17 Sano kadib
Xorayadii Soomaliya sandi 1977 ayaa Dowlada Soomaliya waxa ay Doontay in si
xoog ah ku soo Cesho Dhulal Gumaystihii ka sii yay Dowladaha jaarka la ah oo ka
mid tahay Dowlada Itoobiya.
Xukummada
Soomaliya ee uu Xiligas Hogaaminayay Madaxweynihii Milatariga ahaa ee Xooga ku
qabsaday Soomaliya Mohamed Siyaad Barre ayaa Subax qura weerar ku ekeysay
aagaga hore ee Xuduuda beenaadki gumeystuhu kala dhex dhigay Soomaliya iyo
Itoobiya.
Dhanka Dowlada Soomaliya Dagaalku waxa uu lahaa Ahmiyad
Gooni ah waxa uuna haldhigiisu ahaa Dagaal loogu magac daray Xoreynta Soomali
Galbeed alow ay Dowladaha badan oo Saaxib lahaa Soomaliya ay ka biyadiideen
Dagaalka.
Dowlada Soomaliya Dheg jalaq uma siin Baaqyada iyo
diidmooyinka kala duwan ee looga soo horjeeday in ay dagaal ku qaado Dowlada
Itoobiya, waxa ayna Soomalidu Go’aansatay in ay dhulka ay Itoobiya kaheysto ay
si xooga ku soo cehsato.
Dowlada Soomaliya oo aad uga fac yareed Dowlada Itoobiya
aya waxa ay Dagaalka ka soo hoysat Guula lama filaan ah oo Dunida Caalamka oo
dhan facaj ku beertay cabsi aad u badana ku beertay Dowlada Kenya oo iyana
Heysata Dhul ay Soomalidu leedahay.
Bishii Sibtembar isla sanadkii 1977 ciidamada Soomaaliya
waxa ay gacanta ku dhigeen dhamaan gobolka Galbeed waxa kale oo ay qabsadeen
goobo iyo magaalooyin muhima oo kabaxsan gobolka iyagoona Go’doomiyay Magalada
Harar.
Intaa waxi ka danbeyay Dolwadaha Reer galbeedka waxa soo
food saartay cabsi weyn oo laga qabay Ciidamada Soomaliya iyo in gabi ahaan ay
gacanta ku dhigaan Caasimada Itoobiya, sidoo kale waxa soo muuqatay awood
qarsooneyd iyo Dowlad African ah oo la garan Karin hadii ay dagalkan ku
guuleysato waxa xiga oo ay ku dhaqaaqi doonto.
Awooda saa’idka ah oo ay Dowlada Soomaliya la soobaxday iyo
Gulufka xoogan oo ay ku buuratay Dowlada Itoobiya ayaa waxa Durbadiida ka
dhiidhiyay oo kusoo biiray Dagaalka wadankii la odhan jiray Midowga Sufiyet
Sidoo kale waxa Dagaalka ka soo qeybnoqday oo Dolwada
Itoobiya u soo hiliyay Dowlada Badan oo ay ka mid ahaayeen KUUBA iyo YAMANTA
KOOFUREED taasi oo keentay in Dowlada Soomaliya ugu danbeynti lagu soo Jabshay
Dagaalki.
Wixii ka danbeyay Dagalki dhacay 1977-1978 Reegalbeedku ma
ogaleyn in ay soo muuqato Quwad xoogan oo African ah sababtoo ah wali waxa
jiray wadama badan oo si dadban ama si toos ahba ugu sii jiray gacanta
Gumeystaha.
Dagaalkaas Kadib Soomaliya waxa ay yeelatay Cadaw aad u
badan oo ay ugu horeeyaan Dowladaha dariska la ah Soomaliya iyo Reer galbeedka
oo cawaadan qarsoon u qaaday Dowlada Miltariga ah ee awooda badan maadana aysan
Reer galbedku ogoleyn in waxa loogu yeero Dunida Sadaxaad aysan ka soo muuqato
wax Awooda intey doontaba hala ekaatee.
Dhanka kale Dowladi xiligas tala heysay waxa ay dhumisay
saaxibo babadan oo ay ku laheyd Dowladaha Caalamka gaar ahaan Reer Galbeedka oo
intabadan u qaaday Cadaawan aan toos umuuqan.
Cadawgaas dhan kasta kaga soo heerarsamay Dowladi Soomaliya
aya waxa ay iska kaa shadadeen in la kala furfro Soomalida jabhadana la gu
beero dalka si loo wiiqo ama meesha looga saaro Dowlada Quwada isbaday ee
Soomalida, taasi oo aakhirkii keentay in dalka ay Jabhado kala wareegan Dowladi
Soomaliya.
Cadawgu marki aw gaaray Guushi aw rabay ee aheyd in Dowlada
Soomaliya la rido wadankana ay Jabhado qabsadaan kuma aysan qancin intaas oo
kaliya ee waxa ay isku dharsadeen in aysan Caga danbe aysan ku istagin Dowladay
Quwad leh oo Soomalidu leedahay.
Cadawga ayaa gunta dhiisha isaga dhigay dhexdana u xirtay
sidi Jabhadaha Hubeysan ee wadanka lawareegay la iskaga horki keeni lahaa
iyadoo sirdoonka cadawguna aw helay mesha ay Soomalidu aadka uga liidato in ay
tahay Qabyaalda si fududna qaab qabiiled la iskaga horkeeni karo taasi oo
kentay in Soomaalidu in kabadan 19 sano isku leyneysay qaab Qabiil wadanka aw
gacanta u galo Hogaamiya Kooxeedyo u abaabulan qaab qabiil balse u shaqeeya
Cadawga uma Soomalida.
Dowladihi kasoo horjeeday Jiritaanka Soomaliya intaa ku
aysan ekeysan Dhibaateynta ay ku hayeen Dalka iyo Dadka Soomaalida ee waxa ay
gudaha Soomaliya ka soo buuxiyeen sirdoon aad u faraban oo soo basasa guud
ahaan dalka iyo dadkaba waxa ayna sirdoonkasi is kugu jiraan Ajaanib iyo kuwa
korka soomali ka ah balse aan Soomali aheyn oo cawadga u adeega.
Sirdoonka laga soo buxiyay Soomaliya oo garab ka helaya
qolya qowleysata ah ayaa waxa ay Gumaadeen in badan oo ka mid ah Umada
indheheeda sida aqoonyahanada Dhaqaatiirta iyo cuqaasha iyo qof kasta oo ay
sirdoonku ogaadaan in ay wax yar oo soomalina ah ay ku jirto.
Dowladaha Dariska nala ah iyo Qaar ka mid ah wadamada Reer
galbeedka oo ay u horeeyaan Mareykanka iyo Ingiriisku waxa ay Saaxada Siyaasada
Soomalida ku leeyihiin kaalin weyn oo muuqata iya oo iska dhiga in Doonayaaan
in Dowlada Soomaliya cagaheda ku istaagto.
Nin kamid ah Siyaasiyiinta Soomalida aadna wax badan uga
soo shaqeyay Arimaha dibada Soomaliya iyo kuwa gudahaba hada ah Xubin katirsan
Barlamanka Soomaliya ayaa waxa aw igu jiri Soomaliya in ay Dowlad noqoto lama ogala
qofki loo arka in ay Howshu dhab ka tahayna liifadisa ayaa si hoose loo gabiyaa.
Taasi oo macnaheedu yahay waa la dilaa.
Ilaa iyo hada waxa Gudaha Soomaliya siweyn uga shqeeya
Sirdoonka Dowladihi cadawga ku ahaa Soomaliya waxa ayna xubna ka yihiin
nadaamka Dowliga ah ee hada ka jira Soomaliya ujeed kooduna waa inysan
Soomaliya Dowlad buuxda oo xogle aysan noqon.
Dabinada iyo hadimooyinka aw Cadawgu Soomaliya u maleegay
waxa ugu halis badan nidaamka Fadaraalka ah oo u jeedada aw cadawgu ka leyahay
ay tahay in lagu wiiqo Cududka Soomali weyn iyadoo looga soo horjeedo in aysan
Soomalidu dib u hanato Ciidan Milatari oo xoog leh saameyna ku yeelan kara
Dowladaha Jaarka la ah iyo in aysan soomalidu helin wax xasilooni ah waxa ayna
Cadawgu qorsheynayaan in ay Soomalidu dib dagaal beeled ugu laabtaan iyaga oo
isku heysta qaab Gobaleysi ah.
Dowladaha aan Doneym in ay Soomaliya Dowlad noqota ayaa
inta badan gacanta ku haaya Hanaanka iyo habsami u socodka Dowlada Soomaliya
waxaana Sirdoonka Dowladahaasi ay daba gal ku hayaan dhamaan Hay’adaha Dowlada
Soomaliya taasi oo dhabar jab ku ah Dowladnimada Soomaliya.
Cadawgaa Dumada dheer Soo jiray aya dadka qaar waxa ay
qaabaan in ay inta badan Dilalka qorsheysan ee dhaca guda Soomaliya 80% ay
fuliyaan iyagoo inta abdan dila Dadka Muwaadinnimadu ka muuqato ha ahaadan
Masuuliyiinta Dowlada Soomaliya ama shacabkaba iyagoo sidoo kale aad u laaya
aqoonyahanada Soomaliya xili ay ka cabsi qabaan in howshooda la fahmo.
Cadawga dhibaatada in taa la eg ku haya Umada Soomaliya ee
aanan dooneyn in ay marnaba Soomaliya Dowlad noqoto ayaa waxa u adeega una
fududeeya howlaha aw ku cuuryaaminayo Soomalida Dad Soomali ah una badan
Masuuliyiin saameyn ku dhex leh bulsha kana dhex mooqda saaxada Siyaasada
Soomaliya.
Maba doonayaan in aynu Dowlad ahaan!. Hadaba waa Su’aale
ayaan Dooneyn ineynu Dowlad ahaano?

Comments
Post a Comment