Dr .Xuseen Sheekh "Kadre" Allaha kuu Naxriistee waan heysanaa Dhaxal aan kugu xasuusano



Dr. Xuseen Kadare waxa uu ka mid ahaa Qorayaashii Afka Soomaaliga ee maanta sida weyn bulshada soomaaliyeed ugu liibaaneen, Dr, Kadare waxa uu ahaa abwaan sameeyay Gabaya, Shiribka iyo Suugaanta soomaalida oo dhan.

Allha u naxariistee Abwaan Xussen Sheekh Kader dhabti waxa aw nooga tagay dhaxal aad u weyn oon abid ku xasuusan doono geeriduna waa xaq nin roona ma raago ee Allaha janadisa ha ku Abaal mariyo .

Abwaan Xuseen Sheekh Axmed Kadare waxaa lagu xusuustaa kaalintii firfircooneyd ee uu ku lahaa soo bandhigiddii qoraalka Far-Soomaliga, taasi oo afkeena u noqotay astaan gaar u ah laguna qoro laguna aqriyo waana tan inta badan lagu xasuusto ama Qofki magaiicsa maqlaba ku soo dhaceysa.

Abwaan Dr. Xuseen Sheekh Axmed (Kadare) oo ahaa hal abuur, kana tirsanaa aqoonyahanada Somaliyeed kuwooda ugu fir fircoon, ayaa wuxuu ahaa shaqsi aad qaali ugu ah Bulshada Soomaliya waxa uuna si gooniya ulahaa Far u qaas ah isaga oo uu sameeyay, Dadaalkisa badnaa awgiisa farta ayaa waxa lagu magacabaa Kaddiya.

FARTA KADDARIYA
Fartan waxaa soo saaray Xuseen Sheekh Axmed Kaddare sannadkii 1952 dii. Xuseen waxaa uu ahaa nin dhallinyar oo aad u firfircoon oo ka tisanaa shaqaalihii Raadiyo Muqdisho. Markii dambena, waxaa uu noqdey madaxa qeybta af Soomaaliga ee Akademiyadii Cilmiga iyo Fanka(Somali Academy of Sciences and Arts).

Farta Kaddariya sida tan Cusmaaniyada maaysan noqon mid caan ah ama mid ay dad badani aad u yeqaano. Laakiin, waxaa ay leedahay qiimaheeda taariikhiga ah. Fartan ma yeelan makiinado iyo qalab lagu garaaci karo (typewriters and printing machines) iyo qoraallo fartan ku soo baxay.

Fartani waxay ka kooban tahay 41 xaraf iyo afar nooc oo loo qoro. Qoraalkeeda waxaa laga bilaabaa dhinaca bidixda una socotaa dhinaca midigta (from left to right). Fartan markii loo gudbiyey Guddigii Luuqadaha ee 1961 dii waxaa ay soo jeediyeen in dhawr waxyaabood dib loogu noqdo. Kedib markii arrimahaas la soo dhammeystireyna waxay guddigi ku qiimeeyeen inay kaalinta labaad gashay (waxaa ay ku xigtey tan isticmaasha xuruufta Laatiinka oo kaalinta koowaad gashay oo uu soo gudbiyey Shire Jaamac Axmed).
Allaha u Naxaristii waxa uu ahaa ishii ugu danbeysay ama Shaqshigi ugu danbeyay ee kaharay Gudigii loo xilsaray Qorista Afka soomaliga isgana waa galbaday Eeebe ha u danbi dhaafee.
W/Q Bashir Ahmed Suley

Comments