Baaq Nabadeed:- Fadlan Joojiya Dagaalka ka socda Degmada Guriceel ee Gobalka Galgaduud



                                                                                       



KU: Gudoomiyaha Gobalka Galgaduud Mudane Cirfo

KU: Maamulka Ahlu Suna / Macalin Maxamud iyo Sh Shaakir

KU: Odayaasha Dhaqanka ee Gobalka Galgaduud.

KU:Dhamaan Culumaa’udiinta ee Deeganka.

UJEEDO: BAAQ NABADEED OO KU SAABSAN JOOJIN COLAADEED

Anagoo ah Dhamaan Xubnaha Ururka Dhalinyarada Gargaar, waxaan shir deg deg ah isugu nimi maanta oo taariikhdu tahay 12 February 2015. Shirkaan oo kuna wajihan Dagaalka Maanta Kasocda Deeganmooyinka Guri-cel Dagaal kaas oo ay ku Nafwaayeen Dad aad u badan.

Anagoo ka tiiraanyaysan dhacdadaan murugada leh waxaan marka hore tacsi u diraynaa eheladii iyo qaraabadii intii ku nafweyd dagaalkaan waxana leenahay Allha samir ka siiyo iyagana naxariista eebe ha siiyo, Inta dhaawaca la jiiftana illaah ka caafiyo.

Falanqeyn iyo xograadis kabacdi sida arimuhu u dheceen, waxaan si wada jir ah ugu soo gudbinaynaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalkan ee kor ku xusan baaqaan hoos ku qoran:

·         In dagaalka si shuruud la’aan ah loo joojiyo, si deg deg ahna loo hawl geliyo Odayaasha Dhaqanka oo Dowr Muhiima ku leh, nabadaynta iyo sulux u raadiska markii arimahaan oo kale dhacaan.

·         In Dowladu Xilweyn iska saarto Sidii Xabada loo joojin lahaa shuruud la’aan.

·         In si deg deg ah ciidanka loo kala qaado Xasiloonidana la soo celiyo Odayaasha iyo waxgaradkana lagu hawl geliyo in ay arinta xalwaara ka gaaraan, isku dhac kalena laga fogaado.

·         In culimaa’udiinta lagu hawl geliyo in ay Dagaalka dhextagaan si ay ugu wacyi geliyaan in naf la dilaa xaraam tahay, ciqaab eebena meel u taal ruuxii falkaas ku dhaqaaqa.

·         In si wada jir ah loo sugto amaanka iyo wada noolaanshaha bulshada (community cohesion) oo ah tiir haddii uu burburona awsan nadaam jiri Karin.

·         Waxaan ka codsanaynaa in isku tanaasul iyo is cafis la yimaadaan labada dhinac oo ee Dagaalku u dhexeeyo.

·         In ay labada dhicay ay dhegaystaan oo tixgeliyaan codsiyada, baaqyada iyo cabashooyinka uga yimaada bulshadeeda gudaha iyo dibad, aynaan u muuqan kuwa ka fog bulshada.
GABAGABO
Waxaan u soo jeedinaynaa dhammaan dhalinyarada Ree Guriceel in ay ilaashadaan midnimadooda oo aysan ka qeyb qaadan dagaal la iskaga horkeenayo dadka walalaha ah ee wada dhashay diigoodana aysan daadin.

Xafiiska Ururka Dhalinyarada Gargaar

Gudoomiyaha Ururka
Bashiir Ahmed Suuley

Gudoomiya Kuxigeenka Ururka
Deeqa Muxyadiin

 

Comments