Guurku waa heshiis sharci-diini ah , oo laba ruuxi ku
heshiiyaan in ay qoys wada dhistaan isna doortaan, dabadeedna si diinta
waafaqsan ku dhameystiraan, iskuna guursadaan. Guurku waa saldhiga Aadmiga
maxaa yeelay bulshadu waxa ay ka unkantaa dhisma qoys, qoyskana sida la
og-yahay waxa dhidibada u taaga Guurka.
Inkasta oo caadooyinka guur ee soomaalidu ay isku mid
yihiin, haddana waxa jira in ay waxyaabo ku kala duwan yihiin. Kala
duwanaanshahaas waa mid deegaanka la xidhiidha ee maaha mid asalnimo ah, tusaalae
ahaan miyiga iyo magaalada waa ay isku khilaafsan yihiin dhanka guurka.Ninka
reer kiisa ayaa u geed fadhiista reerka lala xididayo oo ey Gabadhi ka
dhalatay.
Guurku badanka waxa uu ka yimaada dhinaca raga, iyada oo
Gabadhuna la qaadato, inkasta oo ay labada qof dhexdooda ka soo heshiiyaan,
kadibna sidaa isugu af gartaan in ay qoys bulshada ku soo biiriyaan oo ay
yagleelaan.
Hadaba habka ugu fiican ayaa ah in uu ninku usoo geed
fadhiisto gabadha uu rabo ama lasoo heshiiyay, taas ayaana ah tan ugu fiican
ama ugu qiimaha saraysa ee ay Somalidu isku Guursato.
Waagii hore doobka guurdonka ahi, muddo badan ayuu guurdoon
ahaan jiray oo isaga iyo dhalinyaro kale soo ilaalayn jireen hablaha beesha.
Marka ay arkaan inan(gabadh) soo qancisa, gole ciyaareed ayey ku balami jireen,
halkaasna isku waaydaarsan jireen heeso ciyaareed, marka laga soo dareeroa
kadib ayaana la haasaawi jiray. Halkaana ay isku baran jireen kuna xujootami
jireen wiilka iyo gabadhuba, laysna waydaarsan jireen hal xidhaale iyo waliba
suugaan mal dahan, taas oo loogu duur xulaayo garaadka qofka iyo sida uu wax
garad u yahay. Marka la dhamaysto sheekada ee loo gogol-xaadho guur iyo in reer
la yagleelo ayuu wiilku reerkiisa la socodsiinjiray.
Hadaba maanta haasaawuhu wuu ka duwan yahay kii hore wuuna
ka fudud yahay oo waxa la adeegsadaa E-mail, mobil iyo aalado kale oo casriya.
Waxaanad arkaysaa in laba qof oo kala jooga laba qaaradood ay halkaas ka
haasaawaan, kana heshiiyaan iyada oo aanay dhibaato iyo waliba rafaad ku
qadanayn. taasina waxa ay gabi ahaan meesha ka saartay sahansigiii guurka iyo
in la raadiyo qof firkiisa hore lagaranayo, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa
“Haweenka iyo Geelaba waa la hida raacaa”.
Dhanka kale, xadiis ayaa ahaa waa in aad qofka aad
guursanayso ku xulataa dhanka dumarka “Diinteeda, Nasabkeeda, Maalkeeda iyo
Quruxdeeda”. Iyada oo uu yahay gurigu halka uu ka dhismayo dhinaca dumarka oo
hadii ay gabadhu guriga dhisto ma dumo, laakiin hadii ay damacdo in ay burburiso
in yar ayuu ku fashilmaa, balse waxa hadda ku soo biiray in ay dhalintu ku
maahmaahdo “Silic ku nool Soddan guursataa dhaanta”.
Si kastaba ha ahaatee, marka uu la socodsiiyo wiilku
reerkooda ayaa dabadeed reerkii inantu ka dhalatay lagu wargalin jiray in looga
soo geed fadhiisanayo gabdha heblayo. Maalinta martidu imanaysona waxa la
fadhiisin jiray geed loo sii waabay oo la dadbay, halkaas si fiican loogu
sooryan jiray.
Inta sooryadu socoto kaftan badan iyo taariikho ayaa lays
waydaarsan jiray.Hablihii lakala guursaday iyo guulaha kasoo hoyday ayaa lays
dhaafsan jiray, kadibna waxa meesha ka kici jiray af hayeenka martida oo
hadalkiisa ku soo gaba gabayn jiray: Maanta muraadkayagu waa helaayo hebal
hebal oo aad nasiisan oo aad nagula xidhidaan‘, marka uu dhameeyo waxa hadalka
ka daba qaadan jiray nin ka soo jeeda dhanka reerka martida loo yahay ayaa
odhan jiray “Idin siinay oo idinkula xididnay‘’, kadibna waxay reerka martida
ah afahayeenkoodu odhan jireen “Idinka gudoonay‘’.
Wiilka guurdoonka ahi goobta kama hadli jirin, laakiin hadii
ay dhacdo tol la’aan ayaa lagu tirin jiray, inantana waligeed geedka lagu
bixinaayo laguma arkijirin. Goobtaas gabaati ayaa lagu kala qaadan jiray iyo
waxyaabo kale oo qiimo leh, maantase gabaatigii waxa loo badalay lacag. Geedkii
la dadbi jirayna waxa loo bedelay Hoteel. Ma jirin gabaatiga inanta laga bixiyo
in dumarku qaataan, haddase waxaad arkaysaa iyada oo ay dumarku qaataan
gabaatiga taasina waa is badal horle.
Inanta wax bixiya Aabeheed, Awawgeed, Adeerkeed ama
Walalkeed kolba ka jooga, haddii la waayo waxa bixin jiray ninka cid ugu xiga
ee qaangaadhka ah.
Dhismaha reerka kahor ama kadib, waxaa inanta laga bixin
jiray yarad, ninka la dega reerka uu ka guursadayna waxa loo yiqiin Inanlayaal.
Aqalka iyo Agabka inanta reerkoodu raaciyo waxaa loo yiqiin
Diiqo ama Dhibaad, xoolaha ay siiyaan ninka reerkooduna waxa loo yiqiinay Kaalo
ama Yabadh.
Xilliga aqalgalka waxa inanta loo soo xidhi jiray dharka
hidaha iyo dhaqanka, sida saddex qaydkii, boqorkii iyo dhaclihii iyo dhamaan
agabkii dumarku xiligaa isku qurxin jireen, Hablo loo diyaariyay ayaa inanta
soo raaci jiray, soona galbin jiray.
Halkaa waxa laga dhisi jiray aqal laba daryaala ah oo markaa
ahaa guriga ugu sareeya ee la dhisto, waxaana laga dhisi jiray dhigo, lool,
cawsas xariira, saamo, kabdo iyo waliba dhamaan agabkii kale ee laga dhisi
jiray Aqal-Soomaaliga.
Halkaas waxa loogu dabaaldagi jiray arooska, iyada oo
barbaarta beelaha halkaas dagani ay u dabaaldagi jireen muddo todobaada,
dhalintu duleedka arooska ayey isugu soo bixi jireen oo ciyaaro kala duwan
sida: botorka, dhaantada, saylicida, widh-widhada iyo qaar kale oo badan, heeso
iyo murtina lays waydaarsanaayo ayaa ahaa qaar qiimo ku fadhiyey.
Maanta marka inanta la hoynaayo ee ay aqal galayso la geeyo
Koofeer lagu soo qurxiyo aroosada, halkaas oo loogu xidho agabka cusub ee laga
soo dheegtay dhaqamada shisheeye sida: toobka cad ee taashka, iyada oo timaha
loogu xidhiidhiyo timo kale, loona soo diyaariyo gaadiid badan, kadibna la
geeyo hotelka habeenkaas looga ciyaaraayo. Dabadeedna loo daaro Muusik, iyada
oo dadka kasoo qayb galay arooskaasi dhalin iyo waayeel halkaas lagu jaaso ama
niikiyo, laguna dambaysiiyo fargal ay is waydaarsadaan wiilka iyo gabadha
arooska ee aasaasay qoyska cusub habeenkaas.
Halka habeenka sadexaadna la keeno diiqada oo ayana hotel
lagu kala gudoomo, iyada oo la soo dalbado dumar buraanbura labada dinacba,
iyada oo marmarka qaar halkaas aflagaado ka dhalato iyo in reerba reerka kale
iska caabiyo, laguna kala tago caloolxumo marmarka qaar sababta in ay ku
burburaan qaysasku.
Waxa intaas dheer kharashaad badan oo aan la garanayn wax
faa’iido leh oo ay ku bexeen, isla todobaadka hore ee arooska ayaa la sameeyaa
xaflad ugaara hablaha oo lagu magacaabo sabiibta ama xaflada fijaanka macaanka
oo la geeyo hotel kale, taasina ay u baahan tahay dhaqaale kale oo horle.
Waxa kale oo intaa dheer Todoba bax laga baxo magaalada
marka aroosku ka dhaco, loona dalxiiso magaalo kale oo ka fog halka aroosku ka
qabsoomay.
Run ahaan may jiri jirin waxaas oo dhaqaala burburi, waxa
ixtiraam ka dhexeeyay labada reer ee wada xididay mid kastaana wuxu qadarin
jiray ka kale.
Ninku marka uu dhinto xaaska uu katago waa la Dumaali jiray,
iyada oo aan la sii dayn jirin gabadha uu ka tagay ninkii dhintay arimo badan
awgood, sida iyada oo la leeyahay caruurtaas ayaa dayacmi doonta, xoolaha ayaa
wareegi doona, wanaag ay gabadhu u dhalatay oo ay quudhi waayeen reerkii ay u
dhaxday iyo iyada oo ah gabadh raad qabaw.
Ninka isagana marka gabadhu ka dhimato waxa la siin jiray
xigsiisan, iyada oo inanta walaasheed loogu xigsiisami jiray ninka ay gabadhu
ka baxad, si caruurtu aanay meel kale u marin oo aan gabadh kale loo u keenin.
Haddii aanay joogin inanta walaasheed waxa la siin jiray inanta eedadeed ama
gabadh ay inanta dhimatay ay is xigaan.
