Makula tahay in uu jiro Xiriirka ka dhexeeya Argagixisada iyo qaar ka mid ah Hay’adaha Dowlada?.

                                                                               



Waxaa Magaalalda Muqdisho ee Caasimada Soomaliya Ku soo laalaabtay Qaraxyo iyo Weeraro lagu Gumaado Muwaadiniinta Soomaliya, Jimcadii Shalay waxey ahayd maalin aad u muruga badan oo ay Gacanta Argagixisada Soomaliya ku bexeen  Masuuliyeen ka tirsan Dowlada Soomaliya Golayaasheda kala duwan iyo Muwaadiin kale oo Soomaliyeed.
Qoraalkan ayaa rabaa in aan si hoose ugu eego sababta soo celcelisa Weeradaan Argagixisadu ay ku beegsato Masuuliyiinta Dowlada iyo Shacabka.

Sugida amaanka Dalka iyo badbaadinta nafta Muwaadinka Soomaliga ah ayaa ah waajib saaran Xukuumada Soomaliya qaas ahaan Hay’adaha ku shaqada leh amaanka Dalka taasi oo u muuqata in ay ku guuldareysatay Xukuumadu.

Iska daa in Amaanka muwaadinka oo la suga’e  waxa ay Xukuumada ka soo bixi la dahay waajibaadki ka saarnaa Sugida Masuuliyiinta Dowlada.

Dowlada Soomaliya Ciidamadeedu waxa ay Si buuxda u maamulaan dhamaan Magaalada Muqdisho mana Jiraan Ciidan la ogyahay ee ka tirsan Argagixisada oo ku sugan dagma ka tirsan Magalada muqdisho hada amaanku mahan mid sugan oo la isku haleynkaro.

Argagixisada Soomaliya ayaa inta badan is ticmaala weeraro qorsheysan iyo Falal u badan Qaraxyo oo ay la eegtaan Hotelada iyo Xarumaha Dowlada Soomaliya iyagoo inta badan la eegta waqtiyo ay Masuuliyin badan isugu imaanaya Hotelada ama Xarumaha Dowlada Sidoo kale waxa ay Weeraro kuqaadaan Gadiidka ay la socdaan Masuuliinta Dowlada.

Hadaba Su’aalaha is weydiinta Mudan ayaa ah, yaa u sheega Xiliga ay Masuuliyiintu Kulmayaan iyo goobta ay ku kulmayaan iyo tirade ay yihiin?

Waxaa kale oo is weydiin mudan yaa u fudeeya Wadooyinka ay soo amraan maxusa yahay Xirirka ka dhexeeya Ciidanka ku shaqada leh amaanka iyo Kooxaha Argagixisada ah Maxaysa Goobta uga baxsadaan iyaga oon la qaban ama aan min laga dilin?

Dhabti marka aad u fiirsato sida dhacdooyinku u dhacayaan waxa durbadiiba kuu sawirmaya in uu jiro xiriir qota dheer oo ka dhexeeya qaar ka mid ah Masuliinta Hay’adaha Amaanka iyo Kooxaxaha Argagixisada ah, xirirkaas oo inta badan fududeeya in ay argagixisada hesho macluumaadka ay doonayaan si ay geystaam falal amaan daro.

Inta badan weeradan ayaa waxa ay ku soo Beegmaan mark kasta oo is badal lagu sameeyo Madaxda Hay’adaha Amaanka Dalka in kasta oo aysan cadeyn Sababta isku soo beegta.
Masuuliyiinta Dowlada ugu sarsareysa ayaa inta badan marki ay waxa dahcaan waxa ay amar ku bixiyaan in la sameeyo baaritaano durbadiina laamaha amaanku waxa ay ku dhawaaqaan Gudiyo loo xilsaaro  Baarista Musiibadi dhacday iyo cidi ka danbeysay.
Ma kula tahay in si qota dheer looga fakiray Magacaabista Gudiyada loo xilsaaro dhacdooyinka nuucaan oo kale ah?

Majiraa shaki ah in in qofkii mudnaa in baaritaan lagu sameeyo isaga aw qeyb ka yahay gudiga wax soo baaraya?. Hadii ay jawaabto haa tahay qofkisa ma isa soo qabanayaa oo ma isa soo rixayaa?
Ma saxbaa in Gudiyada loo xilsaaro arimahan oo kale aan inta badan dib loo arag loona maqal magacaabista kadib?.

Aqristow Rajo intee la eg ayaad ka qabtaa in Amaan sugan la helo Weeraraduna yaraadan iyada aan intaasi oo su’aalood aan jawaab cad loo heyn?.  

Shakiga weyn ee aniga iyo inta ila midka ah aan qabno ayaa ah in Madax ka tirsan Hay’adaha Dolwiga ah qaas ahan kuwa Amaanka qaabilsan ay Xirir weyn la leeyihiin Kooxda Al-shabaab dantnuu doona ha ahaadee, waxana ay ila tahay hadi aan xiriirkaas meesha laga saarin in Weerada iyo Qaraxyada lagu gumaadaya Muwaadiniinta ay sii kordhi doonaan maliba malinta ka danbeysa.
Waxa ii muuqata Maska ay dooneyso Dowladu in ay disho oo ay duurka ka Baadi goobeyso in aw madaxiiso yaal Xeyndaabka Dowlada dhexdiisa.  

Ugu danbeyntii wax aan qoraalkeyga ku soo afmeerayaa hal talo oo ah in ay Dowladu xisaabtan dhexdeeda iskula laabato oo masuuliyiinta mudan in lala xisaabtamo loogu yeero xisaab adag kolley dhexdiidana la iidama dhaafine.

W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments