi oo kentay in Soomaalidu in kabadan 19 sano isku leyneysay qaab Qabiil wadanka aw gacanta u galo Hogaamiya Kooxeedyo u abaabulan qaab qabiil balse u shaqeeya Cadawga uma Soomalida.
Dowladihi kasoo horjeeday Jiritaanka Soomaliya intaa ku aysan ekeysan Dhibaateynta ay ku hayeen Dalka iyo Dadka Soomaalida ee waxa ay gudaha Soomaliya ka soo buuxiyeen sirdoon aad u faraban oo soo basasa guud ahaan dalka iyo dadkaba waxa ayna sirdoonkasi is kugu jiraan Ajaanib iyo kuwa korka soomali ka ah balse aan Soomali aheyn oo cawadga u adeega.

Sirdoonka laga soo buxiyay Soomaliya oo garab ka helaya qolya qowleysata ah ayaa waxa ay Gumaadeen in badan oo ka mid ah Umada indheheeda sida aqoonyahanada Dhaqaatiirta iyo cuqaasha iyo qof kasta oo ay sirdoonku ogaadaan in ay wax yar oo soomalina ah ay ku jirto.
Dowladaha Dariska nala ah iyo Qaar ka mid ah wadamada Reer galbeedka oo ay u horeeyaan Mareykanka iyo Ingiriisku waxa ay Saaxada Siyaasada Soomalida ku leeyihiin kaalin weyn oo muuqata iya oo iska dhiga in Doonayaaan in Dowlada Soomaliya cagaheda ku istaagto.
Nin kamid ah Siyaasiyiinta Soomalida aadna wax badan uga soo shaqeyay Arimaha dibada Soomaliya iyo kuwa gudahaba hada ah Xubin katirsan Barlamanka Soomaliya ayaa waxa aw igu jiri Soomaliya in ay Dowlad noqoto lama ogala qofki loo arka in ay Howshu dhab ka tahayna liifadisa ayaa si hoose loo gabiyaa. Taasi oo macnaheedu yahay waa la dilaa.
Ilaa iyo hada waxa Gudaha Soomaliya siweyn uga shqeeya Sirdoonka Dowladihi cadawga ku ahaa Soomaliya waxa ayna xubna ka yihiin nadaamka Dowliga ah ee hada ka jira Soomaliya ujeed kooduna waa inysan Soomaliya Dowlad buuxda oo xogle aysan noqon.

Dabinada iyo hadimooyinka aw Cadawgu Soomaliya u maleegay waxa ugu halis badan nidaamka Fadaraalka ah oo u jeedada aw cadawgu ka leyahay ay tahay in lagu wiiqo Cududka Soomali weyn iyadoo looga soo horjeedo in aysan Soomalidu dib u hanato Ciidan Milatari oo xoog leh saameyna ku yeelan kara Dowladaha Jaarka la ah iyo in aysan soomalidu helin wax xasilooni ah waxa ayna Cadawgu qorsheynayaan in ay Soomalidu dib dagaal beeled ugu laabtaan iyaga oo isku heysta qaab Gobaleysi ah.

Dowladaha aan Doneym in ay Soomaliya Dowlad noqota ayaa inta badan gacanta ku haaya Hanaanka iyo habsami u socodka Dowlada Soomaliya waxaana Sirdoonka Dowladahaasi ay daba gal ku hayaan dhamaan Hay’adaha Dowlada Soomaliya taasi oo dhabar jab ku ah Dowladnimada Soomaliya.
Cadawgaa Dumada dheer Soo jiray aya dadka qaar waxa ay qaabaan in ay inta badan Dilalka qorsheysan ee dhaca guda Soomaliya 80% ay fuliyaan iyagoo inta abdan dila Dadka Muwaadinnimadu ka muuqato ha ahaadan Masuuliyiinta Dowlada Soomaliya ama shacabkaba iyagoo sidoo kale aad u laaya aqoonyahanada Soomaliya xili ay ka cabsi qabaan in howshooda la fahmo.
Cadawga dhibaatada in taa la eg ku haya Umada Soomaliya ee aanan dooneyn in ay marnaba Soomaliya Dowlad noqoto ayaa waxa u adeega una fududeeya howlaha aw ku cuuryaaminayo Soomalida Dad Soomali ah una badan Masuuliyiin saameyn ku dhex leh bulsha kana dhex mooqda saaxada Siyaasada Soomaliya.
Maba doonayaan in aynu Dowlad ahaan!. Hadaba waa Su’aale ayaan Dooneyn ineynu Dowlad ahaano?

W/Q Bashir Ahmed Suley  

Comments