Deegaanada qaar waxa xeer ahaa, hadii gabadh doonan lala
tago oo la guursado in reerkii laga dhacay la siiyo kontan halaad oo
xaalmarina.
Somalidii hore, arimaha dumarku xasaasi ayay ahaayeen, marka
uu qabiil fulin waayo xeerka beelaha u yaala, kibir iyo quudh yaraysi ayaa loo
qaadan jiray, colaado sokeeye iyo dagaalo lagu hoobto ayaa laga dhaxli jiaray.
Marka colaadahaa laga heshiiyo, qolada wax tabanaysa ayaa la
siin jiray inan ama hablo loo yiqiin godob reeb. Somaliduna waxa ay ku
maahmaahdaa “Meel xinjiri ku bururtay xab ayaa lagu bururiyaa”, iyada oo ay uga
jeedaan hablaha godob reerbta ah.
Waxa kale oo caadooyinka Somalida ka mid ahaa hadii
inan(gabadh) sharafteeda ama dhagteeda meel lagaga dhaco ninkii falkan gaystay
ayaa loo dhisi jiray sidaana loogu guurin jiray.
Haddaba, caadooyinka guurkii hore ee maanta dabar-go’ay waa
qaar badan oo lagu badalay dhaqamo aynu ka soo minguurinay dhaqamada shisheeye,
iyada oo aynu u aragnay dhaqankeena wax duugoobay, kana talaabsanay.
Haddaba dhaqamadan lumay ee dabar-go’ay waxa ka mida
Heerinka, Dhabar garaaca iyo Galista.
Haddii uu jiray guur sidaa u wanaagsana oo la qadarin jiray,
sumcad iyo sharafna ku abuuray bulshada dhexdeeda, maxaa iska badalay? Maxaa ku
soo biray? Maxaase la waayay oo dabar-go’ay?
Guurka maanta oo aad moodo in uu ka badalann yahay kii hore
waxa aad arkaysaa caadooyin aan hore loo lahaan jirin, taas oo ay ka mid tahay
guurka ku fula Meher-xadka iyo Uurka aan sharciga waa faqsanayn.
Iyada oo aad moodo in dadka ay saameeyeen dhaqanada
shisheeye, ayaa wax kasta oo la ceebsan jiray hada caado noqdeen.
Soomaalidii hore waxa ay u yaqaaneen in inantu marka ay ku
uuraysato bilaa meher ay ka dhimatay reerkooda iyo tolka kaleba, lana dayrin
jiray, si magaca ama dhag xumadu uga harto way adkayd reerka inanta dhalayna,
waxa la kulmi jirtay murugo iyo ciil, beeshuna ku sheekaysan jirtay,
Inantaasina waxa ay ka maqnaanjirtay jireen golaha ciyaarta iyo ardaayada ay
dhalintu ku haasawdo.
Aabaha dhalay inanta xumaatay, isaga laftiisa waxa ka
dhacday cumaamada oo wuu ka waaban jiray odayaasha dhexdooda, halkaas oo
kaftanka lagaga heli jiray.
Imika waxaas oo dhami way is badaleen wax walina waa wax
mudo kooban lagu ilaawo.
Wakhtigan dadku guurka waxa ay u aamineen wax la iibsado,
iyada oo la ilaaway xidid iyo xigaalba, loona haysto Inanta in ninka lacagta
hayaa uun uu guursan karo. Waxaana laga tagay is dhexgalkii bulsho iyo kala
guursigii beelo kala fog.
Haddaba, akhriste waxa dabar go’ay dhaqamo badan oo uu lahaa
guurka soomalidu, taas oo uu ka mid ahaa sida godob reeb, dumaasha iyo
xigsiisanka oo sii dabar go’aya, qaarna ay dabar go’eenba oo aan xataa dadku
macna ahaanba fahansanayn.
Waxa kale oo imika badalmay, bulashadana si wayn u saameeyay
dhaqamada meher masaafadeedka ama meher-xadka, uurka aan sharciga ku iman oo
meher ka horayn iyo wax lamida oo aan diiniyan iyo dhaqan ahaan toona meelkaga
jirin.
Guurkii hore ayaa ka qaalisnaa kan maanta, haddana may jirin
cid ka caban jirtay guur qaaliya, mana aha qiimihu in lacag badan la bixiyo ama
la burburiyo laakiin waa in uu yahay mid sharaf iyo qadarin ku dhisan, ALLANA
raali ka yahay.
Waxa gabadha laga bixin jiray boqol halaad iyo baarqaabkii,
faraskii iyo qorigii, manay ahayn wax laga cawdo ninkii aan haynina taagtiisa
ayuu socon jiray (Togba taagtii ayuu rogmadaa )ayay Somalidu ku maahmaahdaa.
Siday doontaba ha ahaatee, inkasta oo ay Soomaalidu dhaqan
iyo caadooyin fiican lahayd, guurku maaha mid ku fula geed hoostii iyo laba
markhaati oo qarsoon, ee waa aayad Ilaahay soo dajiyay waana sharci loogu talo
galay in ay ku dhaqmaan aadamuhu.
W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments
Post a Comment